Bulshawi

Bulshawi news intermittent sports

waxaad naga heli doontaan warar ka ciyaaraha iyo warar sugan oo xaqiiqo madadaaladuna k**a maqna ah sidoo acmaasha khayriga ah iyo axaadiis fadlan wll nagula saxiib dar illahay

Farqiga u dhexeeya Madaxweyne Ghani iyo Madaxweynaha Ukraine.🇺🇦 vs🇦🇫  Madaxweynaha Ukraine:  waxa uu doortay in uu dagaa...
01/03/2022

Farqiga u dhexeeya Madaxweyne Ghani iyo Madaxweynaha Ukraine.🇺🇦 vs🇦🇫

Madaxweynaha Ukraine: waxa uu doortay in uu dagaalamo oo uu san dalka kabixin lkn k**a uusan fikirin Dalku sida uu noqon doono iyo wixii intaas oo qarni lagu soo tacab iyo tiir beelay halka ay ku danbayn doonaan Halka

Madaxweynihii h**e ee ashraf Chani uu go,aansaday in uu dalka ka baxo si ay dadka dalkiisu Nabad uhelaan Loogana baaqsado dagaalo hor leh oo ay dadka reer Afghanistan ku Hoogaan 🙏❤🇦🇫

Saddam Hussein, Muamar Qaddafi, Bassar Al Assad iyo Zelensky (Ukraine)2003Maantoo kale February 2003Ayuu maraykanku ku d...
26/02/2022

Saddam Hussein, Muamar Qaddafi, Bassar Al Assad iyo Zelensky (Ukraine)

2003
Maantoo kale February 2003
Ayuu maraykanku ku duuley Iraq, Aakhirkii god ayay kasoo saareen waanay, daldaleen,
Ruushka oo ay xulufo ahaayeen
Kamay jawaabin

2011
Hadanna 2011 ayuu faransiisku weerarey Libya
Qaddafi isagana god ayay kasoo saareen
Isla sidii Saddam Hussein oo kale,
Ruushku k**a jawaabin,

2013
Syria ayuu weerar ku qaadey, maraykanku
Ruushku way ka jawaabeen, qaramada midoobey ayuu Veto dul dhigey isaga iyo china
Maraykanku wuu iska dhego tirey dagaalkii wuu bilaabay,

Ka dib ruushku jawaab cad ayuu ka bixiyey
Hub iyo isdifaac ayay siiyeen Bashaar al Asad,
Ka dib 2015 ayuu ruushku toos u bilaabay dagaalka Syria.

Maalinta uu Syria bilaabayey inuu galo
Khudbad ayuu jeediyey Vladimir Putin oo uu xataa Somalia kusoo darey,
Wuxuu yidhi sharci iyo biniaadam-nimo midna ma qadarisaan,
10 waddan oo aad weerarteen bilaa sabab
Sidii aad dunida leedihiin idinka,
Dib uma dhici doonto in cid kaliya dunida ku amar taagleyso,

Ka dib Suuriya waad aragtaa ilaa maanta waa la dhaqaajin waayay,
Sidoo kale wuxuu balan ku qaadey hadii la taabto in leysku rogman doono

Intaa ka dib maraykanka iyo xulafada reer galbeedka dal dambe kumay duulin,

Venezuela dhaqalaha ayay ka cuno qabateeyeen, inay cagta saaraan
Ruushka ayaa ka dhaariyey,
Ilaa hadda laba dowladood ayaa ka jira
Venezuela mid ruush ah iyo mid maraykan ah
Oo daciif ah,

Imika 2022
Ruushku dunida ayuu isku dheeli tirayaa,
Maaha in cid kaliya dunida oo dhami daba dhilif u wada noqoto,

Banaan baxyadii 2010 (Arab spring),
Maraykanka iyo Faransiiska ayaa ka dambeeyay,
Shidaalkan ay carabtan ka iibsadaan
Ayay rabeen inay si free ah ku qaataan,
Hadda Libya iyo Iraq si bilaash ah, loo qaataa
Ama lacag aad u yar ayay ku bixiyaan,

