08/08/2026
Gargaarka, Madaxbannaanida iyo Farriimaha Istiraatiijiga ah: Dib-u-eegis lagu Sameeyo xidhiidhka Gargaarka ee Somaliland iyo Soomaaliya”.
Xidhiidhka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa weli ah mid ka mid ah arrimaha ugu murugsan Geeska Afrika. Somaliland waxay tan iyo 1991-kii u shaqaynaysay sidii dawlad si dhab ah u madax-bannaan (de facto independent state), hase yeeshee nidaamka caalamiga ahi wuxuu weli Soomaaliya u aqoonsan yahay dawlad madax-bannaan oo leh dhulka caalamku u aqoonsan yahay, kaas oo Somaliland lagu daro.
Xaqiiqadan sharciyeed waxay saamayn ku leedahay habka loo gaadhsiiyo Somaliland gargaarka caalamiga ah. Inkasta oo qayb ka mid ah gargaarku si toos ah Somaliland u gaadho iyada oo loo marayo hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada caalamiga ah ee aan dawliga ahayn iyo hannaano kale, haddana qaar ka mid ah gargaarku wuxuu ku xidhan yahay qaab-dhismeedyada gargaarka ee Soomaaliya oo dhan ama si rasmi ah ayaa loogu sii maraa Soomaaliya.
Arrintani waxay dhalinaysaa su’aal istiraatiiji ah oo muhiim ah: Ma wiiqaysaa sheegashada siyaasadeed ee Somaliland ee madaxbannaanida marka ay aqbasho gargaar lagu bixiyo hannaano la xidhiidha Soomaaliya? Mise Somaliland waa inay diiddaa hannaanadaas si ay u muujiso mowqif adag oo ku saabsan madaxbannaanideeda?
Hannaanka Gargaarku U Noqon Karo Farriin Siyaasadeed
Go’aannada deeq-bixiyeyaashu ka qaataan habka loo maamulayo gargaarku waxay yeelan karaan macne iyo astaan siyaasadeed. Deeq-bixiyeyaashu guud ahaan waxay gargaarka u qaabeeyaan Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay dawlad caalamku si rasmi ah u aqoonsan yahay.
Taas macnaheedu khasab ma aha in deeq-bixiyeyaashu u arkaan Somaliland inay siyaasad ahaan ama maamul ahaan hoos timaaddo Muqdisho. Hase yeeshee, hannaanada gargaarka ee ku xidhan Soomaaliya waxay abuuri karaan aragti ah in Soomaaliya weli leedahay door maamul ama xidhiidh rasmi ah oo la xidhiidha Somaliland.
Aqbalaadda gargaarka noocaas ahi lafteedu macnaheedu ma aha in Somaliland ay aqoonsatay madaxbannaanida Soomaaliya ee Somaliland. Walaacu wuxuu ka badan yahay farriinta siyaasadeed ee arrintu gudbin karto.
Soomaaliya waxay hannaanadan u adeegsan kartaa xoojinta dooddeeda ku saabsan midnimada dhuleed, halka Somaliland ay halis ugu jirto in madaxbannaanideeda hay’adeed ee dhabta ahi ay caalamka uga muuqato mid aan si buuxda uga soocnayn Soomaaliya.
Arrintani waxay sidoo kale la xidhiidhaa fikradda loo yaqaan “Aid Extraversion”, taas oo tilmaamaysa sida khayraadka dibadda ka yimaadda uu u saameyn karo qaab-dhismeedyada siyaasadeed ee gudaha iyo sharciyadda hay’adaha. Somaliland, hababka gargaarka ee la xidhiidha Soomaaliya waxay mugdi gelin karaan farqiga u dhexeeya hay’adaha Somaliland ee si dhab ah u shaqeeya iyo xaaladdeeda caalamiga ah ee weli aan la xallin.
Khataraha ka dhalan kara Diidnada Gargaarka.
Inkasta oo walaacyadaasi jiraan, haddana in Somaliland gebi ahaanba diiddo gargaarka deeq-bixiyeyaasha waxay yeelan kartaa khataro waaweyn.
Taageerada caalamiga ahi waxay qayb muhiim ah ka qaadataa gurmadka bani’aadantinimo, kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada dadweynaha, kobcinta awoodda hay’adaha iyo wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah.
Somaliland waxay h**eba ugu shaqaysaa xaalad dhaqaale iyo mid goboleed oo adag, sidaas darteed hoos-u-dhac degdeg ah oo ku yimaadda gargaarku wuxuu culays dheeraad ah saari karaa hay’adaha dawladda iyo bulshada.
Xiisadaha siyaasadeed ee ku xeeran Laascaanood waxay sidoo kale muujinayaan muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo awoodda hay’adaha iyo xasilloonida gudaha. Inkasta oo xidhiidhka caalamiga ahi aanu ahayn sababta keliya ee xiisadahaas, haddana gargaarka dibadda wuxuu la falgeli karaa kala-qaybsanaanta siyaasadeed iyo bulsho ee h**e u jirtay.
Sidaa darteed, diidmada gargaarku waxay xoojin kartaa doodda ku saabsan madaxbannaanida, balse waxay sidoo kale wiiqi kartaa aasaaska wax-ku-oolka ah ee dawladnimada iyo maamulka.
