SALLO MEDIA

SALLO MEDIA ku xidhinow Goobkasta iyo Meel kasta oo aad Joogtan Salo Media Producation

Gabiley oo lagu xusay Xuska Maalinta Caafimaadka Maskaxda (World Mental Health Day)Gabiley, Somaliland – Magaalada Gabil...
12/10/2025

Gabiley oo lagu xusay Xuska Maalinta Caafimaadka Maskaxda (World Mental Health Day)

Gabiley, Somaliland – Magaalada Gabiley ayaa maanta martigelisay munaasibad weyn oo lagu xusay Xuska Maalinta Caafimaadka Maskaxda (World Mental Health Day), taasoo lagu baraarujinayey bulshada muhiimadda caafimaadka maskaxda iyo taageerada dadka la tacaalaya dhibaatooyinka maskaxeed.

Munaasibaddan waxaa ka qayb galay masuuliyiin heer qaran iyo heer gobol ah oo ay kamid yihiin:

Wasiirka ku xigeenka Caafimaadka,

Marwo Zam Zam,

Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Milgo,

Wasiirka Qorshaynta Marwo Kaltuun Sheekh.

Intii ay socotay munaasibadda, waxaa la soo bandhigay wacyigelin muhiim ah oo ku saabsan sida bulshada looga saaro xishoodka iyo eexda ku aaddan dadka qaba xanuunnada maskaxda, iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa in la taageero dadka u baahan daryeel maskaxeed.

Masuuliyiinta ka hadlay munaasibadda waxay adkeeyeen in caafimaadka maskaxdu uu lamid yahay caafimaadka jirka, ayna muhiim tahay in bulshada oo dhan ay ka qayb qaadato wacyigelinta iyo taageerada dadka la tacaalaya xaaladaha maskaxeed.
Sallo Media News

Guddida Hoodaale ee Beesha Sacad Muuse oo Shahaado Sharaf ku Maamusay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cal...
12/10/2025

Guddida Hoodaale ee Beesha Sacad Muuse oo Shahaado Sharaf ku Maamusay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maxamed Cali Darood

Hargeysa – 12 Oktoobar 2025

Guddida Hoodaale ee Beesha Sacad Muuse ayaa maanta si rasmi ah Shahaado Sharaf ugu guddoonsiiyay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Darood, iyagoo ku maamuusay dadaalka iyo hufnaanta uu ku hoggaamiyo wakaaladda, iyo sida muuqata ee uu kor ugu qaaday adeegyada biyaha ee caasimadda Hargeysa.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta magaalada Burco ku qabatay kulan lagu horu...
12/10/2025

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta magaalada Burco ku qabatay kulan lagu horumarinayo waxbarashada heer gobal oo qeyb ka ah dedaalada lagu xoojinayo tayada iyo hanaanka waxbarashada ee gobalka Togdheer.

Kulankan oo ah mid saddex biloodle ah, ayaa waxa ka soo qeybgalay Badhasaabka Gobalka Togdheer Mudane Maxamuud Saleebaan Ramaax, iyo mas’uuliyiinta Waxbarashada ee gobalka, waxaana lagu soo bandhigay warbixino la xidhiidha heerka waxbarashada, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Mas’uuliyiinta ka hadashay kulanka, ayaa si gaar ah diiradda u saaray siddii loo midayn lahaa qorsheyaasha waxbarasho ee heer gobal, isla markaana waxay ka doodeen siddii kor looggu qaadi lahaa tayada waxbarashada dugsiyada iyo xirfadda macalimiinta.

Duqa Caasimadda Hargeysa oo ka qayb galay xafladda sagootinta ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh NuurHargeysa — Duqa ...
12/10/2025

Duqa Caasimadda Hargeysa oo ka qayb galay xafladda sagootinta ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Nuur

Hargeysa — Duqa Caasimadda Hargeysa oo ay weheliyaan Agaasimaha Arrimaha Bulshada iyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Dawladda Hoose ayaa saaka ka qayb galay xafladda sagootinta ardaydii ka aflaxday Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Nuur.

Xafladdan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa lagu maamuusay ardayda dhamaysay heerka hoose/dhexe, iyadoo lagu dhiirrigeliyay dadaalkooda iyo guulaha ay gaadheen.

Duqa Caasimaddu ayaa halkaas ka jeediyay khudbad uu ku bogaadinayay ardayda iyo maamulka dugsiga, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda waxbarashada iyo sii wadidda dadaalka aqooneed.

Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay xuska Maalinta Beedka Adduunka ee sanadkan 2025. Munaasabaddan waxaa ka soo qayb ga...
11/10/2025

Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay xuska Maalinta Beedka Adduunka ee sanadkan 2025. Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, hay'adaha u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka, ururrada daneeya deegaanka, maamulka iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa – gaar ahaan kuwa ka tirsan kuliyadda deegaanka. Hal-ku-dhegga sannadkan waxa uu ahaa: "Soo Afjarista Cagga" – taasoo diiradda lagu saarayay sidii loo joojin lahaa baabi’inta loogana hor tagi lahaa xadgudubka deegaanka.

Munaasabaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo la isugu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada si loo badbaadiyo deegaanka. Mas’uuliyiinta hadallada ka jeediyey madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo kheyraadka dabiiciga ah, lana joojiyo falalka wax u dhimaya deegaanka sida jarista geedaha, wasakheynta hawada iyo biyaha, iyo xadgudubka duurjoogta.

Haddii aad rabto inaad daawato muuqaalka xuska Maalinta Beedka Adduunka ee Hargeysa, waxaad ka daawan kartaa fiidiyowgan hoose:

Waxaa qortay xaaska abwaan cabdishakuur Alle ha u naxariisteeJanada ayaynu reer ku noqonaynaa cabdishkuur wankujecelahay...
10/10/2025

Waxaa qortay xaaska abwaan cabdishakuur Alle ha u naxariistee

Janada ayaynu reer ku noqonaynaa cabdishkuur wankujecelahay walhi ima maqlaysid Ikn jacaylka dhabtii waa inaan marwalba kuuso duceeyo illaahy waa illaaha wanaagsan ee intii yarayde an cuntada kuso samynayey igu simay inaynu wakhti wada qaadano

Cabdishkuur markan ku noqday sagoo sare fadhiya Ayan intan sariirti uyara giigijiyay hoos fadhiistay saga markaasan intu gacantaydi so qadaybu idhuunkaday markaasan ku idhi waan ku jecelahy markasuu iigu jawaabay sidookle markaasu intu ii eegay Sl dareen leh ayu igu yidhi haday xisaabtu dhamaato oo an is idhi wuxu uga jeedaa hadii wakhtigaygu dhamaado markaas hadalkisu wuu yaraa oo way sii cuslaanaysay xaaladisu wu iga aamusay wan kaco wan isku duubay naqaskaa ku dhagay markan daremay Inu naqasku ku dhagay Ayan ka fuqay

Intaan gacmaha qabtay ayaan ataxyaadka ugu cel celiyey oo igadaba lahaa marna Yara galayey muudh

Waxan aad ugu faraxsanahy in cabdishkuur ashhadu ana laailaaha illalaah sago leh ay ka baxaday
Waxa kaloon aad ugu qushuucsanahy oo aad ugu faraxsanahy in wadnahygaa aan intaaba dultaagna ee aanan minid qudha kadul dhaqaagin intaan yaren guriga kuso maqnaa inuuna illahy iga qaadin ee illahy igu simo in aan isu sheegano jacaylkayaga aanu isu qabno

Waa illaahy qadarkiisa
cabdishkuur waxan u waday
hindiya waxa aan utafa xaytay in beerkan laga badalo oo an beerkayga u jaro
Shandaduhu way li xidh xidhnaayeen waxa aan dhakhtarka u gaynay in aanu inta aanu baxayno dhiigna lagu shubo xaaladisana dhakhtar la socdo

Tigit ka diyaaradu wuu noo go'naa 5ta bisha 12ka duhurnimo Ikn illaahy baa taladeena lehe 12kii duhurnimo ayuu cabdishkuur u baxay safar kii aakhiro Cabdishkuur laguma dhibin sakaraadka illahybaan ugu mahadnaqayaa taasna sagoo illaahy waynidisa qirayaanay ka baxday

Cabdishkuur qof li wanaagsan buu ahaa oo aad li jecel intii guriga inuun nagula nolayd ama aragtay way ogtahaye muwaahib intu iigu yeedha way yarayd
NUURAAY AMA ARAGAAY ayuu ligu yeedhi jiray Wanaag uu igashaday ayaa igu kalifay inuun noqdo qofan aad u jecelahy
Sagna agtayda k**a fogaan jirin ana agtiisa k**a togaan jirin

Hadadaas Ayan maryihiisa intaan caruurta kala dhuunto cabdishkuur ka dhigtaa oo kudul ooyaa
Xasuusihiisu aduunka intaan noolahy iga madhnaan maayan
Wan kujecelahay wan kuuso ducaynayaa hada ayaa

jacaylkeenu gaadhay aqiiqadii waayo jacaylka dhabtii
waa markaan kuuso duceeyo ee quraan kuuso akhriyo ee
xabaashada Soo booqdo
Illaahy haku jeclaado janadii fardawsa alle hakaa waraabiyo macii anbiyada alle hakaa dhigo
Hoy janada kamida qabrigaaga haka yeelo
Danbigaaga alle ha dhaato illaahy qoyskaa aad ka
tagtay ee ooridaas iyo ubadkaas ah tusaale wanaagsan
oo diinta ku dadaala oo kuuso duceeya oo dhawrsoon
haka dhigo

Raali alle kaa noqoy raalibaynu iska ahyne
Ma murugoonayo Tani waa aduunyo oo safar ayaynu awalba ku ahyn illaahy amarkiisi ayay naftaadu maqashay oo cabdishkuuroow Soo hooyo aya illahy naftadi yidhi oo wad hooyatay
Waxase aynu tagaynaa nolol aan dhamaad lahayn
Illaahii wanaagsanaa ee awalba gurigeena dhisay aakhiru

ina dhisyaa oo janada ayaynu qoys ku noqonaynaa
Adna illaahybaa kula jooga ana illahybaa ila jooga labadeenunba arageeni kla qarsoomay se janada ayaynu

isku arkaynaa waan kuuso ducaynayaa wadnahaygii
Illaahayoow u naxariiso oo janadii ka waraabi qof
wanaagiisa anan arag nin leh buu ahaa
Illaahyoow janadii fardawsa ka waraabi ana janadii igee
iyo caruurtaydaba Sl noloshaas aan dhamadka lahyn anu ugu wada nolano

