Qalinka Bulshada

Qalinka Bulshada Ku soo dhowaada boggan cusub! Boggan wuxuu noqon doonaa meel aan ku wadaagno aqoon, horumarinta nafta, fikirro wax dhisaya, iyo mawduucyo bulshada anfaca.

Haddii aad jeceshahay inaad maalin kasta barato wax cusub, kobciso wacyigaaga nagusoo biir .

10/08/2026

Diyaar ma unahay nahay fursadda

Fursaddu waa waxa ugu muhiimsan ee aynu maanta dhalinteena inta ugu badan aynu fahmi,laanahay sidoo kalena aynu inagga oo aan wali diyaar noqon ayaynu fursaddi baadi goobbaynaa marka ay timaadanna baddi way ina seegtaa lixddan niddaam hadii aad raacdo ugu yaraan diyaar ayaad unoqonaysaa fursada

1 Maalin kasta horumari awoodahaaga

Ku dadaal waxa aad ku fiican tahay hadii
Ay noqoto akhriska qoritaanka wax soogudbinta iyo wixii lamida

2 xooji xirrirada dadka

Dadka si wacan ula dhaqan ka aad taqaan iyo ka aadan aqoonin adigoo iskumid ula dhaqmaya xirrirku midkuudoono hanoqdo kaliya si wanaagsan ula dhaqan haday noqoto mid famil, saaxiib iyo mid shaqo

3. La imow dabeecad wanaagsan

Marka aad lakulanto dhibaato iyo masaa,ibta kala duwan u arag inay tahay fursad cusub oo aad cashar uga barankarto

4. Xooji iimaankaaga iyo kalsoonidaada

iimaankaaga xooji oo Ilaahay aamin talana saaro wixii Ilaahay qoray mooye wax kale inaanay dhacayn
Naftaada ku kalsoonow aamin inaad beddeli karto wax kasta oo kugu saabsan marka laga reebo kuwa tabiiciga ah

5 kor uqaad fikirkaaga

Si aad fikirkaaga kor ugu qaado, wax cusub baro, aqoon cusub raadi, iskuna day wax kasta oo wanaagsan oo aan waxyeelo gaysanayn inaad dhaqan galiso

6 Maalin kasta is waydii saddex su'aalood
Maxaan maanta bartay?
Maxaan maanta hagaajiyay?
Maxaan berri ka sii fiicnaan karaa?

Haddii aad maalin kasta horumariso kartidaada, xoojiso xirriradaada ,dabeecad wanaagsan, xoojisana iimaankaaga , kalsoonidaada, fikirkaaga

Waxaad diyaar unoqonaysaa fursadda berri kusoomarta
W/Q BULSHADA

12/07/2026

Maalin kastaa waxay ku bilaabataa rajooyin , balse waxay ku
Dhamaataa waayo aragnimo
Waana shay nolosha kamida

Hadaba ku raaxayso maalintaada, kafaa'idayso fursada
Kusoo marta, Hana joojin horumarkaaga
W/Q bulshada

Caafimaadku Waa Hantida Ugu QaalisanDad badan waxay maalin walba ku mashquulaan raadinta lacag, shaqo, iyo guul  Laakiin...
12/07/2026

Caafimaadku Waa Hantida Ugu Qaalisan

Dad badan waxay maalin walba ku mashquulaan raadinta lacag, shaqo, iyo guul Laakiin waxa jira hanti ka qaalisan dhammaan kuwaas waana caafimaadka Qof caafimaad qaba ayaa awood u leh inuu shaqeeyo wax barto cibaadaysto una noolaado nolol farxad leh

Waxaa la yiraahdaa Caafimaadku wuxuu la mid yahay lacagta qiimihiisa dhabta ah ma garanno ilaa aan wayno Weedhani waxay ina xusuusinaysaa in aynaan sugin xanuun si aan u qiimeyno caafimaadkeenna

Si aad u ilaaliso caafimaadkaaga

Cun cunto nafaqo leh
Samee jimicsi joogto ah
Seexo hurdo kugu filan
Cab biyo 2-3 letter maalintii

