07/08/2025
๐๐๐ฌ๐ข๐ฅ ๐ฅ๐'๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐, ๐๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐๐ก๐๐ก๐ ๐ฆ๐๐ฑ๐๐ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐๐๐ฒ๐?
Daraasado aad u xoogan oo xogtoodu sugan tahay ayaa tilmaamaha in sonkorta badan ee ku jirta sharaabka SODAHA, iyo maadadaha lagu midabeeyo sharaabkaasi (artificail colors iyo Preservatives) ay qayb wayn ka qaataan qalqaalinimada caruurta (Hyperactivity), xasil-la'aanta (poor concentration), cudwaaninimada; waxa kale oo ay saamayn ku leeyihiin wax barashada Ilmaha iyo hab-dhaqankiisa fasalka dhexdiisa. Daraasadahaas waxa ka mid ah:
Daraasad culus oo ah nooca la yidhaa ๐๐จ๐ฎ๐๐ฅ๐-๐๐ฅ๐ข๐ง๐ ๐๐ญ๐ฎ๐๐ฒ โ ๐๐ก๐ "๐๐จ๐ฎ๐ญ๐ก๐๐ฆ๐ฉ๐ญ๐จ๐ง ๐๐ญ๐ฎ๐๐ฒ" (๐๐๐๐๐ง๐ง ๐๐ญ ๐๐ฅ., ๐๐๐๐): waxa lagu sameeyay caruurta xadaanada iyo dugsiga hoose. Caruurta waxa qayb la siiyay sharaab sonkort iyo soodhe iyo midabeeyeyaal leh mudo todobaado ah, qaarna waxa lasiiyay biyo- natiijadii waxay noqotay in xasilooni la'aan iyo qalqaalinimo ku korodhay caruurtii sonkorta iyo soodhaha la waraabiyay.
https://doi.org/10.1176/pn.42.21.0019
๐๐๐ญ๐-๐๐ง๐๐ฅ๐ฒ๐ฌ๐๐ฌ ๐จ๐ ๐๐จ๐ง๐ญ๐ซ๐จ๐ฅ๐ฅ๐๐ ๐๐ซ๐ข๐๐ฅ๐ฌ-
Daraasad meta-analysis ah oo isku ururisay natiijooyinka 15 daraasadood oo nooca ๐๐ข๐ฏ๐ฅ๐ฐ๐ฎ๐ช๐ป๐ฆ๐ฅ, ๐ฑ๐ญ๐ข๐ค๐ฆ๐ฃ๐ฐ-๐ค๐ฐ๐ฏ๐ต๐ณ๐ฐ๐ญ๐ญ๐ฆ๐ฅ ๐ต๐ณ๐ช๐ข๐ญ๐ด ayaa waxay soo saartay saamayn wax ku ool ah oo maadadaha cuntada iyo cabitaanka lagu midabeeyo ee macmalka ahi ku leeyihiin xasil la'aant caruurta. Xataa caruurta aan lahayn ADHD ayaa dabeecadoodu is bedeshay markii ay mudo isticmaaleen sharaabka la midabeeyay ee sonkkortu ku badan tahay.
๐๐ซ๐จ๐๐๐๐ซ ๐๐๐ฏ๐ข๐๐ฐ & ๐๐๐๐ก๐๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ก๐ญ๐ฌ
Joornaal cilmiyeedka ๐ป๐๐ ๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฏ๐๐๐๐๐ ayaa waxa uu soo koobay 16 daraasadood oo ay ku jiraan qaar lagu sameeyay hidesidayaasha qof, saykoolajiga nafsiyadiisa isla markaana ay ku jirto daraasada Southhampton ee aynu kor kusoo sheegnay, waxa ay kusoo gunaanaday - maadadaha macmalka ah ee cuntada iyo sharaabka lagu midabeeyo (food colors), kuwa lagu ilaaliyo (preservatives) waxay khalkhal geliyaan deegaanka wax barashada (classroom climate), caruurtana waxay ku keenaan xasil la'aan aan mararka qaar la dareemin.
doi.org/10.1186/s12940-022-00849-9
Ugu danbayn, in aad caruurtaada ku yarayso oo aad kala tacaasho sonkorta, sharaabka sodhaha iyo midabada faa'iido wayn ayay u leedahay deganaanshadooda, ku xasilida casharka iyo fahanka, caafimaadka Ilkaha iyo afka, siiba caruurta laga helay xaalada ADHD iyo Autisam ka.
Dr Abdikarem