Nin ayaa guursaday gabadh buuq iyo qaylo badan. Hadh iyo habeen wuu ka fadhiyi waayay. Ayaan dambe ayuu si xun u dilay o...
20/02/2022

Nin ayaa guursaday gabadh buuq iyo qaylo badan. Hadh iyo habeen wuu ka fadhiyi waayay. Ayaan dambe ayuu si xun u dilay oo eryay. Show iyana may tegin e, gulucda albaabka guriga ayay ku dhuumatay. Cabbaar kaddib ayuu oohin la fadhiistay. kuye: " Sheekh Cabdiqaadiroow ii soo celi gabadha." Ileyn way maqlaysee, iyada oo qoslaysa ayay albaabka ka soo baxday. kute, " Waar Sheekh Cabdiqaadiroow iga daa riixidda aniga ayaa guriga galaya e".🤣

 waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay c...
15/02/2022



waxaan ka hadlayaa maanta mawduuc muhiim u ah qoys walba oo soomaaliyeed inay wax ka ogaadaan, wuxuu ku saabsan yahay caafimaadkaaga iyo midka qoyskaaga, dhibaatadaas oo ay dhici karto inay jikada kuu taallo, waa "maraq digaaga" lagu daro suugada cunnada lagu cuno.

Maraq digaagu aad ayay soomaalida u isticmaashaa waxayna ku darsadaan suugada si loogu carfiyo, dhanaane loogu yeelo, shirkadaha sameeyo maraq digaaga ay badanaa soomaalidu isticmaasho waa: "Maggi", "Oxo" "Jumbo", "Knorr" iyo "CalNort".

Talow ma isweydiisay, Muxuu maraq digaaga ka samaysan yahay? Muxuuse dhibaato leeyahay?

Xaqiiqada ugu h**eyso waxay tahay in aan maraq digaaga laga samaynin "Maraq Digaag", taasi waxaa sii dheer in laga sameeyay waxyaabo caafmaadka u daran oo halis ku galin karo waxaana ka mid ah:
Cusbo: Waxa ugu badan ee maraq digaaga uu ka samaysan yahay waa cusbo weliba xad dhaaf ah.
Dufan: Waxaa ku xiga waa dufan loo yaqaano "trans fat" oo la ogyahay halista ay wadnaha u leedahay maadaama xididada yaryar ee wadnaha xirto.


"MSG": Maadadaan waa waxa ugu qatarsan ee ku jiro maraq digaaga, maraykanku waxay u yaqaanaa "slow killing poison" oo macnaheedu yahay "suntii sida aayarka ah wax u dilaysay", cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay maadadaan "MSG" oo maraq digaaga ka buuxdo waxaa la ogaaday inay keento cudurka Goon-jabka, Dhiigkarka, Boogaha gaaska "Ulcer", Beer xanuunka, Hilmaanka / Foojignaan la'aanta iyo xanuun loo yaqaano "Fibromyalgia" oo soomalida ku soo badanayo sanadahaan dambe,
MSG waxaa laga soo gaabiyay "monosodium glutamate"

Lafo digaag: Markii shirkada "Maggi" ay bilaabaysay samaynta maraq digaaga, waxay ku dari jireen lafo digaag oo la shiiday ama hilib la shiiday, waxaana la dhihi jiray wuxuu galayaa badalka digaaga ma hilibka aad suugada ku darsatid, laakiin waayahaan dambe laguma daro oo waxaa intaa dheer toon, filfil iyo wayxaabo kale oo carfis ah oo shirkaduhu ku kala duwanaan karaan.

Waxay cilmibaarayaashu ku taliyaan in badalka maraq digaagaan suuqyada ganacsiga loo keenay in aad si dabiici ah ku carafsan kartid suugadaada sidii awalba ay soomaalida taqaanay, kabsarcaleenta, toonta, filfisha, xawaajiga iyo wixii la mid ah.

Haddii kale inta aad digaag karsato, maraqa ka miiro oo carfiso, kadibne qaboojiyaha gasho oo maalintii aad wax dallacanayso xoogaa yar ku darso suugada.