Ka fogow sigaarka iyo waxyaabaha kale ee waxyeellada leh
Daryeel caafimaadka maskaxda adigoo yareynaya walbahaarka kana dhigaya nasashada qayb ka mid ah noloshaada

Lacagta luntay waa la kasban karaa laakiin caafimaadka lumay mararka qaar si fudud looma soo celin karo Sidaas darteed caafimaadkaaga u arag maalgashiga ugu muhiimsan ee noloshaada

Ugudanbayn Ha sugin maalinta aad xanuunsato si aad u ogaato qiimaha caafimaadka Maanta ayuu mudan yahay in la ilaaliyo waayo caafimaadku waa saldhigga nolol wanaagsan iyo guul waarta
W/Q Qalinka Bulshada

Guushu Way FududahayMarka aynu ka hadlayno guusha guul waxaa lagu tilmaamaa inaad gaadho yool aad go,aansatay qorshaysay...
10/07/2026

Guushu Way Fududahay

Marka aynu ka hadlayno guusha guul waxaa lagu tilmaamaa inaad gaadho yool aad go,aansatay qorshaysay dabadeedna aad ka dhabaysay Taasi waa guul dhab ah

Guushu ma aha magac keliya waxay leedahay dareen u gaar ah jawi u gaar ah iyo waqti u gaar ah Aad bay u kala duwan yihiin inaad si kadis ah wax u hesho iyo inaad gaadho wax aad muddo u soo qorshaysay dadaalna u soo gashay Guusha noocaas ahi waxay leedahay qiimo iyo dhadhan ka duwan

Markaan leeyahay Guushu way fududahay waxaan uga jeedaa in maanta fursaduhu ay ka badan yihiin sidii h**e Dadka badankoodu kuma jiraan jidka aad adigu dooratay qof kastaa wuxuu ku mashquulsan yahay himiladiisa ama noloshiisa Qaarna waxay waqtigooda ku lumiyaan baraha bulshada iyagoo ka gaabinaya himilooyinkoodii

Taas macnaheedu ma aha inaan tartan jirin balse waxay ka dhigan tahay in tartanka ugu weyn uu yahay kan aad naftaada la gasho Ha ku mashquulin inaad is barbar dhigto dadka kale is barbar dhig qofkii aad shalay ahayd Maanta ka fiicnow shalay berri na ka fiicnow maanta Horumarka dhabta ahi halkaas ayuu ka bilaabmaa.

Ugu dambayn noloshu gabi ahaanba tartan ma aha ee waa safar Safarkaasna wuxuu soconayaa ilaa dhammaadka noloshaada Sidaa darteed ha quusan marka aad caqabado la kulanto Sii wad dadaalkaaga ku kalsoonow naftaada hana ka daalin himilooyinkaaga Guushu waxay u timaaddaa qofka aan joogsan

W/Q: Bulshada #

Kalsoonida NaftaKalsoonida naftu waa awoodda uu qofku ku aamino naftiisa kartidiisa iyo go,aannadiisa Ma aha inaad rumay...
09/07/2026

Kalsoonida Nafta

Kalsoonida naftu waa awoodda uu qofku ku aamino naftiisa kartidiisa iyo go,aannadiisa Ma aha inaad rumaysato inaad wax walba taqaan balse waa inaad ogaato inaad awood u leedahay inaad wax barato khaladaadkaaga saxdo oo aad horumar samayso

Dad badan ayaa leh hibo iyo karti balse kalsooni la,aantu waxay ka hor istaagtaa inay muujiyaan waxa ay awoodaan Waxay ka baqaan dhaleeceyn fashil ama waxa ay dadka kale ka fikirayaan Cabsidaas ayaa mararka qaar noqota xabsi qofka ka hor istaaga inuu gaaro himiladiisa

Kalsoonida nafta waxaa lagu dhisaa tallaabooyin yaryar oo joogto ah Waxay ka bilaabataa inaad aqbasho naftaada barato xirfado cusub diyaar garow samayso oo aad ku celceliso wax kasta oo aad rabto inaad ku fiicnaato Mar kasta oo aad ficil qaaddo kalsoonidaadu way sii koraysaa

