16/11/2025
Inaad naag qurux badan jeclaatid ayaa dhibaato kuugu filan, haddaad jeclaatidna, hinaaso (maseyr) k**a baxeysid. Teddy Afro heestiisa Alamin Alem ee uu soo saaray qiyaasti 2004-tii sidoo kale 2006-na Youtupe la soo galiyay ayuu sidaas inoogu sheegayo. Wuxuu ina leeyahay haddii aad gabadh qurux badan jeclaatid iyadaaba dhibaato kuugu filan, waxaana ku dilayo Hinaaso (maseyr). Haddey baxdo maad raaci oo ma waxaad ka ilaalin indhaha ragga si aysan u soo jiidan. Haddiise aad adigu baxdo yaa xaafadda kuugu sii ilaalin. Wax micnihiisu sidaas yahay buu ina dareensiinayaa Teddy.
Waxaase ka sii daran kolka aad adiga uun jeceshahay ee aysan kula ogeyn. Alla xanuun badnaa jaceylka noocaas ah! Naag qurux badan ood jeclaatay, indhaha raggana ay ku soo wada jeedaan oy maalin waliba rag kaa qurux badan, kaa hanti badan, kaana dabeecad fiican jaceyl u sheeganayaan, sow dhib maaha? Nin tartan ku jiraa tahay gabadh qurux badan haddaad xidhiidh la wadaagtid, xitaa haddey iyadu ku jeceshahay tartankaasi waa joogto! Ugu dambeyn waxaa la sheegaa in uu Teddy Afro guursaday naag qurux badan oo waliba Model ah. Ouch! Bal dareen baan leenahay Teedhiyow wixi aad horay uga warbixisay. Lol
Erayada heestan waxaa ka mid ah:
● Alaschilih alegn, lebabsa sit’heyd
● Endeit mekera newu, konjo seit mewded
● Tadia endeit limenat, sitwota sitgeba "Alamn"
● Liheed liketelat, sayayi-bign leyla
● Sayayi-bign leyla.
● Chegeregn n***ru, mella qitun ata
● Tzeyayibal n***r, lebabsa sitwota
● Yaye betemegnat, bitadergewu essua "Alamn"
● Bel imenat libey, chewa newu qemiisua
● CHewa-newu, qemiisua
● Alamn alena libey, alamn alena
● Teketelat basab, tereterena
● Alamn alena libey, alamn alena
● Alamn-alamn alat, teketelat.
Bal Yuutuubka yar gal oo soo yar daaro waxa heestan laxan macaan, muusig shidan iyo jilliinba ay isku biirsatay haddaadan horay u arag. Xitaa haddaadan aqoon afka Xabashiga, naftaa fahmi heestan oo waxay dhahaan qolyaha Muusigga daneeyo "Music is universal language." Micnaha muusiggu waa luuqad heer caalami ah oo cid walibaa fahanto. Teddy Afro fanka Ethiopia iyo kan Afrikaba wuxuu ka gaadhay figta sare.