08/07/2026
FALANQAYNTA BUUGGA BULAAL
Waxaa sharaf noo ah inaan ka qaybgalno madasha aqooneed ee Naadiga Akhriska & Qoraalka Garaad-Kobac, halkaas oo lagu falanqayn doono Buugga Bulaal ee Barashada Cilmiga Horumarinta.
Kulankan wuxuu noqon doonaa madal lagu gorfeeyo fikradaha iyo aragtiyaha uu buuggu ka soo bandhigayo Cilmiga Horumarinta, iyadoo diiradda la saarayo sababaha horumarka iyo dib-u-dhaca bulshooyinka, maamul wanaagga, dowlad-dhiska, iyo doorka aqoonta ee horumar waara.
Waxaan uga mahadcelinayaa Naadiga Garaad-Kobac qabanqaabada munaasabaddan aqooneed, iyo dhammaan falanqeeyayaasha iyo ka soo qaybgalayaasha waqtigooda u huraya kobcinta dhaqanka akhriska, qoraalka, iyo doodaha ku salaysan aqoonta.
đź—“ Jimco, 10 Luulyo 2026
🕞 3:30 Galabnimo
📍 Dareem Intentional (Kasoo Horjeedka Jaamacadda Plasma "SOOBE"), Muqdisho
Ka soo qaybgalkiinnu wuxuu qayb muhiim ah ka yahay kobcinta dhaqanka aqoonta, falanqaynta, iyo wadaagga aragtiyaha ku salaysan cilmi-baarista iyo horumarka.