
19/08/2025
7 Fikrad Ganacsi oo aad ku bilaabi karto $50
Waa fikrado ganacsi oo jaban oo qof kasta ku bilaabi karo $50 ama ka yar, haddii si caqli iyo dadaal leh u bilaabo.
1. Shaah & Qaxwo Miis Yar
Meel mashquul ah dhig miis yar oo aad ku iibiso shaah iyo qaxwo. Waxaad ku dari kartaa buskud fudud ama timir si macaamiishu u xiiseeyaan.
2.Miis Qudaar & Hilib Yar
Ku iibso qudaar iyo hilib yar oo miis lagu iibiyo suuqa ama xaafadda. Dadka xaafadda waxa ay had iyo jeer u baahan yihiin cunto cusub.
3. Online Micro-Services (Graphic Design, Copywriting, Social Media Management)
Isticmaal kombiyuutar ama telefoon si aad uga shaqeyso adeegyo fudud oo online ah, sida naqshadeynta, Samaynta qoraallada xayeysiis, ama maaraynta social media.
4. Online Shop Accessories (Electronics)
Ku iibso alaabo yar yar sida earphones, cables, chargers, kadibna online ku iibi.
5. Sharaab Caafimaad Leh (Caano + Timir + Lows)
Samee cabitaan dabiici ah oo caafimaad leh kuna iibi Waddooyinka . Ku wareeji karyoon si aad dadka ugu gaadho.
6. Buufinta Tayirka Baaskiilka & Adeeg Yar oo Dayactir
Ku bilaaw buufin iyo adeeg yar (inflator + qalab yar) si aad u caawiso dadka leh baaskiilada ama mootooyinka. Waa adeeg degdeg loo baahan yahay.
7. Tusbaxyo, Cadaro & Waxyaabo Diini ah
Bilaaw iibinta tusbaxyo, cadar yar, iyo alaabooyin kale oo la xidhiidha dhaqanka iyo diinta. Waxay ku habboon yihiin suuqyada iyo masaajidda agtooda.