Ogow waxaa jiro shirkado aanan ka fakaraynin caafimaadkaaga oo jeebkaaga ku tiirsan, wixii cusub oo aadan aqoon u lahayn baaris ku samee inta aadan isticmaalin.

Lawadaag Asxaabtaada oo u SHARE garee gaarsiina Qoyskaada isticmaala Maraq-Digaaga qataryiisa ama halkaan ugu wac mid ama labo qof oo aad u isticmaala.
Somalidoc

Xigasho Dr muslih

SHARE

Wiilka warbaahinta adduunka gaar ahana kuwa carabta aad loogala socdaa xaaladiisa, waxa la yidhaahda  Rayaan waa wiil ya...
04/02/2022

Wiilka warbaahinta adduunka gaar ahana kuwa carabta aad loogala socdaa xaaladiisa, waxa la yidhaahda Rayaan waa wiil yar oo reer Morocco ah Maalintii arbacadi ayuu ceel ku dhacay dhawr iyo soddon meter dherarkiidu ah ila haddana waa ku jira.

Isku dayo badan oo lagu soo badbaadinayay
Waa lagu guul darraysatay ceelka oo dheer darti walina Wiishash iyo cagafyo aya qodaya si ay u soo samato bixiyaan.

Kamaradaha hoos loogu dhaadhiciyay ceelka aya sheegaya in wali noolyahay wiilku oo uu dhaqdhaaq samaynaayo isagoo saddex maalin ceelka ku jira.

Waa maalin khayr baddan oo saacatul ijaabo ku jirtee aynu u ducayno in Alle ka soo badbaadiyo oo hawl-galadaa sakhiro...

Dood kulul ayaa ka bilaabatay dalka Brazil una dhexaysa  siyaasiyiinta Brazil,taasoo lagu soo qaatay sababta ay arrimaha...
20/01/2022

Dood kulul ayaa ka bilaabatay dalka Brazil una dhexaysa siyaasiyiinta Brazil,taasoo lagu soo qaatay sababta ay arrimaha dalka Somalia u murugsan yihiin muddo 40 sano ka badan.

Dooddan waxaa Brazil ka bilaabay siyaasiga iyo aqoonyahanka Sergio Fernando Moro,horayna usoo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Ammaanka dalka Brazil,waxaana sidoo kale dooda qayb ka ahaa Siyaasiyiin badan oo magac kuleh Brazil.

Guddoomiyaha Xisbiga PSB/D ee dalka Brazil, Rodrigo Dias, una dooda xuquuqul insaanka ayaa isagoo ka jawaabayey sababta Somalia u Degi la'dahay , wuxuu yiri sidan .

”Yaa ku doodaya in Ingiriisku uu ka koritaan fiican yahay Somalia sabab la xiriirta hay’aadkiisa xooggan,ayuu is waydiinayaa qof kasta oo kamid ah dadka dooddan ka qaybgelaya.

Waxaan qabaa anigu sababtu waa Dhibaatadii gumaysiga, addoonsiga, dhiig-miiradka iyo dabar-goynta oo si wanaagsan u sharaxaya farqiga u dhexeeya labadaa adduun,Ingiriiska iyo Somalia

waxaana arinta sii murjinaya,Gumaysigii reer Yurub markay Xoriyada siiyeen somalia,meel walba waxay ugu sii aaseen Qumbulado ,Bambooyin qarxaya laga Bilaabo Xuduudaha ,Manhajka waxbarashada,dhaqaalaha ilaa Caqliga Bulshada .

Ciladuna waa Soomaalida oo aan weli Fahmin Khatarahaas iyo Dabinada kale ee uu Gumaysigu uga tegay si aanay weligood talaabo u qaadin ,farqiga u dhexeeya labadaas adduun waa intaas oo keliya .

Lknse arimahaasi iyadoo ay jiraan Soomaalida Cudurdaar u noqon mayso inay weli u dhibtoonayaan Dabinadii Gumaysigu u dhigay 60 sano Kahor ,Waa inay keenaan xal ay kaga gudbaan dhibaatadan "

Qayb yar oo muuqaalka Doodan iyo tixraac kale waxaan dhigay qaybta Comment-ga.

