08/08/2025                                                                            
                                    
                                                                            
                                            ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฅ ๐๐ซ๐จ๐ฎ๐ฉ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ฆ๐ญ๐๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐ช๐๐ฒ $๐๐๐,๐๐๐ ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ซ๐ญ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ฒ ๐ ๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฐ๐๐๐ฅ. 
Labada shirkadood ayaa noqday shirkadihii ugu horreeyay ee gaar loo leeyahay ee si toos ah uga jawaaba baaqa gurmadka abaaraha.
Deeqdan ayaa lagu bixin doonaa cunto, biyo, iyo kaalmooyin degdeg ah oo muhiim ah, waxaana ay qayb ka tahay dadaal baniโaadantinimo oo ballaaran.
Gobolka Awdal ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay Geeska Afrika, iyadoo daaqii uu engegay, ceelashii biyahana ay qallaleen. Xoolo badana ay ku baabaโeen, halka dad badana ay barakeen iyagoo raadinaya cunto iyo biyo.
Maareeyaha guud ee Dahabshiil Group, Abdirashid Duale ayaa sheegay โin doorka ganacsatadda gaarka loo leeyahay uu yahay mid muhiim ah marka ay timaaddo u gurmashada bulshadda waqtiga ay dhibaatadu jirto. 
Wuxuu intaa ku daray inay aad uga walaacsan yihiin dhibaatadda haysta dedkeenna, isla markaana masuuliyad ka saarantahay in ay si degdeg ah uga jawaabaan marka ay dhibaato dhacdo, deeqdana ay qayb ka tahay balanqaadka joogtadda ee shirkadaha dahabshiil Group ka saaran bulshadda.โ
Dahabshiil, oo ka hawlgala in ka badan 140 waddan, ayaa muddo dheer ka shaqeynayay gurmadka musiibooyinka iyo horumarinta bulshada.
Somtel, oo ah qaybta isgaarsiinta ee shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa door muhiim ah ka ciyaarta xoojinta isku xidhka bulshadda.
Labada shirkadood ayaa si joogta ah ugu deeqa adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo gurmadka degdegga ah, waxaana ay ugu baaqqayaan dhamaan ganacsatada kale iyo qurba-joogta Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan gurmadka abaarta.
Deeqda Dahabshiil iyo Somtel ayaa timid xilli dawladdu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, islamarkaana la bilaabay dadaallo qaran oo ay qeyb ka yihiin dowladda, bulshada rayidka ah, iyo ganacsatada.
                 
โฆ. 
๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฅ ๐๐ง๐ ๐๐จ๐ฆ๐ญ๐๐ฅ ๐๐จ๐ง๐๐ญ๐ $๐๐๐,๐๐๐ ๐ญ๐จ ๐๐ฎ๐ฉ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐๐ซ๐จ๐ฎ๐ ๐ก๐ญ-๐๐๐๐๐๐ญ๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐ฆ๐ฎ๐ง๐ข๐ญ๐ข๐๐ฌ ๐ข๐ง ๐๐ฐ๐๐๐ฅ ๐๐๐ ๐ข๐จ๐ง 
Dahabshiil Group and Somtel have announced a $200,000 donation to support communities affected by the ongoing drought in the Awdal region, one of the hardest-hit areas in the Horn of Africa.
The funds will be used to provide emergency assistance, including food, water, and other essential supplies, as part of a broader humanitarian response to the worsening situation.
Dahabshiil Group CEO Abdirashid Duale said the private sector has a critical role to play in supporting communities during times of crisis.
โWe are deeply concerned about the suffering of our people,โ said Abdirashid Duale. โIt is our responsibility to act swiftly in times of hardship. This donation reflects our long-standing commitment to supporting the communities we serve.โ
The two companies are among the first private sector entities to respond directly to the drought emergency appeal.
Local authorities and aid agencies have warned that Awdal is experiencing severe drought conditions, with dried-up grazing land, depleted water wells, and widespread livestock deaths. Many families have been displaced in search of food and water.
Dahabshiil, which operates in over 140 countries, is widely known for providing remittance and banking services across the region and globally. Its telecommunications arm, Somtel, offers mobile, internet, and digital money transfer services, helping to promote connectivity and financial inclusion in underserved areas.
Both companies have previously supported healthcare, education, and emergency relief initiatives in the region and beyond. They have called on other businesses and members of the diaspora to join the ongoing efforts to support those affected by the drought.
This donation comes at a time when the government has declared a state of emergency and launched a national appeal involving public institutions, civil society, and the private sector.
Humanitarian agencies have repeatedly warned that the Horn of Africa is facing one of its worst droughts in decades, driven by consecutive failed rainy seasons and the intensifying impact of climate change.