10/09/2026
Taliyaha ciidanka booliska JSL sareeye guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa sheegay in dhamaanba saldhigyadda booliska ee caasimadda Hargaysa lagu qalabeeyay kombuutarro (Computer) qalabka faraha lagu qaaddo iyo kaamaraddo(Camera) taas oo qayb ka ah qorshe lagu casriyaynayo diwaangalinta,kaydinta xogta dembiyadda iyo eedaysanayaasha.
Taliyaha ciidaanka booliska JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan wuxuu intaas ku daray in nidaamkan cusub uu suurogelin doono in xogta iyo faraha eedaysanaha laga helo saldhig kasta oo dalka ka mid ah, taas oo fududaynaysa aqoonsiga iyo helitaanka xogta qof h**e looga qaaday faraha.
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad lagu soo gunaanaday tababar ku saabsan ka shaqaynta kombuyuutaradda, oo loo qabtey 43 askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland. Part 36