Xigasho

Madaxweynaha ordogan ayaa shaaciyey inay ku guulaysteen in turkigu markii ugu horaysey samaysto hannaanka VLS oo loo ade...
16/01/2022

Madaxweynaha ordogan ayaa shaaciyey inay ku guulaysteen in turkigu markii ugu horaysey samaysto hannaanka VLS oo loo adeegsado in laga gano gantaalaha 90-ka digrii ah ee kor u baxaya.

Madaxweyne Erdoğan oo ka hadlayey xarunta maraakiibta lagu dhiso ee Istanbul Shipyard ayaa dib u Xasuustay marar badan oo Reer galbeedku u diideen inay hub ka iibiyaan,wuxuuna yiri sidan.

" Shalay Nidaamka VLS waxaan kasoo iibsan jirnay dibada,lknse maanta gudaha turkiga ayaa lagu sameeyey waa guul weyn oo aan bogaadinayo ,waxaana lagu qalabaynayaa markabka Istanbul Frigate.

Markaan Xasuusta dib u celino waxaynu xasuusanaynaa Markii aynu Dawladahaas ka dalbanay inay naga iibiyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Lknse way noo diideen inay naga iibiyaan, markaa kadib waxaynu samaysanay Diiyaaradaha Bayraktar, Phoenix, Akinji, iyo Aksungur.

Waxaan ka dalbanay inay naga iibiyaan rasaas, laakiinse nagama iibin, markaas kadib waxaan samaysanay Mam, Sun iyo Tipper.

Sidoo kale Waxaan rabnay inaynu gantaallo kasoo iibsanno, laakiinse way noo diideen inay naga iibiyaan, markaas ayaynu samaysanay Bora, Atmaja iyo Bozdag.

Markale waxaan ka codsanay inay naga iibiyaan nidaamka difaaca hawada, balse way noo diideen inay naga iibiyaan, markaas kadib waxaynu ka soo iibsanay Ruushka, Nasiib wanaag imikana waxaynu samaysanay nidaamkii lagu go’doomin lahaa hawada.maalmaha soo socdana waxaynu dhamaystiri doonaa Nidaamka Saibar.

Allah ayaa mahad leh,ma horumar ka weyn ayaa jira intaas talaabo ee aan qaadnay oo aan kaga xorownay waxba idinka iibin mayno .

Dhacdooyinkii ka dhacay gobolka tobankii sano ee la soo dhaafay waxay muujiyeen mar kale in dalalka aan lahayn warshado difaac oo aan hubkooda nooc kasta soo saarin karin in aysan madax banaanayn oo aanay mustaqbalka si kalsooni leh u eegi karin .

Lknse maanta Turkigu waa madax banaan yahay, waana mid go’aan qaadasho leh oo aan wax welwel ah qabin , oo aan cidna kala tashanayn horumarka warshadihiisa difaaca .

sababaha ugu muhiimsan ee turkigu guul uga gaaray dhinaca warshadaha difaaca,wuxuu buliwday markii Reer galbeedku ay inoo diiideen inay naga iibiyaan Hubkooda,mararka qaarkood wayba fiican tahay in wax laguu diido,sababtoo ah markaas waxaad qaadanaysaa Go'aan adag oo ficil la Socdo .

Reer galbeed hubkoodii way diideen inay naga iibiyaan ,Markaas kadib waxaan samaysanay Hub ka wanaagsan midkoodii .

in marka h**e lagu Takooro,lagu Xasdo,hadana adiga Guushu ku dambayso wax ka Qurux badan dunidan majirto " !

Goortii Technology-yada aad u saameyso nolosha dadka!.1. Hooyo Cusbitaal gabar ku dhashay: "waxaan u bixinaynaa Sahra." ...
12/01/2022

Goortii Technology-yada aad u saameyso nolosha dadka!.

