Saafi Somali Tv

Saafi Somali Tv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Saafi Somali Tv, TV Channel, somalilandhar, Hargeisa.

SAAFI Somali TV — Xogtaada, Codkaaga, Aragti Hufan
SAAFI Somali TV waa madal warbaahineed oo u taagan soo gudbinta xog sax ah, warar la xaqiijiyey iyo falanqayn hufan, iyadoo mudnaanta siinaysa xaqiiqada iyo danaha bulshada.

“Xadhiguna Xal Ma Aha” — Cabdiraxmaan SoltelcoDuqii h**e ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa Madaxweynaha ugu baaqa...
20/09/2026

“Xadhiguna Xal Ma Aha” — Cabdiraxmaan Soltelco

Duqii h**e ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul-qawlka.
Soltelco ayaa sheegay in abwaannada iyo saxafiyiintu udub-dhexaad u yihiin dhismaha qaranka, isla markaana xadhigu aanu xal u ahayn kala aragti duwanaanshaha.

Wuxuu Madaxweynaha xusuusiyay in muwaadiniin iyo haldoor badan ay qaabab kala duwan ugu gudbiyeen aragtidooda, isagoo ugu baaqay in xorriyadda hadalka iyo fikirka loo ilaaliyo dhammaan muwaadiniinta.

“Madaxweyne, xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul-qawlka dhowr, xorriyaddoodana u sii daa.”
Saafi Somali Tv

"𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙖𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙮𝙣𝙪  𝙠𝙖 𝙨𝙪𝙜𝙖𝙮𝙣𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙪𝙪 𝙡𝙖 𝙮𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙙𝙤 𝙙𝙞𝙗𝙡𝙪𝙢𝙖𝙖𝙨𝙞𝙮𝙖𝙙 𝙝𝙚𝙚𝙧  𝙢𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙖𝙮𝙣𝙚𝙣𝙞𝙢𝙤 𝙤𝙤 𝙪𝙪 𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙂𝙪𝙪𝙙 𝙚𝙚 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙞...
20/09/2026

"𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙖𝙮𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙮𝙣𝙪 𝙠𝙖 𝙨𝙪𝙜𝙖𝙮𝙣𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙪𝙪 𝙡𝙖 𝙮𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙙𝙤 𝙙𝙞𝙗𝙡𝙪𝙢𝙖𝙖𝙨𝙞𝙮𝙖𝙙 𝙝𝙚𝙚𝙧 𝙢𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙖𝙮𝙣𝙚𝙣𝙞𝙢𝙤 𝙤𝙤 𝙪𝙪 𝙂𝙤𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙂𝙪𝙪𝙙 𝙚𝙚 𝙌𝙖𝙧𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙈𝙞𝙙𝙤𝙤𝙗𝙖𝙮 𝙠𝙖 𝙨𝙤𝙤 𝙢𝙪𝙪𝙦𝙙𝙤, 𝙚𝙚 𝙞𝙣𝙪𝙪 𝙉𝙚𝙬𝙔𝙤𝙧𝙠 𝙨𝙞𝙞𝙙𝙝𝙞 𝙡𝙖 𝙙𝙝𝙚𝙭 𝙞𝙨𝙩𝙖𝙖𝙜𝙤 𝙩𝙤𝙡𝙤𝙬 𝙬𝙖𝙖 𝙙𝙞𝙗𝙡𝙪𝙢𝙖𝙖𝙨𝙞𝙮𝙖𝙙 𝙣𝙤𝙤𝙘𝙚𝙚 𝙖𝙝?."𝙒𝙖𝙨𝙞𝙞𝙧 𝙃𝙤𝙧𝙚 𝘾𝙖𝙗𝙙𝙞𝙬𝙚𝙡𝙞 𝙎𝙪𝙪𝙛𝙞

20/09/2026

"𝙎𝙞𝙞𝙙𝙝𝙞𝙜𝙞𝙞 𝘼𝙦𝙤𝙤𝙣𝙨𝙞𝙜𝙖 𝙎𝙤𝙢𝙖𝙡𝙞𝙡𝙖𝙣𝙙 𝘼𝙮𝙪𝙪 𝙈𝙖𝙙𝙖𝙭𝙬𝙖𝙮𝙣𝙚 𝘾𝙞𝙧𝙧𝙤 𝙈𝙖𝙧𝙖𝙮𝙠𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙆𝙖 𝘼𝙛𝙪𝙪𝙛𝙖𝙮𝙖𝙖 𝙃𝙖𝙡𝙖𝙮𝙨𝙠𝙪 𝙔𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙤..."𝙒𝙖𝙨𝙞𝙞𝙧 𝙠𝙝𝙖𝙙𝙖𝙧

