Ramagmedia

Ramagmedia Waa bogga rasmiga ah ee Ramag fadlan share gare ,mahadsanid

Waa kuma jibriil qoobeyga caadaystay Cayda iyo Aflagaadada Isimada iyo haldoorka Bulshada.Jibriil qoobey waa waxaa uu ka...
18/09/2025

Waa kuma jibriil qoobeyga caadaystay Cayda iyo Aflagaadada Isimada iyo haldoorka Bulshada.

Jibriil qoobey waa waxaa uu ka mid yahay kooxaha xag jirka ee ka dagaalama Koonfurta Somalia wuxuuna ka mid ahaa ragii lagu aasaasay kooxada shabaab sida aanu ku helnay Xogtiisa khaaska ah.

Waxaa uu galay dagaalo badan ugu danbayntii waxaa uu ku dhaawacmay dagaalkii bandiiradley xiligii dawladii Cabdiilahi yuusuf alle ha u naxariiste ,waxaana qabtay ciidamada dawlada isagoo dhaawaca dhaawacuna waa ku muuqda oo waa jiis dhutiya.

Walaalkii oo lagu magcaabo cumar garweyna oo ka mid ahaa ganacsatada dalka ivory coast ,madaxweyna cabdilahi yuusufna u magcaabay safiirka dalkaas ayaa ka baryey madaxweynaha cabdilahi yuusuf wuxuuna u qaaday Ethiopia oo uu joogay mudo kooban ugu dabayntiina waxaa uu u sii gudbay dalka Qatar isagoon jooga mudo yar ayey ogaatay dawlada Qatar in uu ka mid ahaa dagaalyahanada argagaxisada Somalia waana soo tarxiishay waxayna ku soo celisay dalka Ethiopia .

Ethiopa waxaa uu ku guursaday gabadh joogta dalka Denmark iyadaana u qaaday ,aakhirkina waxaa uu helay passport dalka Denmark laakiin mudo yar ka dib denmar waa ka shakiday waxayna lagala noqday passportigeedii.

Hada waxaa uu jooga dalka Denmark k**a bixi karo.

Ugu danbayn ma jirto meel uu ku cadeeyey in uu ka baxay kooxaha argagixisada ah taal bedelkeeda waxaa uu aad u tageera kooxahan isagoo adeegsanayaa habab kala duwan oo uu magacooda ku buunbuuniyo.
Wax la qariibsan karo maaha in uu caaqil cumar alle ha naxariistee uu ku tilmaamo shabaabnimo iyo in uu la shaqaynayey.
Sababtoo ah Waxaa uu h**e shabaabnimo ku tilmaamay isimo oo uu ugu h**eeyo beeldeejaha cali salebaan oo ay xaaladoodu meel adag gaadhay aakhirkiina laga maslaxay .

Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan maxaa uu cadayn u haystaa dadka uu kooxahan ku tilmaamo isagoo ka maqan dalka aan ahayn askari xil wayn haya side ku ogaaday?
Ma la oran karaa waxaa uu u qaabilsan yahay in uu suuqgayn u yahay kooxaha argaxisada ah?

Ninkan caadaystay aflagaadada kooxaha argagaxisadana u ah suuq gayn iyo in uu hal doorka bulshada somaliyeed ka dhigo kuwa la shaqaysta kooxahan nabad diidka oo la micno ah bulshadu waxay taageersantahay nabad diidka.

Dhamaan aqoonyahanka iyo bulshada somaliyeed ee dalka Denmark waxaa ceeb ku ah in uu la joogo nin noocan ah waxaa uu idinku yahay sumcad dil.
Waa in laga dacweeya dawlada Denmark oo la marsiiyaa waxa uu mudanyahay.

Jibril Qoobey

II. Siyaabaha Aqoonsiga Maamul Goboleedyada Cusub1. Sharci Barlamaane + Guddiga Qaran • Ka hor inta aan la magacaabin ma...
02/08/2025

II. Siyaabaha Aqoonsiga Maamul Goboleedyada Cusub

1. Sharci Barlamaane + Guddiga Qaran
• Ka hor inta aan la magacaabin maamulka cusub, Baarlamaanka Fedaraalka wuxuu samaynayaa Guddiga Qaran oo daraasad ku sameeya: tirada, xuduudaha, iyo hababka iskugu biiridda gobollada (Article 49)  .
• Baarlamaanku wuxuu sharci gaar ah cayimaaya: shuruudaha xubnaha guddiga, muddada xilka, waajibaadkooda, iyo habraaca shaqadooda  .