1. Hooyo Cusbitaal gabar ku dhashay: "waxaan u bixinaynaa Sahra." Dhakhtaradi: “Magacaa horaa loo qaatay laakiin waxaad u bixin kartaa Sahra3432 ama Sahra_516

2. Madax Moshin ka doodeysa: Wixi dood iyo codeyn ah waxay nooga sii soconeysaa Twitter

3. Laba oday oo sheekeysanaya, Oday 1aad: waxaan ka welwelsanahay waxa gabadheyda Snapchat geliso. Oday 2aad: waxaan ka welwelsanahay waxa wiilkeyga ka soo download-gareysto Snapchat iyo Youtube

4. Wiil yar oo Hooyadii la hadlaya: Sidee ku dhici kartaa inaa magac keliya ii bixisaan aan Password lahayn?

5. Caruur qeylinaysa: maxaa Wi-Fi (Internet) ku dhacay? Waalid: Annagaa soo daminay si aan Qadada idiinku yeerno markaa idin weynay

6. Laba dumar oo is wareysanaya, S. Ka waran xafladi taageerada Tolka, Khudbado fiican, heeso, gabayo ma ka dhaceen meesha? J. Yaa war u haya sawiro gelid & selfie iska qaadid baa lagu wada mashquulsanaa

7. Wiil 1: Sxb, waa maxay ujeedada nolosha? Wiil 2: Ma garanayo. Google baan ka eegayaa

8. Masaakiin tuugsaneysa: Account Mobilkeyga iigu shub lacagta. Waxaad nagu soo booqan kartaan barteena internet-ka www.etuugsi.com

9. Macalin Alphabet arday baraya: A--Apple... F--Facebook. G--Google. I--Internet... K—kkkkkkk. L--Like... S--Samsung... V--Viber. W—WhatsApp

10. Hooyo la hadleysa odaygeedi: Haddii gabadheeni aad nin ku dartay maxaad iigu sheegi weyday? Odaygi: Facebook bay ku soo qorteen inay is guursadeen, aniguba halkaa uun baan ku arkay! Waxaan moodayay in ay kugu soo tag-gareeyeen.

Xigasho

Dhamaantiinba habeenku ha idiin wacnaado umada soomaliyeed meel kastood ku sugantihiin
10/01/2022

Dhamaantiinba habeenku ha idiin wacnaado umada soomaliyeed meel kastood ku sugantihiin

Kenya ayaa  Badwaynta Hindiya ku fasaxday markab sida haraadi Nukliyar , waxayna Khuburada sheegeen inay Somalia Khatar ...
09/01/2022

Kenya ayaa Badwaynta Hindiya ku fasaxday markab sida haraadi Nukliyar , waxayna Khuburada sheegeen inay Somalia Khatar kujirto.

Markabkan ayaa siday konteenarro ay kujireen haraadi nukliyar,waxaana markab laga soo raray Deked la yiraahdo Sheva Port oo taala dalka India.

Ku Simaha Agaasinka Wakaaladda Dekedaha Kenya Tony Kibwana ayaa sheegay inay adeegsadeen iskaanno casri ah taasoo lagu ogaadey in konteenarrada Markabka ay ku jirto Maadada Uranium.

Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe ayaa isaguna Xaqiijiyey arintan .

ilaa hada lama oga in Suntan dib loogu celiyey Hindiya iyo in lagu qubay xeebaha aan ilaalada lahayn ee Somalia.

Faahfaahin Dheeri ah Linkigan ayaad ka Daawan kartaa.

Xigasho

Xil.Barkhad Batuun."Mudane Madaxweyne,Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ee isku sidkanayd wixii qurux iyo qiimo ee ay...
09/01/2022

Xil.Barkhad Batuun.

"Mudane Madaxweyne,

Doorashadii dhawaan dalka ka dhacday ee isku sidkanayd wixii qurux iyo qiimo ee ay lahayd oo dhan adiga ayaa qaatay; waxaanay kugu qorantahay buugga taariikhda dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, cid kaa dafiri karta iyo cid kaa deeddifayn karta toona ma jirto. Waxa ay ahayd doorasho aan ku koobnayn oo kaliya sawirkeeda siyaasadeed iyo saaameynteeduba Somaliland oo kaliya, balse waxa ay ahayd cashar iyo cibaaro weyn oo caalamka layaab ku noqotay, walina la hadal hayo mahadhooyinkeedii iyo midhihii ay dhashay!