Ha sugin inaad noqoto qof qumman si aad u bilowdo Bilow maanta adigoo adeegsanaya waxa aad haysato Guusha ma timaaddo qof aan cabsan ee waxay u timaaddaa qofka cabsidiisa ka gudba
Oo qaata waxkasta oo ku gudban yoolkiisa

Xusuusnow: Kalsoonida nafta laguma dhasho waa la dhistaa Maalin kasta oo aad naftaada horumariso waxaad dhisaysaa qof ka xoog badan kii shalay
W/Q bulshada #

๐Ÿ“š Akhrisku Waa Maalgashiga MaskaxdaAkhrisku waa furaha aqoonta, waana habka ugu fudud ee qofku ku kobcin karo maskaxdiis...
07/07/2026

๐Ÿ“š Akhrisku Waa Maalgashiga Maskaxda
Akhrisku waa furaha aqoonta, waana habka ugu fudud ee qofku ku kobcin karo maskaxdiisa isaga oo aan u baahnayn kharash badan. Qofka wax akhriyaa ma urursado oo keliya xog, balse wuxuu horumariyaa fahamka, fikirka, go'aan qaadashada iyo awoodda uu ku xallin karo dhibaatooyinka.

Noocyada Akhriska
Dadku waxay wax u akhriyaan ujeedooyin kala duwan, waxaana ka mid ah:
๐Ÿ“– Akhriska Aqoon-raadiska (Informative Reading)
Waa akhriska loogu talagalay in lagu barto maaddo gaar ah, sida buugaagta dugsiyada, jaamacadaha ama maqaalada sayniska.

๐Ÿ“š Akhriska Madadaalada (Pleasure Reading)
Waa akhriska sheekooyinka, gabayada ama qoraallada kale ee loogu talagalay madadaalo, nasasho iyo kobcinta mala-awaalka.

๐Ÿ” Akhriska Naqdin-doonka ah (Critical Reading)
Waa akhriska uu qofku u sameeyo si uu u falanqeeyo, u baaro saxnaanta xogta, una qiimeeyo doodaha iyo fikradaha qoraaga.
Sidee Loo Sameeyaa Caado Akhris oo Joogto ah?

Haddii aad rabto in akhrisku noqdo qayb ka mid ah nolol maalmeedkaaga, raac tillaabooyinkan:
"Ma jiro qof neceb akhriska; waxaa jira oo keliya dad aan weli helin buuggii saxda ahaa ee ay akhrisan lahaayeen."
โ€ข Ku billow wax yar. Uma baahnid inaad maalinta ugu horreysa akhrido 50 bog. Ku billow 10โ€“15 daqiiqo ama 5 bog maalintii.
โ€ข Dooro mawduuc aad jeceshahay. Ha akhrin buug adigoo u eegaya amaanta ay dad kale amaaneen ama in uu hebel akhriyay ee u akhri ikhtiyaarkaaga
โ€ข Si uu akhrisku kuugu macaanaado
โ€ข
โ€ข Sido buug mar kasta. Haddii uu yahay buug daabacan ama mid ku jira telefoonkaaga (E-book), hubi inaad mar walba haysato wax aad akhrido marka aad safar ku jirto ama aad sugayso ballan.
Gunaanad
Akhrisku waa maalgashi aan lumin. Inta aad wax akhrido, waxaa sii kobcaya aqoontaada, garashadaada iyo awooddaada aad ugu diyaar garowdo mustaqbal wanaagsan.

W/Q BULSHADA #

๐——๐—ต๐—ฒ๐—ต ๐— ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ!Noloshaada waxaa beddeli kara hal eray oo gaaban: "Maya." Dad badan waxay u haystaan in diidmadu ay tahay edeb...
06/07/2026

๐——๐—ต๐—ฒ๐—ต ๐— ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ!
Noloshaada waxaa beddeli kara hal eray oo gaaban: "Maya." Dad badan waxay u haystaan in diidmadu ay tahay edeb-darro ama ay dadka ka xanaajinayso. Laakiin mararka qaarkood, "maya" waa erayga ugu muhiimsan ee aad naftaada ugu hiilin karto.

Dheh maya marka lagugu cadaadiyo wax aad ogtahay inuu khaldan yahay.
Dheh maya marka waqtigaaga lagu luminayo wax aan faa'iido kuu lahayn.
Dheh maya marka dadka kale ay rabaan inaad ka tanaasusho qiyamkaaga iyo himilooyinkaaga.

