Nimcaan Ashraf

Nimcaan Ashraf Ashraf Media is a digital television committed to delivering trusted news and stories that matter.

SOLJA oo Cambaareysay Xadhigga Wariye Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh).Qoraal ka soo baxay Ururka ayaa sidan u dhigna....
10/09/2026

SOLJA oo Cambaareysay Xadhigga Wariye Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh).
Qoraal ka soo baxay Ururka ayaa sidan u dhigna.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu si weyn uga walaacsan yahay xadhigga Wariye Xasan Saleebaan Haaruun (Gallaydh), oo shalay, 9 September 2026, lagu xidhay magaalada Gabiley, kadibna loo soo wareejiyey Xarunta C.I.D.-da ee Hargeysa.

Wariye Xasan Gallaydh ayaa saaka la horgeeyey Maxkamadda, taas oo u jartay lix maalmood oo rumaan ah. Sida SOLJA loo sheegay, wariyaha waxa lagu eedeeyey inuu, isaga iyo suxufiyiin kale, ka hadleen xadhigga Wariye Cabdiqani Xuseen Abokor (Baylood), oo maalintii 13aad ku xidhan magaalada Hargeysa.

Xadhigga Wariye Xasan Gallaydh waxa uu ka dhigayaa wariyihii toddobaad ee lagu xidho Somaliland sanadkan 2026. Sidoo kale, waa wariyihii labaad ee muddo laba toddobaad gudahood ah la xidho, iyadoo Wariye Cabdiqani Baylood uu weli xabsiga ku jiro.

Ururka SOLJA waxa uu si adag u cambaaraynayaa xadhigga soo noqnoqday ee suxufiyiinta, waxaanu ugu baaqayaa Xukuumadda iyo laamaha amniga inay ixtiraamaan oo ilaaliyaan xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta.

Ururku waxa uu sidoo kale ugu baaqayaa masuuliyiinta ay khusayso inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyaddooda ugu soo celiyaan labada wariye ee haatan ku xidhan Hargeysa, Wariye Xasan Gallaydh iyo Wariye Cabdiqani Baylood, isla markaana la dhawro xuquuqdooda sharci iyo tan aasaasiga ah.”

Somaliland ayaa diyaar u ah inay dirto ilaa 2,000 askari, kuwaas oo qayb ka noqon kara ciidamada caalamiga ah ee xasilin...
10/09/2026

Somaliland ayaa diyaar u ah inay dirto ilaa 2,000 askari, kuwaas oo qayb ka noqon kara ciidamada caalamiga ah ee xasilinta ee loo qorsheynayo in laga hawlgaliyo Marinka Gaza, sida uu sheegay Madaxweynaha JSL mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

“Haddii nala weydiisto, waxaan bixin karnaa askar, Annagu iskaa uma dalbanayno inaan dirno, balse haddii la i weydiisto, diyaar ayaan ahay.”
ayuu yidhi madaxweynuhu isaga oo ka hadlayay dhinacyada shirka MEAD.

10/09/2026

“Isagii Waa madoowyahay hadana gabadh casbuu rabaa..” 🤣

Somaliland ayaa Maraykanka iyo Israel ka dalbatay hub casri ah, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamayo mid la xidhiidha xooj...
10/09/2026

Somaliland ayaa Maraykanka iyo Israel ka dalbatay hub casri ah, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamayo mid la xidhiidha xoojinta awoodda difaaca iyo amniga Somaliland.”

Wariye Xasan Gallaydh ayaa lagu xidhay magaalada Gabiilay iyadoo isla markiiba loosoo gudbiyay Xarunta C.I.D da ee magaa...
09/09/2026

Wariye Xasan Gallaydh ayaa lagu xidhay magaalada Gabiilay iyadoo isla markiiba loosoo gudbiyay Xarunta C.I.D da ee magaalada Hargeysa.

wararka ayaa sheegaya in lagu xidhay maxaad uga hadashay xadhiga wariye Baylood.

09/09/2026

Waxay soo dhawaynayaan walaalkood oo baahiyaha gaarkaa qaba.😭

08/09/2026

Caawa Waxbaa dhacay .

08/09/2026

DEG DEG: Waxaa hadda Galkacyo lagu dilay Axmed Yusuf Haamey, xili uu u socday salaadda makhrib.

Sida ay wararku sheegayaa. Waxa la xaqiijisay in marxuumka loo dilay aano qabiil.

Marxuumka waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin kheyr badan, Ahlu Masjid ah, nabadoon ahaa dadkana aad u caawin jiray.

Dilka waxa uu kadhacay Galkacyo dhinaca Puntland

Naadiga Inter Miami ayaa iyaguna yidhi “Kabtankeenna 🔟 Leo Messi  ayaa loo magacaabay Ballon d’Or-ka 2026 ✨….”
08/09/2026

Naadiga Inter Miami ayaa iyaguna yidhi “Kabtankeenna 🔟 Leo Messi ayaa loo magacaabay Ballon d’Or-ka 2026 ✨….”

Pau Cubarsí, Rodri iyo Lamine Yamal ayaa loo magacaabay abaalmarinta Ballon d’Or-ka. Sanadkan 2026 Yaad isleedahay waa k...
08/09/2026

Pau Cubarsí, Rodri iyo Lamine Yamal ayaa loo magacaabay abaalmarinta Ballon d’Or-ka. Sanadkan 2026 Yaad isleedahay waa ku guulaysan doonaa?

Address

Main Road
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nimcaan Ashraf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nimcaan Ashraf:

Shortcuts

Share