Madaxweyne, waxa muddooyinkii u danbeeyey kaa muuqda ficiltan iyo feker aan tolmoonayn, fulin aan fiicnayn oo salka ku haya gole-kafuul iyo fagaare ka baanid; taasina ma aha siffo u wacan madaxtinnimada. Waayo? Waxa aad tahay odaygi qaranka (Head of state). Dhaqanka Soomaalida qofka ummadda hoggaaminaya waxa lagu tilmaamaa geed damal ah oo la wada hadhsado, lagana dheefo hadh iyo hurdo macaan, neecow qabow, cabsi la’aan, iyo carrosan. Intaas oo siffo geedka leh waxa la siiya oo kali ah qofka hoggaamiyaha ah, laakin haddii uu yeesho godod bahallogaleen ah, ama kudkude, qocondho, qodax IWM cidi ma hadhsato mana soo haweysato.

Ficiltanka madaxdu waxa uu dhalaa isku dhac iyo dibudhac ummadeed. Hantida kaliya ee Somaliland haysataana waa nabadda. Waxa aad Madaxweyne ku tahay waa nabadda, anna waxa aan xildhibaan ku ahay waa nabadda, waxa ay shacabku ku wada joogaan waa nabadda, waxa aynu dawlad ku nahay waa nabadda, waxa aynu dal jira oo dunida ictiraaf ka raba ku nahay waa nabadda. Taas haddii la ilaalin waayana waxa ka dhalanaya adiga cidina kaaga sheekayn mayso oo waayo'arag ayaad ku tahay midhaha qadhaadh ee dagaallada sokeeye iyo dawlad la’aantu leedahay.

Madaxweyne.

Aniga oo ixtiraam iyo qaddarin kuu haya, waxa aan ku soo jeedinayaa inaad dib xisaabtaada siyaasadeed u saxdo oo aad ku waano iyo warqaadato waxa ka socda waddamada aynu jaarka nahay ee khilaafkoodi siyaasadeed saameeyey dalkoodi iyo dadkoodii. Meel fogna haba ka eegine hoos u dhugo wax ka dhacaya Ethiopia iyo Soomaaliya.

Taladaydu waxa ay tahay wax badan Madaxweynannimadaada ku liq, odeynimadaadana ku aqbal, sharciyadda dalka dhowr, isku duubnaanta bulshada ilaali, oo qarannimadda Somalilnad qiimee.

Waxa aan ku odhan laha noqo:

"Dhise dhaxal wanaagsan ka taga, oo ha noqon dumiye dal iyo dad ba kala irdheeya."

Madaxda dunida sadexaad qaarkood waxay la Kulmaan dilal iyo Xarig haddii ay ka hor yimaadaan danaha Yurub iyo Maraykanka...
06/01/2022

Madaxda dunida sadexaad qaarkood waxay la Kulmaan dilal iyo Xarig haddii ay ka hor yimaadaan danaha Yurub iyo Maraykanka.

Waxaana Caado ah in sirdoon kasta saacadaha geeridiisa u dambeeya inuu sheego shaqooyinka ugu halista badnaa iyo madaxdii uu khaarjiyay.

haweeney la yiraahdo Daphne Park oo ahayd 1962-dii Qunusulkii iyo xoghayihii koowaad ee Ingiriiska u joogtay dalka Koongo,sidoo kalena ka tirsanayd sirdoonka Ingiriiska ayaa Sanadkii 2013-kii si cad u qiratay inay iyadu hogaaminaysay dilkii madaxweynihii Koongo Lamuumba iyadoo wakhtigaasi ku jirtay maalmihii nolosheeda ugu danbeeyay.
Daphne Park iyadoo ka sheekaynaysa sababtii shirqoolka loogu dilay madaxweyne Lamumba waxay tiri sidan .

