09/09/2026
๐๐ข๐ฌ๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐ ๐ฎ๐ฎ ๐ฌ๐ข ๐๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐ก
WAR-SAXAAFADEED:
Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaareynayaa xadhigga ay xukuumaddu kula kacday Weriye Xasan Galaydh, oo ah Maamulaha Galaydh Media, kaas oo maanta magaalada Gabiley lagaga soo xidhay, loona soo gudbiyey Xarunta Dembi-baadhista (CID-da) ee magaalada Hargeysa.
Xisbiga KULMIYE waxa uu u arkaa xadhigga Weriye Xasan Galaydh mid walaac weyn ku abuuraya xaaladda xorriyadda saxaafadda iyo xaqa muwaadiniinta ee ay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo shuruucda dalku dammaanad-qaadeen.
Waxa xusid mudan in Weriye Xasan Galaydh uu ka mid ahaa suxufiyiin si cad uga hadlay oo u doodayey xaaladda Suxufi Baylood, oo isaguna muddo ka badan laba toddobaad u xidhan xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sidaas awgeed, maanta waxa xabsiyada Somaliland ku jira laba weriye, taas oo ah arrin si gaar ah walaac u leh.
Xisbiga KULMIYE waxa uu xukuumadda xasuusinayaa in saxaafaddu tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda, isla-xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana aan loo adeegsan karin awoodda dawladnimo cabsi-gelin ama aamusiin loogu geysto suxufiyiinta gudanaya waajibaadkooda shaqo.
Haddii ay jirto cabasho ama muran ka dhashay war, qoraal ama hadal uu weriyuhu baahiyey, xukuumaddu waa inay ku dhaqantaa habraaca sharciga ah, iyadoo la kala saarayo dacwadaha ciqaabeed (criminal cases) iyo kuwa madaniga ah (civil cases), lana dhowrayo xuquuqda iyo xorriyadaha uu sharcigu dammaanad-qaadayo.
Xisbiga KULMIYE waxa uu si cad ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland:
1. In si degdeg ah oo shuruud laโaan ah loo sii daayo Weriye Xasan Galaydh, haddii aanu jirin amar maxkamadeed iyo dacwad ciqaabeed oo sharci ah oo xadhiggiisa sabab u noqonaysa.
2. In la sii daayo Suxufi Baylood, oo muddo ka badan laba toddobaad u xidhan xukuumadda, lana xaqiijiyo in suxufiyiintu helaan xuquuqdooda sharci.
3. In aan awoodda dawladda loo adeegsan cabsi-gelin, cadaadis ama aamusin loogu geysto saxaafadda.
4. In xukuumaddu dhowrto Dastuurka, shuruucda dalka iyo mabaadiโda xorriyadda saxaafadda, kuwaas oo saldhig u ah dimuqraadiyadda Somaliland.
Waxa kale oo aanu xukuumadda xasuusinaynaa in muddada ku dhow labada sanno ee ay xilka haysay in 47 weriye la xidhay, iyadoo Weriye Xasan Galaydh uu yahay mid ka mid ah suxufiyiintaas. Tiradan iyo dhacdooyinka soo noqnoqday waxay u baahan yihiin in xukuumaddu si dhab ah uga fiirsato siyaasaddeeda ku wajahan saxaafadda iyo xorriyadda hadalka.
KULMIYE waxa uu aaminsan yahay in Somaliland lagu dhisay halgan loogu jiray xorriyad, dimuqraadiyad, dawladnimo iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta. Sidaa darteed, xorriyadda saxaafaddu ma aha mudnaan ay xukuumaddu bixiso ama ka qaaddo cid ay doonto; waa xuquuq dastuur iyo sharci leh.
Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Madaxweyne Cirro inay si degdeg ah u saxdo arrintan, ayna xorriyaddooda ugu soo celiso suxufiyiinta xidhan, si loo ilaaliyo sumcadda Somaliland, dimuqraadiyaddeeda iyo kalsoonida shacabka.
Xafiiska Afhayeenka Xisbiga KULMIYE
Hargeysa, Somaliland