19/07/2026
BANKA TUUYO
Hees-ciyaareed h**e, waxay ahayd;
Saddex waa war beenaad:
Berbera buuri laga waa
Basra timir kamey iman
Banka Tuuyo caws male !
Dhammaadkii qarnigii 19aad, sahamiyihii Ingiriiska ahaa ee Swayne, mar uu ka sheekeeyay hodontinnimada daaq iyo duurjoogeed ee banka Tuuyo, waxa uu tusaale u soo qaatay Wiyisha oo gabbaad ka dhigata geed cawseedka duurka loo yaqaan iyo ugaadh aad u kala duwan, isla markaana ay adag tahay in la tiro koobo. Geed cawseedka duurku hadda waa gabaabsi, waxana tirtiray daaq xad-dhaaf ah, dhismaha oo loo adeegsadao, iyo beraagta oo lagu dedo.
Lixdaneeyadii qarnigii 20aad, waxa aan carruurnimadaydii xasuustaa banka oo dareemada (dherer inta ay ka qabto) aannu burarka baarka ka gunti jirnay, si aannu u soo tilmaansanno marka aannu guriga ku laabanaynno, si aanaan guriga uga habaabin illeyn waa ban aan lahayn geedo dhaadheer oo la tilmaansado ee. Banku waxa uu ahaa tigaad isku siideysan oo aan kala go’ lahayn, Dixida ayaa iyana si baahsan uga bixi jirtay. Ugaadh tiro badan ayaa indhaahaaga dhinaca aad u jeedisoba ay qabanayeen.
Sidoo kale geelal tiro badan ayaa gu’gii lagu dhex arki jiray banka. Aqal-Soomaaliga ay reeruhu dhisan jireen ayaa aad uga waynaa buulasha maanta xoolo-raacatadu dhisato, agabka wax lagu dhistaana badi waxa laga diyaarin jiray dhiroonka iyo xoolaha. Gaadiidkii (awrtii) la raran jiray hadda waxa beddelay dameero, maxaa yeelay aqallo waaweyn la ma dhisto, meelo durugsanna looma guuro, marar badanna reeraha baabuur ayaa u dhaamisa (gu’ iyo jiilaal), weyna degaamoobeen.
Maanta duurkii ma jiro, dareemadii iyo dixidii ma jiraan, duurjoogtii iyo shimbirihii kala caynka ahaa ma joogaan ama waa faro-ku-tiris, cirkuna waxa uu ka qaawan yahay muuqaalkii haaddii oogada sare gaaf-wareegi jirtay ee raqaha fogaan sare ka bidhaansan jirtay. Amminiba ta ka sii dambaysay ayaa isbeddel ku imanaayaya saansaanka deegaan iyo habnololeedka dadka. Xilliyo dhexa cawska qabsaday banka waxa ugu badnaa Sifaar. Se maanta Sifaarkik waxa raacay oo Beryahan dambe bankii si baahsan u qabsaday geedgaabka ‘Hiisha’ oo xoolo-dhaqatada mar xoolahooda daaq u ah, marna inta ay rujiyaan ku deyrta xerooyinkooda.
Waxa kale oo aan arkay in bankii hareeraha ka soo ururayo oo dhirtii gooddigu si xawli leh ugu soo fidayso. Gooddiga banka waxa halkiisii h**e ku hayn jiray oodda awrta lagu soo raran jiray si banka gudihiisa guryaha loogu ooto. Hadda dameero ayaa la rarta, wax macno ahna samayn meyso in ood yar gooddi lagaga soo raraa, markaas waa in hiisha uun la rujistaa! Dhinaca kale, cawska yaraaday waxa uu xoolaha ku xambaaray inay dhaameel qudhaca iyo maraaga cunaan, ka dibna ay dhirtaasi si fudud u tarmaan Marka midhaha ay salaada xooluhu meel walba geyso.
Sawirkani waa Jugley, waana duurjoogta keliya ee aan ku dhex arkay banka intii aan ka tallaabayay socdaal aan dhowaan ku maray. Arrinta xiisaha lehi waxa ay ahayd inaan tiro dhowr iyo toban nafley shimbirkan ah goobtaas ku arkay.
Inta aan kamaradii la beegsaday ayaan hoosta ka idhi “Il cadow iyo ugaadhsato Carbeed Alle ku ma tuso!”
Haa ! Fiicnaan lahaydee in kamaradu qoriga beddesho.
WQ: Axmed Ibraahim Cawaale, Hargeysa.