" Waxaan ogahay in la joogo waqtigii aan dhiman lahaa sidaas darteed Maanta waxaan sheegayaa oo iska reebayaa dhacdo weyn oo aan in badan qalbiga ku haystay,Waana hawlgalkaygii ugu weynaa ee aan fuliyey ,Madaxweyne Lamumba wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo markaas soo kacay oo Caqli badan.

Madaxdii afrika ee xiligaas wuu ka aragti dheeraa sababtoo ah isagu aqoon ayuu lahaa,taas ayaana keentay inuu kasoo horjeesto Danihii ingiriiska iyo maraykanka.

Sababta aan u dilnay waxay ahayd gobolka ay ku badan tahay macadantu inuu Ruushku nagala wareego. Haddii taasi dhici lahayd xiligaas waxaa soo xirmi lahaa dhamaan danaheena iyo kuwii aan isku ujeedka ahayn Maraykanka iyo Bilgamka.

Aniga ayaa la ii xil saaray Shiqoolka dilkii Lamuumba ,mudo ayaana diyaarinayey qorshaha,wuxuu ahaa hogaamiye feejigan,in mudo ah ayaan sugayey inuu safar dibada ugu baxo,fursadaas ayaana ka faaiidaystay,waxaana ka horkeenay kuwii ugu dhowaa Walaalihiis .

Waan Xasuustaa Maalintii la dilayey,aad ayuu u dagaaamay wuu diiday inuu is dhiibo,wuxuu codsaday intaan la dilin inuu warqado u qoro Xaaskiisa iyo labo nin oo kale iyagana markii dambe la dilay.

Lamumba isagoo gacmaha ka xiran ayuu oranayey ma doonayo qof ila dhiig ah inaan gacantiisa ku dhinto, ee iigu yeera haraadigii gumaysiga ee idin soo dirsaday iyagu ha i dileelne,Lknse anigaaba Qorigaa keebkiisa hayey ! Dhawr talaabo ayaan isaga u jiray markii la tooganayey .

Maalintaas aan shirqoolka Dilkiisa hogaaminayey waan ku faraxsanaa Dhimashadiisa ,Lknse maanta kuma faraxsani wixii aan xiligaas sameeyey,wuxuu ahaa qof aan dib loo helayn.

Waxaan Xasuustaa Wejigiisii Dhalaalayey,iyo ookiyaalaha oo uu Sanka saaran jiray iyo Go'aamadiisii ku Midabaysnaa Afrika oo xor ah iyo Koongo oo barwaaqo ah.

Lamumba Wuxuu ahaa Geesi Da'yar oo ay Sanad iyo dheearaad ka Seexan waayeen Ingiriiska ,maraykanka iyo Bilgamku,Wuxuu Rajo weyn ka qabay inuu Dadkiisa ka saaro Mugdiga Jahliga iyo inuu Koongo ka saaro Shisheeyihii Doonayey Khayraadka Koongo, Lknse Annagaa Dilnay oo beeninay Riyadiisii .

Maanta anigu Lamumba waxba uma qaban karo Lknse waxaan sheegayaa wax Amaan ka badan oo weligii lagu xasuusan doono oo maanta kadib isaga Taariikhda u gelaya ,Wuxuu dhintay isagoo aan baqayn oo Rasaasta Laabta u dhiganaya isagoo oranayey waxaan ku dhimanayaa Sharafka iyo Karaamada Koongada Weyn ee Xorta ah .

Aniga iyo Lamumba waxaan nahay labo Halyey,Lknse waxaan ku kala duwanayn anigu waxaan haystay dawlad kuligeed garab igu siinaysay ujeedkii aan u socdey,Lknse isaga Saraakiishii Dawladiisa iyo kuwii ugu dhowaa ayuu garab ka waayay oo qayb ka qaatay Shirqoolkiisa ,Lamumba oo kale Dib dunidan looga heli maayo "

Dophne Park Markii ay Warkan shaacisay ,waxay geeriyootay Bil kadib .

Xigasho

Address

Hargeisa
00252

Telephone

+252634706867

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bulshawi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bulshawi:

Share