Mahir Barashool

  • Home
  • Mahir Barashool

Mahir Barashool Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mahir Barashool, Digital creator, 65, .

Reer Hargeysa Oo Caawa Fiidkii Ka Cawday Jinac Qaniinyo Kulul.Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland caawa labadii...
25/08/2025

Reer Hargeysa Oo Caawa Fiidkii Ka Cawday Jinac Qaniinyo Kulul.

Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland caawa labadii qof ee is waraystaaba Salaanta ka dib Waxa ay isweydiinayeen ‘Taloow Waa Maxay Jinacan Yar ee qaniinyadda Kuluuli’

Inta badan xilliyadda Roobabka Waxa soo baxa xasharaado Kala duwan, jinacanina Waxa uu la socday Raxmaadka Allaah.

In kasta oo uu Markii Dambe Roob Magaaladda Ka Da’ay hakiyay Qaniinyadii Jinacaasi.

Hadaba adiga ma ku qaniinay Jinacaasi caawa?

Madaxwayne Cirro, oo Burco kusii jeeda ayaa la filayaa in uu ka hirgaliyo mashaariic ay kamid yihiin- Mashruuca Biyo Bal...
18/08/2025

Madaxwayne Cirro, oo Burco kusii jeeda ayaa la filayaa in uu ka hirgaliyo mashaariic ay kamid yihiin

- Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalada oo ku kacayaa 6.5 million USD.
- ⁠Dhagax dhiga Cisbitaal weyn oo Casri ah
- Daahfurka Maamul Daadejinta Adeegyada l
> Passports ka Somaliland.
> Kaadhka Dhalashada
> Liisamada Wadista Gaadiidka
> Liisamada Ganacsiga.
> Ogolaanshaha Kaadhka Shaqada (Work Permit)
> Shahaadooyinka Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare.⁠

- Dhismaha iyo Casriyaynta Garoonka ALAMSAY.
- ⁠Dhamaystirka Burco Musium (Goobtii Somaliland lagaga dhawaaqay).
- ⁠Dhagax dhiga aaga wershadaha Magaalada Burco.

Maamulka Gobolka Togdheer ayaanu xogtan kasoo xiganay.

Dagaalka Shiinuhu ku hayo Somaliland oo warbaahinta Al-jazeera si weyn u faaqiday.
16/08/2025

Dagaalka Shiinuhu ku hayo Somaliland oo warbaahinta Al-jazeera si weyn u faaqiday.

Israa’iil ayaa ku wargelisay Maraykanka, Faransiiska, iyo UK qorshaheeda hawlgal ee la ansixiyey ee olole ballaadhan oo ...
16/08/2025

Israa’iil ayaa ku wargelisay Maraykanka, Faransiiska, iyo UK qorshaheeda hawlgal ee la ansixiyey ee olole ballaadhan oo ka socda Lubnaan, oo la dili doono haddii dawladda Lubnaan ku guul-darreysato inay hub ka dhigto ururka Xisbullah ee gobollada koonfurta iyo woqooyiga ka xiga wabiga Litani.

Dumar Ahaan Marka aan U Eegay Gabadhan wax lala Yaabo maha in Nin ay u arkaysay Ninkii u qalmay inay Guursato lkn waxa w...
16/08/2025

Dumar Ahaan Marka aan U Eegay Gabadhan wax lala Yaabo maha in Nin ay u arkaysay Ninkii u qalmay inay Guursato lkn waxa wax laga xumaado ah oo aan Xeer raganimo iyo mid bina aadan tinimo ahayn inu ninkii ay guursaty Ku Doodaayo inusan dhalin ilmaha yar=

Askari ka tirsan ciidanka kaydka ah ee Israa'iil oo fasax ku maqnaa joogayna Switzerland ayaa markii loogu yeeshay dagaa...
16/08/2025

Askari ka tirsan ciidanka kaydka ah ee Israa'iil oo fasax ku maqnaa joogayna Switzerland ayaa markii loogu yeeshay dagaalka Gaza nafta is dhaafiyay...