Jidka Istiraatiijiga ah ee Dhexdhexaadka ah
Sidaa awgeed, su’aashu ma aha in Somaliland ay aqbasho ama diiddo gargaarka, balse waxay tahay: Sidee ayay Somaliland u maamuli kartaa gargaarka iyada oo aan loo oggolaan hababka gargaarku inay wiiqaan aqoonsigeeda siyaasadeed?
Somaliland waxay dhiirrigelin kartaa in deeq-bixiyeyaashu si toos ah ula shaqeeyaan hay’adaha Somaliland, iyada oo loo marayo hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada caalamiga ah ee aan dawliga ahayn iyo heshiisyo laba geesood ah marka ay suurtagal tahay.
Waxay sidoo kale xoojin kartaa muuqaalka hay’adaha Somaliland, iyada oo mashaariicda laga fulinayo gudaha Somaliland si cad loogu aqoonsanayo hay’adaha iyo masuuliyiinta Somaliland ee fulinaya ama la shaqaynaya mashaariicdaas.
Sidoo kale, Somaliland waxay samayn kartaa hannaano sharci iyo kuwo hay’adeed oo xooggan oo lagu maamulo isku-duwidda gargaarka, fulintiisa iyo kormeerkiisa. Tani waxay xoojinaysaa mabda’a ah in helitaanka gargaar dibadeed aanu go’aaminayn xaaladda siyaasadeed ee Somaliland.
Dhinaca diblomaasiyadda, Somaliland waa inay si cad u sheegtaa in aqbalaadda gargaarka bani’aadantinimo iyo horumarineed ay ku salaysan tahay baahiyaha shacabka Somaliland, ayna aanay ka dhignayn tanaasul siyaasadeed oo ku saabsan madaxbannaanideeda.
Isla markaana, Somaliland waa inay muddada fog yaraysaa ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda iyada oo ballaadhinaysa ganacsiga, maalgashiga, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo iskaashiga ay la yeelanayso dalalka Khaliijka iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah.
Isku-filnaansho dhaqaale oo badan wuxuu Somaliland siin karaa fursad dheeraad ah oo ay si madax-bannaan ugu qaadato go’aannadeeda siyaasadeed.
Gargaarka iyo Dhismaha Dawladnimada
Gargaarku ma aha oo keliya arrin la xidhiidha madaxbannaanida. Waxa kale oo uu yahay arrin muhiim u ah dhismaha dawladnimada.
Khayraadka dibadda ka yimaadda wuxuu xoojin karaa hay’adaha dawladda, balse ku-tiirsanaanta xad-dhaafka ahi waxay abuuri kartaa tartan siyaasadeed oo ku saabsan helitaanka khayraadka dibadda, waxayna sii qoto-dheereyn kartaa kala-qaybsanaanta bulshada iyo siyaasadda.
Somaliland, ajandaha aqoonsiga caalamiga ahi wuxuu sidaa darteed u baahan yahay laba arrimood oo is barbar socda: dadaal diblomaasiyadeed oo joogto ah iyo dawladnimo gudaha ah oo xooggan.
Muujinta hay’ado wax-ku-ool ah, isla-xisaabtan leh, adkaysi u leh caqabadaha, oo si wanaagsan u shaqeeya lafteedu waxay qayb muhiim ah ka tahay doodda Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah.
Gunaanad
Ka-qaybgalka Somaliland ee hannaanada gargaarka ee la xidhiidha Soomaaliya wuxuu abuuri karaa mugdi siyaasadeed oo Soomaaliya ay u adeegsan karto xoojinta dooddeeda ku saabsan midnimada dhuleed.
Hase yeeshee, aqbalaadda gargaarka noocaas ahi lafteedu macnaheedu ma aha in Somaliland ay aqoonsatay madaxbannaanida Soomaaliya ee dhulka Somaliland.
Diidmada gebi ahaanba gargaarka deeq-bixiyeyaashu waxay noqon kartaa mid dhaqaale ahaan khatar ah, waxayna wiiqi kartaa hay’adaha Somaliland u baahan tahay si ay u muujiso inay si wax-ku-ool ah isu maamuli karto.
Habka ka xooggan waa kala-duwanaansho istiraatiiji ah.
Somaliland waa inay sii waddaa helitaanka gargaarka muhiimka ah, iyadoo isla markaana xoojinaysa xidhiidhka tooska ah ee ay la leedahay hay’adaheeda, maaraynta madaxbannaan ee gargaarka, farriin siyaasadeed oo cad iyo kala-duwanaanshaha dhaqaalaha.
Ujeeddadu waa inay noqotaa in la kala saaro ku-tiirsanaanta gargaarka iyo ku-tiirsanaanta siyaasadeed.
Somaliland waxay qaadan kartaa gargaarka caalamiga ah iyada oo aan oggolaan in habka gargaarka loo soo gaadhsiiyo uu qeexo aqoonsigeeda siyaasadeed.
Habkani wuxuu ilaalinayaa xasilloonida, xoojinayaa dhismaha dawladnimada, wuxuuna taageerayaa dadaalka Somaliland ee muddada fog ee ay ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah.
Ali-Khadar Osman waa falanqeeye ku takhasusay arrimaha siyaasadda Geeska Afrika, gaar ahaan aqoonsiga dawladaha, diblomaasiyadda gobolka iyo maamulka dawliga ah.
Qalinkii: Ali-Khadar Osman
Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda