Sayruuq News

Sayruuq News the latest news from horn of Africa.

Feysal Cali Waraabe. “Waxaan eegnaba waa Xarakada Alshbb oo la wareegta Somaliya”
16/04/2025

Feysal Cali Waraabe. “Waxaan eegnaba waa Xarakada Alshbb oo la wareegta Somaliya”

Jigjigaay Maydkaaga Sido
21/01/2024

Jigjigaay Maydkaaga Sido

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa yidhi“Waxaad ka war qabtaan in xeerarkii doorashooyinka isa saaran ee madax...
19/01/2024

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa yidhi
“Waxaad ka war qabtaan in xeerarkii doorashooyinka isa saaran ee madaxtooyada, xisbiyada iyo ururrada Golaha Guurtidu aqlabiyad ku ansixiyay, Golaha Wakiilladuna aqlabiyad ku ansixiyay shalayna la gaadhsiiyay miiska Muuse Biixi.
Waxaynu berri laga bilaabo u diyaar garoobayna doorasho. Doorashada tareenkeedii wuu dhaqaaqay cid kasta oo is hor taagtana tareenka ayaa jiidhaya.
Cid kasta oo isku dayda in ay doorashada is hor taagto ama carqaladayso ama khilaaf cusub abuurto ku guulaysan mayso. shacbiga Somaliland awooddiisa ayuu ku difaacaya in doorasho nabad ahi ku dhacdo xilligeedii kuwa isbaarada dhigtana guulaysan maayaan..”

Aan u codayno wariye Khaalid Foodhaadhi tartan heer Afrika ah buu Soomaalida ku metelayaye   https://vote.aeausa.net
15/09/2023

Aan u codayno wariye Khaalid Foodhaadhi tartan heer Afrika ah buu Soomaalida ku metelayaye
https://vote.aeausa.net

15/09/2023
Madaxda dhaqanka ee Beesha Habarjeclo ee ku hawlan dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadda Somaliland ayaa sheegay in ay ka...
19/08/2023

Madaxda dhaqanka ee Beesha Habarjeclo ee ku hawlan dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadda Somaliland ayaa sheegay in ay kalsooni ka heleen madaxweyne Biixi iyo madaxda Xisbiyada WADDANI iyo UCID.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa ka digay nabad galyo darro
28/07/2023

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa ka digay nabad galyo darro

Keligiitaliyuhu waa qof iskala wayn rasuulada, isku meelna way ku dhamadaan:- "Keligiitaliyayaashu meel isku mid ah ayay...
27/07/2023

Keligiitaliyuhu waa qof iskala wayn rasuulada, isku meelna way ku dhamadaan:-

"Keligiitaliyayaashu meel isku mid ah ayay ku dhamaadaan. Dhoobadooda ayaa meel laga wada qaaday. Eray bixinta af Soomaaliga ah ee "keligiitaliye" oo ah dictator, waa mid yaab leh oo farshaxan leh. Waa qof yidhi keligay ayaa talada leh oo tayda uun baa socota. Waa wax dabeecadda adduunka ka soo horjeedda. Ilaahay baa ku yidhi rasuulkii (SCW) uu soo dirtay, la tasho dadka.

Keligiitaliyuhu waa qof iskala wayn rasuulada. Waxa uu is moodaa in aan cidi ka caqli, garaad, aqoon iyo ogaal badnayn. Waa hoogaa. Waayo? Ma jiro qof caqligiisa keliya ku socon karaa.

Haddii aad keligiitaliye aragti, meel kasta oo uu adduunka ka joogo, meesha uu ku danbayn doono waad qiyaasi kartaa. Simple".
Garyaqaan Guuleed Dafac.

“Go’aanka 5 xubnood ugu dhawaaqday ee Muuse iyo Saleebaan kuwada socdaan wuxuu inagaga daran yahay dagaalka Huwantu inag...
24/07/2023

“Go’aanka 5 xubnood ugu dhawaaqday ee Muuse iyo Saleebaan kuwada socdaan wuxuu inagaga daran yahay dagaalka Huwantu inagu soo qaadday. Waa go’aan ina kala diraya, waxaanu leenahay haldoorka Somaliland; ganacsatada, culimada, aqoonyahanka iyo waxgaradka ninkaa(Muuse) u taga oo dalka doorasho madaxweyne ka qabo, haddii kale waxay noqonaysa in reer ba calan qaato cadowguna isku keen hubeeyo..”
Eng Faysal Cali Waraabe oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay

Madaxweyne Muuse Biixi oo Guddoomiyenimadii KULMIYE ku wareejiyey Maxamed Kaahin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland a...
20/07/2023

Madaxweyne Muuse Biixi oo Guddoomiyenimadii KULMIYE ku wareejiyey Maxamed Kaahin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, ayaa go'aamiyey in xilka Guddoomiyaha xisbigaas ku wareejiyo Wasiirkiisa arrimaha Guddaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Maxamed Kaahin.