2. Daraasad & Warbixin
• Guddigu wuxuu sameeyaa daraasad dhammaystiran oo ku saabsan gobollada, cabirka bulshada, juquraafi, taariikh, fadhiidnimada adeegyada, iyo rabitaanka shacabka.
• Warbixinta ugu dambeysa waxaa laga gudbiyaa Baarlamaanka Fedaraalka si looga fiirsado loona ansixiyo.

3. Xuduudaha & Isku Biirka Gobollada
• Xuduudaha maamul goboleedka cusub waxaa lagu aasaasaa xuduudihii maamulka 1991-kii, iyadoo loo marayo rabitaan doorasho iyo isu biirin gobollada – sida ay hoos timaaddo qodobka 49(5)-(6)  .

4. Ansixinta Baarlamaanka
• Kadib markii guddigu soo gudbiyo warbixinta, Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa ka dooda, hagaajiya, ansixiyaa ama diidi karraa habka iyo nambarka maamul goboleedyada cusub.

5. Federaalka + Maamulka Cusub
• Markii Baarlamaanka uu ansixiyo, gobolka cusubi wuxuu noqonayaa Maamul Goboleed rasmi ah. Wuxuu yeelan karaa dastuur hoosaad u gaar ah oo la isku waafajiyay Dastuurka Federaalka sida ku qoran qodobka 121  .
• Dowlad-goboleedyada waa in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, sida ku cad qodobbada xiriirka isdhexgalka (Article 50 & 51)

Dowlada Jamahuuriyadda Jabuuti oo sheegtay inay Maxk**ad la tiigsanayso cid kasta oo copy gareesay Calanka Jamahuuriyadd...
31/07/2025

Dowlada Jamahuuriyadda Jabuuti oo sheegtay inay Maxk**ad la tiigsanayso cid kasta oo copy gareesay Calanka Jamahuuriyadda Jabuuti Sida uu sheegay Wasiirka Cadaaladda Jabuuti Cali Xasan Bahdoon.

Waxqabadkii Wasiirkii h**e ee Qorshaynta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Axmed ( Qablan).ALLE HOW NAXARIISTEDhowaan Muqaal...
31/07/2025

Waxqabadkii Wasiirkii h**e ee Qorshaynta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Axmed ( Qablan).ALLE HOW NAXARIISTE

Dhowaan Muqaal laga soo duubay warshaddii h**e ee Kaluunka ee Laasqorey, ayaa Bulsho badan oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag kaga caraysiisay, sababtoo ah muddo hadda laa joogo 50 sano oo ahayd xilligii washadan Laasqorey la dhisay ilaa maanta ma jirin mashruuc kale oo gobolka laga hirgeliyey , waqtiyaddii Kacaanka iyo intii ka danbaysayba.

Allah ha u naxariistee Cabdulaahi Maxamed Axmed ( Qablan) , wuxuu ahaa Xildhibaan laga soo doorto gobolka Sanaag, noqdayna wasiirkii Qorshaynta Dawladdii Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Qablan, markii la dooratayba wuxuu baarlamaanka Soomaaliya hor geeyey in Laasqorey ay ka mid noqoto degmooyinka Soomaaliya. Waa laga codeeyey oo waa la diiday in Laasqoray degmo tahay . Mar labaad ayuu ku celiyey, sidii oo kale ayaa laga diiday. Mar sadexaad ayuu Qablan ku celiyey in Laasqorey degmo noqoto. Markii sadexaad waa laga yeelay, waana loo codeeyey in Laasqorey degmo tahay

Markii xigtay Allah ha wada naxariistee Cabdulaahi Maxamed Axmed ( Qablan) iyo Mohamed Haji Ibrahim Egal ayaa olole u wada galay in Warshadda Kaluunka Soomaaliya laga dhiso Laasqorey oo Qablan o ololeenaayey iyo Cigaal oo isagu doonayey in laga dhiso Berbera.

Qablan ayaa ku guulaystay in warshadda Kaluunka Soomaaliya laga dhiso magaalada Laasqorey.

Qablan, markii uu wasiirka ahaa waxa uu keenay gobolka Sanaag shan Ceel biyood ama Riigag, oo ka mid ah kuwa ay konton sano ay Dad iyo Duunyoba ka cabayeen.

Cabdulaahi Qablan markuu wasirka ahaa wuxuu dhisay oo kale Jidka Geel doora ee isku xidha Badhan iyo Laasqorey ee mara Buuraha Calmadow.

