06/06/2026
๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐
๐
๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐ ๐พ๐๐๐๐๐๐ ๐ฟ๐๐๐๐๐๐๐
๐
๐ ๐ฑ๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
1. ๐ญ๐๐
๐๐๐๐๐ 64-๐๐๐
๐๐ ๐บ๐๐๐๐๐ ๐ฎ๐๐๐๐๐ ๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐ฑ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐
๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐-๐๐๐
๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฑ๐บ๐ณ, ๐ด๐๐
๐๐๐ ๐ช๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐๐๐๐๐
๐ช๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐ (๐ช๐๐๐๐) ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ธ๐๐๐๐๐๐ ๐ด๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐ฑ๐บ๐ณ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
๐ ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐๐
.
2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka ahna ku-simaha, Mudane Justin Davis iyo wefti uu hoggaaminayo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
3. Wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Maxamed Muuse Xaaj Cabdi ayaa soo kormeeray qaar kamida dugsiyada sare ee caasimadda Hargeysa Wacyigalinta udiyaar garowga Imtixaanadka shahaadiga ah.
4. Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, ayaa sheegay in xukuumaddu ay si joogto ah u garab taagan tahay dhalinyarada Somaliland, isaga oo xusay in ay yihiin laf-dhabarta bulshada maadaama ay ka kooban yihiin ku dhawaad 70% bulshada dalka.
5. Wefti ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland oo booqasho shaqo ku joogay dalka Faransiiska ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday Nouvelle-Aquitaine, oo ah maamulka gobolka ugu weyn dalka Faransiiska kana masuul ah horumarinta dalxiiska, dhaqanka, hal-abuurka iyo iskaashiga caalamiga ah
6. Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa ka hadlay baaxadda sii kordhaysa ee xannuunka xumadda iyo saamaynta uu ku yeeshay bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xaaladdu u baahan tahay iskaashi ballaadhan iyo dedaal mideysan oo lagaga hortago faafitaanka cudurka.
7. Wasiirka Caafimaadka JSL, Dr. Xuseen Bashiir, ayaa shacabka uga digay inay si toos ah uga qaataan daawooyinka farmasiyada iyaga oo aan helin talo caafimaad oo sax ah, isaga oo xusay in farmasiyo badan ay ka shaqeeyaan dhalinyaro iibinaya daawooyinka balse aan ahayn dhakhaatiir ama kalkaaliyeyaal aqoon u leh xaaladaha caafimaad ee dadka, gaar ahaan xilligan lagu jiro xumadda.
8. Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu qaaday tallaabo lagu xakamaynayo saamaynta ka dhalatay kor u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay colaadaha Bariga Dhexe, si aanay bulshada iyo adeegyada daruuriga ahi u dareemin culays dhaqaale oo dheeraad ah.
9. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, Marwo Samsam Maxamed Saalax, oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, ayaa kulan la qaadatay Afhayeenka Ciidanka Booliska, Garsooraha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Ku-xigeenka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud.
10. Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dardargelinaysa qorshayaal lagu xoojinayo waxqabadka hayโadda, korna loogu qaadayo wada-shaqaynta iyo xidhiidhada ay la leedahay hayโadaha kale ee dowladda, iyada oo sidoo kale la diyaarinayo qiimayn iyo dib-u-eegis ku saabsan waxqabadkii lixdii bilood ee u dambeeyay.
11. Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Muuse Xasan Yusuuf, ayaa kulamo shaqo ku yeeshay dalka Finland, iyagoo la kulmay hayโado iyo masuuliyiin ka shaqeeya dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo horumarinta hayโadaha dawliga ah.
12. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Mudane, Cabdalle Maxamed Carab, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi-Dheere) ayaa qaabilay saraakiil dhawaan ka soo baxay dalka Ethiopia, mudo laba sano ah ku soo qaatay waxbarasho iyo tababar la xidhiidha aqoonta ciidanka.
13. Komishanka Nidaaminta Korontada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah u diiday korodhka qiimaha korontada ee ay ku dhawaaqday Shirkadda Indho Power, kaas oo ahaa in halkii unit laga dhigo $0.65.
14. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Cabdilaahi Xasan Aden, ayaa ka qayb-galay shir heer-sare ah oo ay isugu yimaaddeen gudiga sare ee la socodka dhaqdhaqaaqyada ganacsiga Afrika (NOC), Golaha Maamulka iyo Golaha Wadatashiga ee ๐๐๐ฒ'๐๐๐๐ ๐๐ซ๐๐๐๐ฆ๐๐ซ๐ค ๐๐๐ซ๐ข๐๐ (๐๐๐), kaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin sare oo dawladeed, bah-wadaagta horumarinta iyo hoggaamiyeyaal ka kala socday dalalka Afrika.
15. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada Wasaaradood ayaa si wadajir ah u shaaciyey bilaabashada olole qaran oo ka bilaabmi doona dalka oo dhan 6-da June 2026
16. Agaasimaha guud ee wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Moxamuud Cabdirisaaq Cabdi, ayaa shir muhiim ah la yeeshay Gudidda Farsamo ee Socotada Isku-dhafan (Somaliland Mixed Migration Task Force โ MMTF).
17. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan, iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa kulan la qaatay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.