Kulan xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa, oo uu guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi, isla markana ay goob joog ka ahaayeen Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiirro kale oo ka soo jeeda deegaanka Biixi iyo Kaahin, ayaa waxa uu madaxweynuhu ku sheegay inuu go'aan ku gaadhay inuu wareejiyo xilka Guddoomiyaha Kulmiye, kuna wareejiyo guddoomiye kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin

Madaxweyne Biixi ayaa intaas ku daray in laga bilaabo xalay hawsha wareejinta iyo qabanqaabadeeda iyo shirka Golaha dhexe ee Kulmiye wakhtiga uu qabsoomayo ay ku xidhnaan doono hannaanka uu u qorsheeyo Maxamed Kaahin oo isagu dhaxalka Kulmiye si rasmi ah ula wareegaya, toddobaadyada soo socda.
Madaxweyne Muuse Biixi ma xusin inuu saaxiibkiisa siyaasadda uu Murrashaxnimada KULMIYE ugu dari doono Guddoomiyenimada iyo inuu isagu murrashax yahay, inkasta oo dadka siyaasadda odorosaa sheegayaan in aan madaxweynuhu weli go'aankaas aanu qaadan oo marka h**e uu doonayo dhamaystirayo qorshaha wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo keliya wakhtigan.

Maxamed Kaahin, ayaa la filayaa in shirka uu kula wareegayo Guddoomiyaha Kulmiye inuu u qorshaynayo inuu ku qabto Magaalada Burco.
Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa noqonayaa Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Xisbiga KULMIYE, isaga oo xilkaas hayey tan iyo 2010-kii.
@ Saleban Saxansaxo

W/Q Cali GurayMAXAMUUDOW SIDISIDIDAADA MOOYEE DHUL U DHACAAGA HUBSOMaxamuud Xaashi la yaabi maayo go’aanka komishanku wa...
18/07/2023

W/Q Cali Guray

MAXAMUUDOW SIDISIDIDAADA MOOYEE DHUL U DHACAAGA HUBSO

Maxamuud Xaashi la yaabi maayo go’aanka komishanku waa sidii uu doonayay ee Muuse ilaaa kal h**e uu waday. Laakiin taasi maaha in khilaafkii doorashadu uu sidaa ku dhamaaday waa sida uu hadalka u dhigaye.Komishanku waxay iclaamiyeen doorasho aanay u haynin wax sharci ah uu ku Qaban karo. Waayo sharci ahaan sadex doorasho oo keliya ayuu sharcigu ku waajibinayaa sida ku cad Xeerka Doorashooyinka Guud Ee Lam-91. Waxay kala yihiin doorashooyinka Golayaasha Degaanka, Wakiilada, Iyo Madaxtooyada. Maxamuud wuu og yahay in doorashada ururadu aanay ka mid ahayn Komishankuna haynin xeer ku waajibinaya qabashada doorashada ururada. Doorashada Madaxtooyada ee hawsheeda komishankani kala wareegay komishankii ka h**eeyay waxa lagu daadifayn karaa waa hal qodob oo keliya oo aan ku jirin Xeer Lam-91 ee ku jira Xeer Lam-14.
Labada doorasho waxa muhiimsan ta dastuuriga ah ee madaxtooyada oo u baahan hal qodob oo keliya in wax laga bedelo ta kalena loo helo xeer baarlaman oo lagu qaban karo.

Marka ay sidaa tahay ma la odhan karaa khilaafkii doorashadu waa la dhameeyay Mise waxa run ah in weli uu taagan yahay loona baahan yahay in laga heshiiyo? Mise Maxamuud wuxu rabaa doorasho aan la isla ogolayn in qasab la isku jiidhsiiyo oo la yidhaa gal ama ha gelin labada xisbi ee mucaaridkuna qaadacaan oo fursad baabu u arkaa?
Hadaba waxan u sheegayaa Maxamuud Xaashi in Somaliland aanay h**e uga qabsoomin maantana aanay qabsoomi doonin doorasho aan la isla ogolayn. Kubbaduna way ka baxday gacanta Muuse Biixi Maxamuudna Xisbi Qaran maaha ee xalku wuxu gacanta ugu jiraa Cabdiraxmaan Cirro in uu ogolaado iyo in uu diido. Markaa damaashaadka Maxamuud digashona waabay ka noqon kartaaye wax micno ah iima samaynayso ee waxan leeyahay SIDISIDIDAADA MOOYEE MAXAMUUDOW DHUL U DHACAAGA HUBSO

Go’aanka Xisbiga UCID
18/07/2023

Go’aanka Xisbiga UCID

Address

Gaariye Road
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sayruuq News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sayruuq News:

Share

Sayruuqnews in Somali and English

Mareeg ku suntan falanqaynta siyaasadda, arrimaha bulshada guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika iyo dhammaan ilwareedyada khuseeya Somaliland, Somalia, Jabuuti, DDSI, NFD iyo meelaha kale ee Soomaalidu degto.