MMI Tv

MMI Tv MMI Tv

Maxkamadda Degmada Kismaayo ee Jubbaland ayaa soo saartay warqad amar soo qabasho oo ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan S...
27/11/2024

Maxkamadda Degmada Kismaayo ee Jubbaland ayaa soo saartay warqad amar soo qabasho oo ah Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud. Maxkamadda ayaa sheegtay in uu Madaxweyne Xassan Sheekh ku eedaysanyahay falal dambiyeedyo ka dhan ah Wadajirka Soomaaliya.

Amarka Maxkamadda maamulka Jubbaland ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ka soo baxday warqad amar soo qabasho oo ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ay sheegtay Maxkamaddu in uu ku eedaysanyey falal dambiyeedyo ka dhan ah Wadajirka Soomaaliya.

Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  ( Cirro ) oo maanta  socod lug ah kaga baxay guri...
26/11/2024

Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo maanta socod lug ah kaga baxay gurigiisa ayaa booqasho iyo duco ugu tagay madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Muj Xassan Ciise Jaamac .

Muj Xassan Ciise ayaa u jiifa xaalad caafimaad , waxaana la filayaa in dhawaan dhakhtar dibadeed loo qaado .

Madaxweynaha la doortey ayaa alleh uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo , isla markaana waxuu cadeeyey in maanta qarankiisu garab taagan yahay , xaaladiisa caafimaad .

"Maayirka Caasimaddu keligii masuuliyad gaar ah ma leh anigoo Maayir ku xigeenkii ahina masuuliyadda waan la leeyahay." ...
26/11/2024

"Maayirka Caasimaddu keligii masuuliyad gaar ah ma leh anigoo Maayir ku xigeenkii ahina masuuliyadda waan la leeyahay." Maayir ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Khadar

26/11/2024

Munaasibad lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee la doortay Somaliland oo lagu qabtay İstanbul

23/11/2024

Madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudane muuse biixi cabdi oo kulan kula yeeshay qasriga madaxtooyada qoska marxuum ahmed maxamed maxamuud siilanyo.

23/11/2024

"Annagu dad colaadeed ma nihin dad nabadeed ayaanu nahay hal qori lagasoo heli maayo guryahayaga ee Kitaabka Quraanka ayaa lagasoo helayaa" Boqorka Gabooye

23/11/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Madaxweynaha Loo Doortay Qaranka Somaliland.

Hargeysa-23-11-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada kulan salaam iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulankan waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejin doona Madaxweynaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed Ca...
23/11/2024

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xilka si rasmi ah ugu wareejin doona Madaxweynaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Haddaba, Madaxweyne Biixi ma dayn ayuu wareejin doonaa mise doollar.? Maxay adiga kula tahay?

23/11/2024

“Madaxwayne Siilaanyo Waxaan Ku Dhihi Jiray Madaxwayne Hargaysa Ayaan Imanayaa Ee Miyaad Igu Martiqaadi Intuu Qoslo Ayuu Dhihi Jiray….”Madaxwaynaha Soomaaliya

22/11/2024

"Madaxweyne Siilaano wuxu ahaa dimuqraadi, doodyahana oo aanad ka xiisa goynayn dooddiisii iyo hannaankiisii dimuqraadiyadeed" Guddoomiyaha Xisbga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan

22/11/2024

Munaasibad loogu ducaynayo magaalada hargaisa Alle hawnaxariste madaxwaynihii h**e somaliland marxuum axmed maxamed maxamuud (silaanyo).

Barnaamijka Su’aalaha Diiniga ah ayaa Su’aal la soo waydiiyey Sheekh Dirir waxa ay u dhignayd sida tan :-Sheekh Gabadh a...
22/11/2024

Barnaamijka Su’aalaha Diiniga ah ayaa Su’aal la soo waydiiyey Sheekh Dirir waxa ay u dhignayd sida tan :-

Sheekh Gabadh ayaanu go’aansanay in aanu is guursano waxaanan ku heshiinay in ay Kharashka guurka oo dhan ay iyadu bixiso,

Sheekh Maxay diintu ka qabtaa?

Jawaabta Sheekha:-

Gabadhu hadii ay ninkeeda wax siiso iyadaa ku Ammaanan waana wax wanaagsan,

Adigana hadii ay kaa furatay waa caadi waana wanaag.

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MMI Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category