
29/03/2025
Dhawaan Filo Buugga ifiye iyo Baydhabo Janaay.
Bandhigga Buuga Ifiye oo dhawaan lagu qaban doono Magaalada Baydhabo xarunta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Buugga Ifiye ,waa buug ku saabsan kaalintii kobcinta aqoonta ee ilbaxnimada Islaamka ay ka qaateen aqoonyahannadii Muslimiinta ee Xilligii Dahabiga ahaa ee Islaamka.
Buuga Ifiye waxaa qalinka u qaatay qoraa Abshir Macalim Maxamed (Dhiblawe) oo ah Aas aasaha iyo Maamulaha guud ee Madasha Garaad-Kaab Forum oo ah madal dhistay Garaadka iyo aqoonta dhalinyaradda Soomaaliyeed, soona saartay aqoonyahano ku taqasuusay culuum kala duwan.
Goorta: 04-04-2025.
Goobta: Hoolka RB hotel.
Amminta: 03:00-Galabnimo.
Ka soo qaybglkaadu waa innoo sharaf.