War-shiil Tv

War-shiil Tv War-shiil Tv waxa aad kala soconaysaan warar hufan, Barnaamijyo, dhacdooyinka Dunida, arrimaha Bulsha

Xaaladda Bulshada Somaliland, oo Mareysa Meel Quus iyo Rajjo-beel AhBulshada Somaliland maanta waxa ay ku sugan yihiin x...
29/10/2025

Xaaladda Bulshada Somaliland, oo Mareysa Meel Quus iyo Rajjo-beel Ah

Bulshada Somaliland maanta waxa ay ku sugan yihiin xaalad adag oo naxdin iyo niyad-jab huwan.

Nolosha maalinlaha ah waxay noqotay mid qof walba dareemayo culayskeeda, sicir-bararka, sarif-bararka iyo shaqo la’aanta ayaa bulshada rajo la'aan iyo quus ka dhigay, farxaddii iyo hamigii nolosha ayaa marba marka ka dambbeysa meesha kasii baxaya.

Qiimaha shilinka Somaliland ayaa si xawli ah u dhacaya, halka doolarku meel aan la gaadhi karin marayo.

Maanta, boqolka doolar waxa uu marayaa in ka badan hal milyan iyo boqol iyo laba kun oo shilin, taas oo ka dhigtay in lacagtii gudaha mid aan waxba ka tarin nolosha.

Doollarkii ayaa noqday saldhigga nolol maalmeedka, biyaha, laydhka, caafimaadka, waxbarashada iyo cuntadaba laguma iibsan karo shilinka.

Maalin kasta waxa xidhma ganacsiyo yaryar, qoysas badanna waxa ku dhacay shaqo la’aan iyo saboolnimo.

Dadkii magaalada ku noolaa waxay guryahooda kala soo baxaan waraaqo ay ku qoran yihiin lambarradooda, iyagoo bulshada kaalmo ku weydiisanaya.

Masaajidda waxa ka buuxa muwaadiniin noloshu dhabarka u soojeedisay, kaalmana dalbanaya marka salaadaha laga baxo.

Waddo kasta waxa taagan dad ka daalay sugitaanka rajo ay arkeen inay sii libdheyso.

Sicirbararka iyo sarif-bararku waxa ay noqdeen cudur qarsoon oo curyaamiyay dhaqaalaha, burburiyay ganacsiga, kana dhigay nolosha mid adag oo laga quusto.

Su’aasha maanta taagan ayaa ah.

Dawladda Somaliland xal ma u haysaa xaaladda taagan? Muxuu noqday qorshihii lagu ballanqaaday ee ahaa ilaalinta shilinka, kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta sicirbararka? Miyaa laga daalay in la raadiyo xal waara, mise xal la’aan ayaa noqotay qorshaha cusub?

Waxa muuqata in bulshada ay indhaha ku hayso tallaabada xukuumaddu qaadi doonto.

Kumannaan qoys ayaan dabka shida, halka kumannaan kalena rajo la’aan ugu sugan yihiin nolol maalinle ah oo aan saadaal lahayn.

Talo iyo Baaq.

Xukuumadda ha noqoto mid ka jawaabta baahida degdegga ah ee shacabka.

Ha la sameeyo qorshe dhab ah oo lagu xakameynayo sarif-bararka, lagu xoojinayo shilinka, laguna dhiirrigelinayo ganacsiyada yaryar iyo shaqo abuurka.

Fadhigani fadhi halooga noqdo, si aynaan khatar ugelin.

Address

Sha'ab Area
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when War-shiil Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share