" Aqoonsigu wuu innoo dhammaystirmayaa, rafaad kasta oo ay marto, ugu damaynta runta iyo caddaaladda ayuun baa waara. Sa...
20/09/2026

" Aqoonsigu wuu innoo dhammaystirmayaa, rafaad kasta oo ay marto, ugu damaynta runta iyo caddaaladda ayuun baa waara. Sabirkii iyo dadaalkii aynu guusha ku gaadhi lahaynna waa aynu leenahay.." Madaxweynaha JSL

20/09/2026

Wasiirka Duulista Somaliland: “Wax wada-hadal ah oo Soomaaliya lala yeeshay ma jiro”
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuur, ayaa sheegay in muddadii ay xilka haysay xukuumadda hadda jirta aanu jirin wax wada-hadal ah oo dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in arrintaasi ay khusayso hawada iyo sidoo kale arrimaha kale, isagoo sheegay:
“Waxaan idiin caddaynayaa in intii xukuumaddani jirtay aanu jirin hal wada-hadal oo dhex maray dawladdeena iyo Soomaaliya, ha noqoto arrin hawada la xidhiidha ama arrin kale.”
Saafi Somali Tv | Ku xidhnow goor kasta iyo goob kasta

Telesom Group ayaa lagu maamuusay doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaadatay Tartanka Qiraa’aadka Qur’aanka, oo sannadkiis...
19/09/2026

Telesom Group ayaa lagu maamuusay doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaadatay Tartanka Qiraa’aadka Qur’aanka, oo sannadkiisii 11aad xalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Hargeysa. Tartanka waxa soo qabanqaabisa Mu’assasada Al-Misbaax.

Telesom Group waxa ka go’an taageerada iyo garab istaagga barnaamijyada horumarinta bulshada, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka iyo kobcinta aqoonta.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Kulan Muhiim ah la Yeeshay Aqoonyahanka iyo Waxgaradka CeerigaaboAqoonyahanka, waxgaradk...
19/09/2026

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Kulan Muhiim ah la Yeeshay Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Ceerigaabo

Aqoonyahanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo haldoorka ka soo jeeda degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan.

Kulankan oo ahaa madal ay isugu yimaaddeen qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muddo dheer laf-dhabar u ahaa Xisbiga WADDANI, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey dardargelinta hawlaha Xisbiga, xoojinta wada-shaqaynta, iyo sidii loo sii adkayn lahaa dedaallada lagu taageerayo Xukuumadda iyo Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa uga mahadceliyey waxgaradka iyo haldoorka Ceerigaabo talooyinkooda iyo taageerada ay u muujiyeen xukuumadda iyo Xisbiga WADDANI
Saafi Somali Tv

HARGEYSA: MAAYIR WIIWAA OO DIGNIIN KA SOO SAARAY GOOBaha BIYO-MAREENNADAHargeysa – Maayirka Caasimadda Hargeysa, Eng. Ca...
19/09/2026

HARGEYSA: MAAYIR WIIWAA OO DIGNIIN KA SOO SAARAY GOOBaha BIYO-MAREENNADA

Hargeysa – Maayirka Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa ka hadlay diyaar-garowga Dawladda Hoose ee Hargeysa ee la xidhiidha isbeddelka cimilada iyo khataraha ka dhalan kara roobabka culus.

Maayirka ayaa digniin u diray qoysaska ku nool goobaha biyo-mareennada ah, isaga oo ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha khatarta ah.

“Dadka deggan meelaha biyo-mareennada khatarta ah, ha ka guuraan,” ayuu yidhi Maayir Wiiwaa.

Waxa uu sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa ay leedahay Waaxda Masiibooyinka, oo ka shaqaysa diyaar-garowga iyo wacyigelinta bulshada ee khataraha la xidhiidha isbeddelka cimilada iyo roobabka waaweyn.

Saafi Somali Tv

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in aanay mag-dhow ku lahayn cid kasta oo dagaal kala hortagta Ciidanka Qaranka, haddii...
19/09/2026

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in aanay mag-dhow ku lahayn cid kasta oo dagaal kala hortagta Ciidanka Qaranka, haddii ay ku dhintaan ama ku dhaawacmaan.
Saafi Somali Tv � memcite
madaxtoyadajsl.com

19/09/2026

𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮𝐠𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚𝐲 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐡𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 (𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐀𝐥𝐥𝐢𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐟𝐨𝐫 𝐃𝐢𝐬𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭 – 𝐖𝐀𝐃𝐌), 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐝𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐚𝐡.

Address

Somalilandhar
Hargeisa
2JUNE

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saafi Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category