Hadh macaan news Today TV

Hadh macaan news Today TV Hadh macaan news TV kusoo dhawaada waxaad kaheli kartaan warar 24 sacadood ah ciyaaraha diinta suugaanata barnamijyo xiiso leh Tariikhda caalamka

warar sugan barnaamijyo muuqaalo taariikho sheekooyin diin fanka suigaanta arimaha bulshada

13/11/2024

Berbera iyo hargeisa waxa hogaminaya kulmiye galbedka oo dhan gobolada barina waxa hogaminaya
Burco iyo ceerigabo waxa hogaminaya wadani

Wixi so kordhan si fican ula socda wixi so kordha

Maxay yihiin dukumiintiyada sirta ah ee dowladda Ingiriiska hadda shaacisy ee ku saabsan Xisbullah iyo Bariga Dhexe?XIG...
30/12/2023

Maxay yihiin dukumiintiyada sirta ah ee dowladda Ingiriiska hadda shaacisy ee ku saabsan Xisbullah iyo Bariga Dhexe?


XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,
Xariir oo ku sugan UK

2 Saacadood ka hor

Dukumiintiyo sir ah oo hadda laga helay Ingiriiska ayaa muujinaya in xukuumaddii ra'iisul wasaarahii h**e ee Boqortooyada UK Tony Blair ay 20 sano ka hor dajisay qorshe la doonayay in lagu kala diro garabka milatari ee Xisbullaah, taas oo ahayd hadafka dalalka Maraykanka iyo UK.

Hirgalinta qorshahaan waxaa ay doonaysay dowladda Ingiriiska in uu kala shaqeeyo ra'iisul wasaarahii h**e ee Lubnaan Rafik Xariri.

Sida laga soo xigtay dukumeentiyada oo dhawaan la shaaciyay, Ingiriiska ayaa wadahadal qarsoodi ah oo "miro dhal ah " la qaatay Xisbullah, waxaana uu ka codsaday in Xisbullaah ay ka shaqeyso siyaasadda oo kali ah balse arrintaas waa uu ku guuldarreysatay in uu ku qanciyo.

Horraantii bishii Luulyo 2003, Tony Blair wuxuu ku casuumay Xariiri inuu booqasho ku tago London ka dib wadahadallo socday muddo bil ah oo dhexmaray ra'iisul wxilligas Boqortooyada UK iyo Mmadaxweynahii Faransiiska Jacques Chirac.

Madaxweynahii Faransiiska waqtigaas Jacques Chirac ayaa ku tilmaamay Xariiri inuu yahay "nin aragti dheer" iyo "falanqeeye caqli badan marka laga hadlayo hannaanka geeddi-socodka nabadda, gaar ahaan marka la eego fikirka (hoggaamiyaha Falastiin Yaasir) Carafaat," isagoo kula taliyay Blair inuu dhageysto isaga, sida dukumentiyada Ra'iisul Wasaarahii Ingiriiska ay muujinayaan.

Ingiriiska iyo Maraykanku waxay xilligaasi raadinayeen iyagoo kaashanaya Israa'iil, si ay uga dhaadhiciyaan Yaasir Carafaat in lagama maarmaan ay tahay in uu la shaqayeeyo Maxamuud Cabaas oo markaasi laga dhigay ra'iisul wasaare leh awood ballaaran.

Kooxda kubadda cagta Liveprool ayaa shaacisay, in xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah uu ka tegi doono kaddib ciyaarta N...
30/12/2023

Kooxda kubadda cagta Liveprool ayaa shaacisay, in xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah uu ka tegi doono kaddib ciyaarta Newcastle United ee Isniinta ee horyaalka Premier Leagie, waxaana uu tegi doonaa xulka qarankiisa ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Afrika.

Masar ayaa waxa ay ciyaarteeda koowaad ee tartanka Afrika ay ciyaari doonaan January 14 oo ay finalka gaadheen labadii jeer ee ugu dambeeyey, waxaana ka horreyn doona tababar ay ku samayn doonaan dalkooda ka hor inta aanay u duulin Ivory Coast.
Mohmaed Salah ayaa ka maqnaan doona ugu yaraan toddoba ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo ay ku jiraan kulamada muhiimka ah ee Chelsea iyo Arsenal.
War-saxaafadeed ay soo saartay Liverpool ayaa lagu yidhi: “Mohamed Salah waxa uu la midoobi doonaa xulka qarankiisa Masar ee Koobka Qaramada Afrika, kaddib ciyaarta Liverpool ee Newcastle United.”
Liverpool ayaa waxa sidoo kale ka tegi doona xiddiga reer Japan ee Wataru Endo oo uu dalkiisa kala qayb-galayo ciyaaraha Asia Cup, taas oo keeni doonta in uu ugu yaraan shan ciyaarood ka maqnaado garoomada.
Jurgen Klopp oo la hadlay saxaafadda ayaa yidhi: “Qorshe kasta oo waqti dheer ah oo aan sameeyo, waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay ciyaartoyda aanu haysanayno, sidaa daraadeed ayaan uga fikiraa October iyo cidda aan isticmaalayo January, marka uu Mohamed Salah naga tegayo oo aanan sidoo kale garanayn cidda aanu haysanayno?
“Maanta waxa na haysata xaaladdaas, waxaanan rajaynayaa in aanu geli doono kaddib ciyaarta Newcastle. Ma aha markii ugu horreysay, laakiin waa xaalad caadi ah in aad lumiso ciyaartoy goolal kuu dhalinayay, balse waxa ay nagaga sii xumayd markii ay naga tegi jireen Sadio Mane iyo Mohamed Salah.”
Waxa kale oo uu Jurgen Klopp ka hadlay bixitaanka Wataru Endo, waxaanu yidhi: “Waxa kale oo aany haysannaa Wataru Endo oo ka qayb-gelaya ciyaaraha Asia Cup. Waanu sii ogeyn in ay sidaasi dhacayso, waananu la tacaalaynaa.”

PREVIOUS
Shaw, Casemiro, Martinez Illaa Maguire: Xogta Xiddigaha Ka Dhaawacan Manchester Unite

07/07/2023

Sh.mustafe ismaciil

Address

Hargeisa

Telephone

252634093908

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hadh macaan news Today TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hadh macaan news Today TV:

Share

Category