Ugu danbayntii 50 sano ka dib warshadii Laasqorey iyo Jidkii Geeldoora waa burbureen, mana jiro siyaasi ka danbeeya Qablan oo Mashaariic keenay ama ka hirgeliyey Gobolka.

W/Q Mohammed A Uthman

30/07/2025

Yeah DEG DEG: Magaalada Baladxaawo waxaa hadda la wareegay ciidanka Dowlada Federaalka. Xarunta Degmada, Saldhiga Booliska, xarunta immigrayion-ka iyo gacan-kuhaynta dhamaan xarumihii dowlada, waxaa hada wada maamulaya ciidanka dowlada federaalka.

 :-Guddiyadii kala duwanaa iyo Guurtidii reer Maakhir ayaa shirsan iyagoo ka gadoodsan sida loo qaybiyey Xubnaha Baarlam...
30/07/2025

:-Guddiyadii kala duwanaa iyo Guurtidii reer Maakhir ayaa shirsan iyagoo ka gadoodsan sida loo qaybiyey Xubnaha Baarlamaanka Dawlada Cusub.

Ramagmedia SSC-Khatumo

 : HADDA OGOW: Hanaankan ayaa loo qabiyay Baarlamaanka cusub ee maamulka ay wada-jirka u dhisanayaan SSCKH & Maakhir ink...
30/07/2025

: HADDA OGOW: Hanaankan ayaa loo qabiyay Baarlamaanka cusub ee maamulka ay wada-jirka u dhisanayaan SSCKH & Maakhir inkasta oo ay weli jirto tabasho dhanka saamiga ah oo ay qaybaan reer Maakhir.

Tirada guud: 83 Mudane

1- Khaatumo: 45 Mudane

2- Maakhir: 38 Mudane

Beelaha Khaatumo:

40 Mudane - Siciid Harti/Dhulbahante.
3 Mudane - Fiqishini
1 Mudane - Madhibaan
1 Mudane - Geri-koombe

Beelaha Maakhir:

31 Mudane - Maxamuud Harti/Warsangali
1 Mudane - Jibraahil Ogaadeen
1 Mudane - Majeerteen Siwaaqron
1 Mudane - Axmed Harti
1 Mudane - Kaski Qabe
1 Mudane - Madhibaan
1 Mudane - Dir
1 Mudane - Dhulbahante Naaleye Axmed

Maxay kula tahay adiga.?

Ramagmedia SSC-Khatumo

 :- ilaa 8 xubnood oo ka mid ah ergadii reer Maakhir ayaa loo taxaabay jeelka ka dib markii ay ka biyo diideen qaabka wa...
30/07/2025

:- ilaa 8 xubnood oo ka mid ah ergadii reer Maakhir ayaa loo taxaabay jeelka ka dib markii ay ka biyo diideen qaabka wax loo qaybiyey.

Qaar ka mid ah ergada ayaa laga qaaday ID-Card-kii erganino waxaana la siiyey Dad aan ka mid ahayn Ergada si loogu buuxiyo Kooramka shirka.

Waxaa la filayaa in uu dhowaan soo xidhmo shirka maamul u samaysnta gobolada Sool ,Sanaag iyo qayb ka mid ah Togdheer lamana oga Natiijada ka dhalantooda Meesha ay Gaadhi doonto.

Ramagmedia SSC-Khatumo

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka oo dhawaan soo saartay qorshaha qaranka ee caafimaadka oo lagu magacaabo Soma...
30/07/2025

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka oo dhawaan soo saartay qorshaha qaranka ee caafimaadka oo lagu magacaabo Somali National One Health Strategic Plan (2025–2029)– iyada oo gobolka Mudug gebi ahaantiisa lagu daray Galmudug, halka Sool & Sanaag-na la raaciyey Somaliland, sida ay muujisey khariiradda caafimaadka DFS.

Macluumaadka heleyo ayaa tilmaamaya in khariirradan loo gudbiyey dalalka & hey'adaha caafimaadka ka taageera Soomaaliya.

RamagmediaSSC-KhatumoPuntland State HouseVilla Somalia

29/07/2025

Sida loo qaysaday Xildhibaanada khatumo
1:Khatumo :45 Kursi.
2:warsangeli :25 kursi.
3:others-ka : 9 kursi.

28/07/2025

Towerkaan ay leedahay Somtel ayaa saaka soo dhacay xaafada Naasa-hablood Garowe.

Ramagmedia Somtel

26/07/2025

Saaka ka horow qaylo K**a yeedhin.

Address


00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ramagmedia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ramagmedia:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share