Allah ha u naxariistee Dowlad Xamse oo uu dhalay Taliyaha Ciidanka C I D gobolka Sanaag ayaa Caawa lagu dilay Ceerigaabo
10/10/2025

Allah ha u naxariistee Dowlad Xamse oo uu dhalay Taliyaha Ciidanka C I D gobolka Sanaag ayaa Caawa lagu dilay Ceerigaabo

War-saxafadeedUrurka Dhalinyarada Wadajir ayaa qabtay kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay horumarinta waxbarashada, kaas...
10/10/2025

War-saxafadeed

Ururka Dhalinyarada Wadajir ayaa qabtay kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay horumarinta waxbarashada, kaas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa tayada iyo helitaanka waxbarasho wanaagsan ee ka jira deegaanada Maroodi-jeex, Sabawanaag, Sallaxaley iyo Daadmadheedh.

Intii lagu guda jiray madasha, waxaa si rasmi ah loo daah-furay sanduuqa qaadhaan ururin ah, kaas oo lagu taageerayo mashaariicda waxbarasho ee ka jira deegaanadaas, si wax looga qabto baahiyaha dhanka agabka, kaabayaasha waxabarsho

Maanta ayey geeriyootay fartuun maalmo ka hor ayaan qoraalkan baahinay. Waxaa Xanuunsa Fanaanadii h**e ee Fartuun Cumar ...
10/10/2025

Maanta ayey geeriyootay fartuun maalmo ka hor ayaan qoraalkan baahinay.

Waxaa Xanuunsa Fanaanadii h**e ee Fartuun Cumar oo Xalaad Caafimaad daro loo dhigay Hospital qeybta ICU, Fartuun oo Mudo 5 Sano ah Xanuunsaneysay ayaa haatan waxa ay Gagashay Xaalad Daran, Hadaba Ehelka waxa ay idin ka codsanayaan in loo Duceyo Walaasheyn.

Alle ha Caafiyo Walaasheeen Fartuun Cumar Fanka Xili h**e ayeey isaga baxday Walaalyaal Ducada Dad badan waa la Aqbalaa ee aan u duceyno.

Cabdikariim Axmed Mooge Oo La sheegay in uu ku Soo Baxayo Isku shaandhaynta Xukuumadda Xulka ah Ee Madaxweyne CirroDuqa ...
09/10/2025

Cabdikariim Axmed Mooge Oo La sheegay in uu ku Soo Baxayo Isku shaandhaynta Xukuumadda Xulka ah Ee Madaxweyne Cirro

Duqa Magaaladda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa la hadal hayaa in uu xilkaasi ka degayo dhawaan Marka uu dhamaysto Shan sano oo uu Kursigaasi ku fadhiyay.

Sida uu Axmed Cabdikariim fagaareyaal h**e uga sheegay Muddo Xilleedkiisa Maalin ku darsan maayo, booskana wuu banaynayaa.

Hadaba Waxa sii xoogaysanaya hadal haynta halka uu Cabdikariim uga jihaysanayo Dawladda Hoose ee Caasimadda Oo uu muddo Shan sano ah soo maamulayay.

Warar aan weli si rasmi ah u soo shaac bixin ayaa sheegaya in Duqa Magaaladda Hargeysa Cabdikariim Axmed Moogge uu ku biirayo Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi isaga oo noqon doona Wasiir buuxa oo waliba Garab taagan Madaxweynaha Somaliland.

Cabdikariim Axmed Mooge Waxa uu ahaa Siyaasi Miisaan culus ku soo kordhiyay Maalmihii Ololaha ee Doorashadii Madaxtooyadda Isaga oo xilligaasi ka saamayn batay Xubno muddo dheer soo barbar taagnaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Xilligii uu Codadka shacabka ugu baahida badnaa.

Hadaba Cabdikariim ayaa haddii aanay wax isbedelin ku soo bixi doona Isku shaandhaynta ugu h**eysa ee uu Madaxweyne Cabdiraxmaan ku samayn doono Xukuumadiisa, maadaama Dhismaha Bilawgii Xukuumadiisa ay wax badani ka soo noqdeen, dadkana ay ula muuqatay Xukuumad xal ah oo aan Xul ahayn.

Highlight Flowers

09/10/2025

SOMALILAND : “Qoriga oo qabiilka laga qaaday Qaranka loo dhiibay ..."

Magaalada Hargaysa oo lagu qabtay Xuska maalinta maanka Adduunka (Wolrd Mental Health Day)
09/10/2025

Magaalada Hargaysa oo lagu qabtay Xuska maalinta maanka Adduunka (Wolrd Mental Health Day)

Address

26 June 150 Steet
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SALLO MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share