East TV

East TV East Media TV is a Modern independent Media station based in Hargeisa Somaliland

Xisbiga Kulmiye ayaa si rasmi ah u shaaciyey in Xubinnimadii Xisbigaas laga saaray Afhayeenkiii h**e ee Xisbiga Kulmiye ...
29/11/2025

Xisbiga Kulmiye ayaa si rasmi ah u shaaciyey in Xubinnimadii Xisbigaas laga saaray Afhayeenkiii h**e ee Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni kaas oo lagu eedeyey qodobo ay ka mid yihiin in uu soo xaadiri waayey fadhiyadii Xisbiga.

"Waxyaabaha muqadasaadka ah ayaanIsbadalin, aragtidu se way is badashaa, Run ahaantii qof macsuuma ma jiro dhammaan khal...
28/11/2025

"Waxyaabaha muqadasaadka ah ayaan
Isbadalin, aragtidu se way is badashaa,

Run ahaantii qof macsuuma ma jiro dhammaan khaladaadka layga tirsanayo waan aqbalay,

Hadda ayaynu wax walba saxayna "Cabdirisaaq Terra

Sawiro Bandhigga Documentary-ga UN-RECOGNIZED Ee Abdirisaaq Terra
28/11/2025

Sawiro Bandhigga Documentary-ga UN-RECOGNIZED Ee Abdirisaaq Terra

" Cabdirisaaq Terra markii ay timi xukuumada cusubi , ayuu ka mid ahaa dadkii ugu h**eeyay ee cafis ka soo dalbada " Was...
28/11/2025

" Cabdirisaaq Terra markii ay timi xukuumada cusubi , ayuu ka mid ahaa dadkii ugu h**eeyay ee cafis ka soo dalbada " Wasiirka Madaxtooyada.

Cole Palmer oo Soo Laabtay, Diyaarna u ah Ciyaarta Arsenal,Kooxda Chelsea ayaa dib u heshay xiddigeeda khadka dhexe ee w...
28/11/2025

Cole Palmer oo Soo Laabtay, Diyaarna u ah Ciyaarta Arsenal,
Kooxda Chelsea ayaa dib u heshay xiddigeeda khadka dhexe ee weerarka, Cole Palmer, kaasi oo mar kale diyaar u ah kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Arsenal. Palmer, Ayaa h**e uga maqnaa dhaawac fudud,

Jarmalka: Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu arkay saldhigyada milatariga oo gaaray heerkii ugu sarreeyay bishii O...
28/11/2025

Jarmalka: Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu arkay saldhigyada milatariga oo gaaray heerkii ugu sarreeyay bishii October

Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adaha sirdoonka Jarmalka ayaa sheegay in tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu arkay hareeraha saldhigyada ciidamada dalka ay ahayd tii ugu badnayd ee weli la diiwaangaliyo bishii October. Sida uu sheegay sarkaalku, feejignaanta ugu badan waxay ku wajahnayd saldhigyada ciidamada badda, halkaas oo dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn lagu arkay.

Mas'uuliyiinta amniga ayaa sheegay in ay kordhiyeen dabagalka iyo baaritaanka dhacdooyinka la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyaga oo tilmaamay in dunida oo dhan ay ka sii kordhayaan dhacdooyinka noocan oo kale ah. Inkasta oo aan la shaacin faahfaahin dheeri ah, saraakiishu waxay sheegeen in baaritaanadu socdaan lana qiimeynayo haddii ay suurtogal tahay in dhaqdhaqaaqyadu khatar ku yihiin amniga militari.

Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ku guuleysatay Abaal-marinta Caalamiga ah ee Gusi Peace Prize 2025Dr. Edna Aadan Ismaaciil a...
27/11/2025

Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ku guuleysatay Abaal-marinta Caalamiga ah ee Gusi Peace Prize 2025

Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaa la guddoon-siiyey abaal-marinta caalamiga ah ee Gusi Peace Prize International 2025, taas oo lagu maamuuso shaqsiyaadka dunida ku soo kordhiya waxyaabaha waxtarka u leh bulshada ee adeegyada caafimaadka iyo adeegyada bani’aadannimo ee muuqda.

Dr. Edna Aadan oo kaalin weyn kaga jirta taariikhda adeegga bulshada, ayaa nolosheeda oo dhan ku bixisay horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, u doodista xuquuqda haweenka, iyo dhismaha hay’addaha caafimaad ee dalka. Laga soo bilaabo qaybaha umulisada ee Hargeysa ilaa fagaaraha caalamiga ah, waxaa lagu xusuustaa dadaal joogto ah, geesinimo, iyo naxariis aan xad lahayn.

Sharaftan ay heshay ayaa loo arkaa mid ka tarjumaysa saameynta ay ku leedahay jiilal badan iyo sida ay ugu noqotay astaan dhiirrigelin u ah malaayiin qof oo ku dhiiranaya adeeg naxariis iyo naf-hurnimo ku dhisan.

Abaalmarintani waxay calaamad u tahay doorkeeda muuqda ee horumarinta caafimaadka, nabadda iyo awood-siinta haweenka, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu saamaynta badan Geeska Afrika.

"Anigu odaykii xisbigaan ahay Mana ogalaanayo xisbiga in lagu ciyaaro oo innamo yaryari ku ciyaaraan, Madaxweye H**e  Mu...
27/11/2025

"Anigu odaykii xisbigaan ahay Mana ogalaanayo xisbiga in lagu ciyaaro oo innamo yaryari ku ciyaaraan, Madaxweye H**e Muse Bixi Cabdi

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maraykanka (USCIS) ayaa hakisay dhammaan codsiyada socdaalka ee muwaadiniinta Afghani...
27/11/2025

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maraykanka (USCIS) ayaa hakisay dhammaan codsiyada socdaalka ee muwaadiniinta Afghanistan muddo aan la cayimin. Go'aankan ayaa yimid kadib markii la ogaaday in ninka looga shakisan yahay toogashada lagu dilay laba askari oo ka tirsan National Guard ee ka dhacday Washington, D.C., uu ahaa muhaajir Afghaan ah, sida ay sheegeen warbaahinta News Nation.

Kooxda Arsenal Ayaa ugu dambayn garaacday kooxda bayern munchen.
26/11/2025

Kooxda Arsenal Ayaa ugu dambayn garaacday kooxda bayern munchen.

FT: LIVERPOOL 1-4 PSVKooxda reer holand ee PSV ayaa garaacday Kooxda liverpool ciyaar ka tirsan koobka championka.
26/11/2025

FT: LIVERPOOL 1-4 PSV

Kooxda reer holand ee PSV ayaa garaacday Kooxda liverpool ciyaar ka tirsan koobka championka.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when East TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to East TV:

Share

Category