Qof kasta oo ku yidhaahda "HAA" waxkasta oo loo soo bandhigo oo laga waayo kalmada "MAYA" wuxuu isku ciqaabay nolosha waxkasta oo loo soo bandhigaana waxay la noqdaan amar isaga oo kabaqaya maxaa lagu odhan doonaa halkaasna wuxuu ku luminayaa wakhtigiisa, tamartiisa, himilooyinkiisa, iyo waliba qorshayaashiisa

Xusuusnow: "Maya" aad maanta tiraahdo waxay kaa badbaadin kartaa qoomamo aad berri la kulmi lahayd. Ma aha calaamad nacayb, ee waa calaamad muujinaysa inaad qiimeyso naftaada, waqtigaaga, iyo yoolalkaaga.
Mararka qaarkood, guushaadu waxay ka bilaabataa geesinimada aad ku tiraahdo: "MAYA."
W/Q bulshada #

๐—œ๐—ฆ๐—•๐—˜๐——๐——๐—˜๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—ฆ๐—›๐—”๐—ž๐—›๐—ฆ๐—œ๐—š๐—” ๐—”๐—›Qof kasta wuxuu jecel yahay inuu horumar sameeyo, balse horumarka dhabta ahi ma bilaabmo marka aa...
05/07/2026

๐—œ๐—ฆ๐—•๐—˜๐——๐——๐—˜๐—Ÿ๐—ž๐—” ๐—ฆ๐—›๐—”๐—ž๐—›๐—ฆ๐—œ๐—š๐—” ๐—”๐—›

Qof kasta wuxuu jecel yahay inuu horumar sameeyo, balse horumarka dhabta ahi ma bilaabmo marka aad beddesho dharkaaga, muuqaalkaaga, ama deegaankaaga. Wuxuu bilaabmaa marka aad beddesho habka aad u fikirto, u dhaqanto, iyo sida aad u wajahdo nolosha.

Waxaa jira laba nooc oo isbeddel ah:

๐—œ๐˜€๐—ฏ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต (Natural Change) Waa isbeddellada u dhaca si iskood ah, oo aanay ku jirin wax faragelin ah oo ka timaadda aadanaha. Waxay raacaan shuruucda dabeecadda iyo nidaamka caalamka.

โ€ข Kobaca qofka ee dhinaca da'da (infant โ†’ ilmo โ†’ dhalinyaro โ†’ oday) waa wax ka baxsan awoodda qofka. โ€ข Isbeddelka xilliyada sanadka (Gu, Xagaa, Dayr, iyo Jiilaal) iyo kala wareegga habeenka iyo maalinta.

๐—œ๐˜€๐—ฏ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฒ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฎ๐—ป ๐——๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐˜†๐—ป (Artificial Change) Waa isbeddellada ku yimaada go'aanka, ficilka, iyo farsamada bini'aadamka. Isbeddelkan wuxuu noqon karaa mid keena horumar ama mid horseeda dhibaato.

โ€ข Tignoolajiyada iyo horumarka sida dhismaha magaalooyinka, samaynta gawaarida, iyo internet-ka oo beddelay qaabka adduunku u shaqeeyo. โ€ข Isbeddelka shakhsiga ah ee ula kac ah, sida barashada luuqad cusub, dhimista miisaanka, ama beddelka hab-fekerka. Tani si dabiici ah uma dhacdo ee waa dadaal uu qofku la yimaado.

Isbeddelka shakhsiga ahi ma aha tartan lala galo dadka kale. Waa safar uu qofku naftiisa kula tartamayo si uu uga fiicnaado sidii uu shalay ahaa.

Maalin kasta oo aad barato wax cusub, saxdo khalad h**e, ama samaysato caado wanaagsan, waxaad qaaday tallaabo kuu dhoweynaysa qofka aad doonayso inaad noqoto.

Ha ku degdegin natiijada. Geedka ugu adag ma baxo hal maalin, balse wuxuu ku koraa dulqaad, daryeel, iyo waqti. Sidoo kale, shakhsiyadda adag waxay ku dhisantaa samir, edeb, aqoon, iyo ficillo joogto ah.

Isbeddelka ugu quruxda badan waa kan dadka kale ay dareemaan, adiguna aanad u baahnayn inaad soo bandhigto.

W/Q: ๐—ค๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ โœ๏ธ

NOQO SIDA BIYAHA Biyuhu ma aha shay qaali ah oo dadka loogu faano ,balse waa waxa noloshu ku tiirsan tahay hadii biyuhu ...
04/07/2026

NOQO SIDA BIYAHA

Biyuhu ma aha shay qaali ah oo dadka loogu faano ,balse waa waxa noloshu ku tiirsan tahay hadii biyuhu jiri waayaan noloshu masii jiri karto

Sidoo kale haku mashquulin inaad noqoto qof muuqaal ahaan soo jiidasho leh oo keliya ku dadaal inaad noqoto qof dadku ka helaan waxtar, aqoon ,akhlaaq, iyo saamayn wanaagsan

Dadka qaar waxay ku tartamaan inay noqdaan kuwo saamayn amaba hadal hayn badan halka kuwa kalena ay ku dadaalaan inay noqdaan kuwo loo baahan yahay farqiga udhexeeya labadan waa mid wayn

Noqo sida biyaha taas macnaheedu waxay tahay hanoqon qofka ugu qaalisan bulshada ,balse noqo qof ay bulshadu garato qiimihiisa markaad joogto , ayna ku tabto markaad maqan tahay

Qiimaha Dhabta ahi kuma jiro waxa aad haysato , wuxuu ku jiraa waxtarka aad dadka u leedahay
W/Q qalinka bulshada

04/07/2026

Maxay Dhalinteennu Iyagoo Wax Bartay Ugu Muuqdaan Kuwo Aan Wax Baran?

Waxbarashadu ma aha oo keliya shahaado lagu dhejiyo gidaarka ama lagu qoro CV-ga. Waxbarashada dhabta ahi waa inay ka muuqataa fikirka, hadalka, dhaqanka, iyo sida qofku u wajaho nolosha.

Maanta waxaa jira dhalinyaro badan oo sannado badan wax soo bartay, haddana marka la arko ama lala sheekeysto ay adkaanayso in laga dareemo saamaynta aqoontii ay soo barteen. Su'aashu waxay tahay: maxaa sababay?

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn waa in waxbarashada mararka qaarkood lagu koobay imtixaan lagu gudbo iyo shahaado la helo, halkii laga dhisi lahaa faham, xirfad, iyo karti lagu xalliyo dhibaatooyinka nolosha.

Sidoo kale, akhriska iyo isbarashadu waxay ku ekaadaan fasalka. Marka waxbarashadu dhammaato, buuggii waa la xidhaa, cilmi-baadhistii waa la joojiyaa, halka maskaxduna ay u baahan tahay inay sii barato inta uu qofku nool yahay.

Dhanka kale, anshaxa, wada hadalka wanaagsan, fikirka furan, iyo ixtiraamka dadka kale waa qayb ka mid ah waxbarashada. Haddii aqoontu aysan hagaajin hab-dhaqanka qofka, waxaa adkaanaysa in bulshada ay dareento qiimaha waxbarashadiisa.

Bulshooyinka horumaray waxay ku kala hormaraan dadka aqoontooda u beddela ficil, hal-abuur, iyo xalal wax ku ool ah. Sidaas darteed, dhalinyaradu waa inay is weydiiyaan: "Waxaan bartay maxaan bulshada ugu tarayaa?"

Waxbarashadu ma dhammaato maalinta shahaadada la qaato; waa safar socda inta noloshu jirto. Dhalinyarada maanta haddii ay isku daraan aqoon, akhlaaq, xirfad, iyo ficil, waxay noqon doonaan jiil bulshada horumar uhorseeda, halkii lagu tilmaami lahaa kuwo shahaado haysta balse aan aqoontoodu muuqan.

Qalinka Bulshada

"Aqoonta qiimaheedu wuxuu muuqdaa marka ay nolosha dadka wax ka beddesho."

Address

Buroa
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qalinka Bulshada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share