SABAR TV

SABAR TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SABAR TV, News & Media Website, Hargeisa.

Madaxweynaha Puntland, Deni ayaa lagu abaal-mariyey Billadda Nabadda Adduunka, taasi oo caalamku u aqoonsan yahay in ay ...
25/10/2025

Madaxweynaha Puntland, Deni ayaa lagu abaal-mariyey Billadda Nabadda Adduunka, taasi oo caalamku u aqoonsan yahay in ay bixiyaan Guddi-ga Nobel ee dalka Norway, iyada oo xataa uu waayey in uu helo Trump.

25/10/2025

Mareykanka, UK, Israa’iil, Imaaraadka Carabta iyo 20 dal oo kale oo diyaar u ah inay aqoonsadaan Somaliland - Middle East 24

Warbaahinta Middle East 24 ayaa sheegtay in ilo ka tirsan qaar ka mid ah warbaahinta Afrika ay u xaqiijiyeen in Mareykanka, UK, Israa’iil, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo 20 dal oo kale ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay ee heshiis lagu aqoonsanayo Somaliland bilaha soo socda.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland sidoo kale la filayo inay ku biirto heshiisyada Abraham Accords (Heshiisyo xidhiidh dibulumaasiyadeed lagula yeelanayo Israa'iil), taas oo noqon doonta isbeddel diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isla markaana saameyn weyn ku yeelan doona gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhowr jeer h**e u sheegay shacabka iyo warbaahinta in aqoonsiga Somaliland uu aad ugu dhow yahay, isla markaana ay socdaan wada-hadallo muhiim ah oo la xidhiidha arrintaas.

Sida ay warbaahinta maxalliga ahi warisay, Madaxweyne Cirro ayaa kulan uu dhawaan la yeeshay culimada waaweyn u sheegay in Somaliland la aqoonsan doono bisha December ee sannadkan, inkasta oo aanu si toos ah u sheegin cidda dhabta ah ee aqoonsanaysa.

Madaxweynuhu sidoo kale hadal uu u jeediyay bulshada reer Berbera bilo ka hor ayuu ku sheegay in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsan doono inta uu xilka hayo, isla markaana ay dhawaan reer Berbera isu soo noqon doonaan iyadoo Somaliland la aqoonsaday.

Sidoo kale, hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay magaalada Ceerigaabo, oo uu kaga qaybgalay shir nabadeed, ayuu sheegay inuu waraaqo uu ku codsanayo aqoonsi u diray madaxda caalamka, isaga oo uu sheegay in uu helayo jawaabo rajo leh, islamarkaana madaxda caalamku ay ka garaabayaan qadiyadda Somaliland.

Tan iyo markii la doortay, Madaxweynaha Somaliland ayaa saddex jeer ku noqday dalka Imaaraadka Carabta, isagoo kaga qaybgalay shirar caalami ah. Shirarka ka sokow, laguma faafin xogta rasmiga ah ee kulamada kale ee uu la yeeshay madaxda Imaaraadka, balse waxa loo arkaa in Imaaraadku, oo ah maalgashadaha ugu weyn ee Somaliland, uu si dadban uga shaqeynayo aqoonsiga Somaliland.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa dhawaan safar ku tagaya dalka Maraykanka, oo hadda hormuud u ah dadaallada aqoonsi raadinta ee Somaliland, iyadoo xildhibaano badan oo ka tirsan labada aqal ee sharci dejinta ay si weyn ugu ololeynayaan in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado, xilli golayaasha uu hor yaallo sharci rasmi ah oo la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.

Haddaba, marka laga yimaado dadaallada socda, hadalka Madaxweyne Cirro ayaa rajo weyn geliyay qaybo kamid ah shacabka reer Somaliland, kuwaas oo qaarkood aaminsan in madaxweynuhu uu ogyahay heshiisyo hoose oo lagu aqoonsanayo Somaliland, marka la eego sida uu si maldahan u muujinayo in aqoonsigu soo dhow yahay.

25/10/2025

"Waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegaya in gogoshii nabada ee aynu dhignay maagalada Ceerigaabo in sidii aynu filaynay iyo si ka wanaagsanba u qabsoontay, dadkuna ay nabad wada qaateen, ujeedadii laga lahaana ay fushay, shacbiga gobalka Sanaagna uu maanta nabad yahay.

Waxaa aan u mahadnaqayaa dhamaan culimada reer Somaliland oo dhiiri galin iyo wacyi galin nabada ku saabsan iyo kaalintii shirweynaha nabada ka jeediyey dhamaanba jamhuuriyada Somaliland." Madaxweynaha Somaliland

25/10/2025

Madax dhaqameedka Warsengeli ee Gobolka oo madaxweynaha JSL la Garnaqsadey.

25/10/2025

DEG DEG" Muxuu Cismaan Afgaab Nabadda Ceerigaabo ka taray hadiiba Bilada Nabadda uu Qaatay?

Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo waxa uu si rasmi ah u bilaabay barnaamij caafimaad oo gaar ah (Outreach Program) oo loogu...
25/10/2025

Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo waxa uu si rasmi ah u bilaabay barnaamij caafimaad oo gaar ah (Outreach Program) oo loogu talagalay in lagu gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo bilaash ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda.

Barnaamijkani waxa uu diiradda saaraya bixinta adeegyo caafimaad oo muhiim ah sida:

Ultrasound bilaash ah

Daawo bilaash ah

La-talin iyo kormeer caafimaad oo ay bixiyaan dhakhaatiir khibrad leh

Ujeeddada barnaamijkan waa in la fududeeyo helitaanka adeegyada caafimaad ee dadka aan awoodin inay si joogto ah u helaan daryeel caafimaad, isla markaana kor loo qaado wacyiga bulshada ee ku saabsan caafimaadka.

Barnaamijkan waxa uu socon doonaa muddo 6 cisho ah, laga bilaabo 22/10/2025 ilaa 27/10/2025, waxaana lagu qabanayaa gudaha Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo.

Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan shacabka reer Ceerigaabo in ay ka faa’iidaystaan fursaddan caafimaad ee qiimaha leh.

25/10/2025

Kala fadhigii 57aad ee Barlamaanka Puntland Muxuu Madaxweyne Denni kaga hadlay.

25/10/2025

DEG DEG" Nuux Cumar Warsengeli iyo Maxamed Muuse Muuse Ismaciil ayaa ka heshiiyay Dil ka Dhacay Buuralayda Shidan.

Waftigii dhamaystirka Gogoshii Nabada  Madaxwaynaha JSL Ee uu Hogaaminayay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo...
25/10/2025

Waftigii dhamaystirka Gogoshii Nabada Madaxwaynaha JSL Ee uu Hogaaminayay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Abdirashiid Magaalo Ayaa Soo Af-Jaray Dil dhawaan Ka dhacay Degaanka Shidan Kaasi Maanta Laga Heshiiyay, iyadoona Labada Beelood Kala Qateen Duugtii Marxuumka.

25/10/2025

Toos/ Live || Horyaalka Gobolka Sanaag Kulankiisa Galabta || MAALIYADA VS GOODIR

25/10/2025

"Anigoo Naaleye Axmed ah tolkay dhulbahante waxaan leeyahay Nabadda Qaata oo Ceerigaabo kaalaya".Axmed Yaasiin ciise.

24/10/2025

Ciidamo isku dhafan ayaa Amniga Shidan la Wareegay" Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SABAR TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share