24/06/2026
Suldaan Sahal oo ku Dheeraaday Muhiimadda Nabaddu u leedahay horumarka dalka
Suldaan Sahal Iidle Dirir, suldaanka guud ee beesha Cumar Jibriil ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta ugu baaqay inay la shaqeeyaan xukuumadda si loo adkeeyo nabadda iyo horumarka dalka.
Suldaanku wuxuu sheegay in nabaddu tahay saldhigga nolosha iyo horumarka, isaga oo xusay in colaaddu burburiso bulshada, islamarkaana aanay jiri karin waxbarasho, caafimaad iyo mustaqbal wanaagsan haddii nabadgelyadu maqnaato.
Waxa uu sidoo kale salaadiinta ku dhiirrigeliyey inay door muuqda ka qaataan nabadaynta bulshada iyo daminta colaadaha.
Waxaanu yidhi.“Waxa mihiim ah in xukuumadda lala shaqeeyo oo la isgarab taago, oo nabadgelyaddana iyo horumarka lagala shaqeeyo ayaa aad iyo aad mihiim u ah, nabad waxaan ahayn oo lagu noolaan karaana majiro, dalku waa dalkeeni, dadkuna waa dadkeeni, nabad waxaan ahayn oo lagu noolaan karaana majirto, horumarkuna nabada ayuunbu ku jira.
Markaan Salaadiinta waxaan ugu baaqaya in fadhiga laga kaco aynu dadkeena walaalaha ah ee shaydaanku isku diray aynu nabadeyno.
Bulshada waxaan leeyahay colaadu waa wax aad u xun, nolol suuragasha majirto nabadgelyo la’aanteed, dhulka ALLE ayaa inaguwada abuuray haddii aan nabad lagu wada noolaana waxay noloshu dhadhan sameynaysa majirto, horumar majirayo, waxbarasho jirimeyso, caafimaad jirimaayo, quruxi jirimeyso, dal majireyo, dad majirayo,”