Kabtan Yosef Haim Ashraf, oo 28 jir ahaa, ayaa meydkiisa laga helay keynta Switzerland ee u dhow Tiberias, waxaana lagu soo waramayaa inuu naftiisa dilay isagoo qarxiyay bam gacmeed, sida ay sheegeen booliska militariga.

Marka Lagu leeyahy Reer Galbeedku waa Sida Dukhsiga Malinba Halkay Qoyaan ku arkaanbey isugu habar wacdab wasidan.Wasaar...
15/08/2025

Marka Lagu leeyahy Reer Galbeedku waa Sida Dukhsiga Malinba Halkay Qoyaan ku arkaanbey isugu habar wacdab wasidan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegtay in reer galbeedku muddo 3 sanadood ah ka hadlayeen sidii loo go'doomin lahaa dalka Ruushka, maantana roog cas lagu soo dhaweeyay madaxweynahooda Vladimir Putin.

Ukraine, mar waxay ahayd quwada saddexaad ee hubka nukliyeerka.. laakin waa sidee maanta xaalku?Ukraine markii ay xorriy...
15/08/2025

Ukraine, mar waxay ahayd quwada saddexaad ee hubka nukliyeerka.. laakin waa sidee maanta xaalku?

Ukraine markii ay xorriyadda ka qaadatay Midowgii Soofiyeeti 1991-kii, waxay la wareegtay kayd ballaaran oo hub nukliyeer ah, kaas oo ahaa kii ugu weynaa ee dunidda marka laga reebo Mareykanka iyo Ruushka. Waxaa ku jiray boqollaal gantaal istaraatiiji ah oo awood u lahaa inay gaaraan Mareykanka, kumannaan madaxyo nukliyeer ah, iyo diyaarado istaraatiiji ah oo xambaari kara hubkaas. Si kastaba ha ahaatee, Ukraine waxay ahayd dal cusub oo aan lahayn awood farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed oo ay si madaxbannaan u maamuli karto nidaamkaas hubka ah.

Mareykanka iyo Ruushka ayaa go’aamiya mustaqbalka hubkaas. Washington waxay si cad ugu cadaadisay Kyiv in ay hubkaas ka tanaasusho, iyadoo ku doodeysa in ilaalinta hubka nukliyeerka dal aan lahayn khibrad iyo kaabayaal ammaan oo ku filan ay khatar ku tahay nabadda caalamka. Mareykanka wuxuu ballanqaaday taageero dhaqaale iyo mid amni haddii Ukraine ay ka qeyb qaadato dadaallada lagu dhimayo hubka nukliyeerka.

Ruushka, oo ahaa dhaxal-sugaha rasmiga ah ee awooddii nukliyeerka Soofiyeeti, wuxuu dalbaday in dhammaan hubkii nukliyeerka ee ku haray Ukraine, Kazakhstan iyo Belarus lagu wareejiyo Moscow. Heshiiskii muhiimka ahaa ee arrintan lagu xalliyay waxaa la yiraahdaa Budapest Memorandum oo la saxiixay 1994. Ukraine waxay ku aqbashay inay hubkeeda nukliyeerka ku wareejiso Ruushka, iyada oo helaysa dammaanad siyaasadeed oo ah in madax-bannaanideeda iyo dhulkeeda la dhowri doono, taas oo ay saxiixeen Mareykanka, Ruushka iyo Ingiriiska.

Laakin, waa sidee maanta xalku?

Waxaan joogna waqti dhulkii ugu muhiimsanaa Ukraine uu Ruushku weerarray, Isla markaana qabsaday,dalkii dammaanada u qaaday Ukraine oo ah Mareykanka wuxuu roog cas ku soo dhaweeyay Putin, waxayna mar kale go'aaminayaan mustaqbalka jiritaan ee Ukraine— nuxurka ay u wadahadlayaana waa sidee ku qeybsanaa khayraadka Ukraine..! waa natiijada marka dal masiirkiisa ka tanaasulo..!
Xigasho iman jama

03/07/2025

Maxaa udiiday somali romantic nocana???

Send a message to learn more

Address

65

150

Telephone

+252633159635

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahir Barashool posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mahir Barashool:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share