Hal ka dheh

Hal ka dheh Dagalkan waxad ka heli doontaa sheekooyin xiiso leh ,dhacdooyin iyo wararka caalamka .

13/03/2025

Waxa uu si arxandaran u dilay walaashii si uu ugu gubo qalbi hooyadii.

12/03/2025

Muxuu yahay hishiiska macdanka ee la filayo in uu Mareykanku la galo Koongo .
Kaga bogo muuqaalkan

Qaahira — Hoggaamiyayaasha waddamada Jaamacadda Carabta ayaa Talaadadii shalay isla qaatay qorshaha dib u dhiska Gaza ee...
05/03/2025

Qaahira —
Hoggaamiyayaasha waddamada Jaamacadda Carabta ayaa Talaadadii shalay isla qaatay qorshaha dib u dhiska Gaza ee ay Masar soo jeedisay kaas oo ay ku kacayso qarash gaaraya 53 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.
Qorshaha Masar ayaa ahaa mid lagaga fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka go’doonsan Marinka Gaza taasoo ka hor imaaneysa qorshihii uu bishii Janaayo soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaa qorshihiisa ku sheegay in Mareykanka uu la wareegayo Gaza si wanaagsan uu dhisi doono falastiiniyiinta ku noolna dib u dejin loogu sameyn doono wadamada Masar iyo Urdun.
Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al Sisi ayaa xiritaankii shir-madaxeedka Carabta oo shalay ka dhacay Qaahira ka sheegay in soo jeedinta la aqbalay
Kulanka oo ay martigelisay Masar ayaa waxaa madaxdii ka qeyb gashay ka mid ahaa amiirka Qatar madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga.

Qorshaha Masar ee ka soo horjeeda qorshaha Trump ayaa ku baaqaya in dadka deggan Gaza ay ku nagaadaan gudaha dhulkooda gaar ahaan toddobo goobood oo gaar ah oo looga dhisayo guryo ku meel gaar ah.

Inta ay halkaasi ku noolyihiin ayaa qorshahan uu soo jeedinayaa in Gaza laga sifeeyo burburka miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee haraadiga dagaalka.
Masar iyo dalal kale oo badan oo Carabeed ayaa horey uga soo horjeestay qorshaha Trump ee dib u dhiska Gaza oo laga dhigo meel loo tamashle tago Bariga Dhexe.

Intii uu socday kulanka ayaa madaxweynaha Masar Sisi waxa uu uga mahadceliyay Trump dadaalka uu ugu jiray dib u dhiska Gaza isaga oo intaa ku daray in qorshaha Masar ee la soo jeediyay uu sidoo kale dhigayo in guddi ku meel gaar ah oo ka kooban aqoonyahanno iyo farsamayaqaano ay sii maamulaan Gaza iyadoo la tababarayo boolis cusub oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa kaloo qorshuhu dhigayaa in deeq bixiyeyaasha shir ku aaddan dib u dhiska Gaza loo qabto shirkaas ayuu Sisi sheegay inuu Masar ka dhici doono bisha soo socota.
Ururka Xamaas oo Maraykanku u aqoonsaday argagixiso ayaa soo dhaweeyay hindisahan balse Israel ayaa dhaleeceysay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in soo jeedinta shir madaxeedka Carabta ay ku guuldarreysteen in ay wax ka qabtaan xaqiiqada dhabta ah ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ee toddobadii October 2023 kii kaas oo dhaliyey dagaalka.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa lagu yiri weerarkii argagixiso ee Xamaas kaas oo sababay dhimashada kumanaan Israa’iil ah iyo boqolaal afduub lama sheegin sidoo kale ma jiro wax cambaareyn ah oo loo jeedinayo ururkan argagixisada ah ee dilaaga ah.

Hoggaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo fikirka Masar wuxuuna ku booriyay Trump inuu taageero qorshahan sababtoo ah kuma lug lahaan doono barakicinta Falastiiniyiinta ayuu yiri Maxamuud Cabbaas.

18/01/2025

Maxaa ka soo cusboonaadey hishiiska Xamaas iyo Israa'iil.

15/01/2025

Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya oo xabsiga loo taxaabey .

Maxay yihiin waxa kusoo dhacay Nairobi bannaankeeda ee dadka ku abuuray cabsida?Dhawaq aad u xooggan oo ay dabasocoto wa...
14/01/2025

Maxay yihiin waxa kusoo dhacay Nairobi bannaankeeda ee dadka ku abuuray cabsida?

Dhawaq aad u xooggan oo ay dabasocoto walxo wayn oo kor ka soo dhacay ayaa ka nixiyay qoysas iyo asxaab ka tirsan dadka reer Kenya oo nasiino iskaga jiray xilli galab ah.

"Waxay u egtahay bam, waan naxay, waxaan bilaabay inaan hareeraha eego, sidoo kale waxaan la yaabay waxa ay waxa meesha ku soo dhacay," Stephen Mangoka, oo ah 75 jir beeralay ah oo ku nool tuulada Mukuku ee ismaamulka Makueni, ayaa BBC u sheegay.

"Waxaan eegay cirka si aan u eego bal inuu qiiq jiro, balse waxba ma arkin.

"Waxaan u orday waddada si aan u hubiyo in uu shil dhacay, sidoo kale, waxba. Taasi waa markii qof ii sheegay in wax samada ka soo dhacay."

Injineerada ka socda KSA, oo la aasaasay 2017 si ay u horumariyaan, una nidaamiyaan howlaha la xiriira waxyaabaha noocaan ah ee ee dalka Bariga Afrika, ayaa sii wada inay sameeyaan tijaabooyin kale si ay wax badan uga ogaadaan shayga.

Agaasimaha guud ee KSA ayaa sheegay in wax khasaare ah oo la taaban karo uusan soo gaarin markii shaygu uu dhulka ku dhacay.

"Mas'uuliyadda ugu dambeysa ee waxyeello kasta ama dhaawac kasta oo ka dhashay shaygaas bannaan waxa ay saaran tahay dawladda ay awood u leedahay in hawl wadeenka uu billaabay shayga," Brigadier Hillary Kipkosgey ayaa u sheegtay BBC-da.

BBC-da ayaa tusisay sawirada walaxda wakaaladda hawada sare ee UK si ay u hesho fikradaha khubaradeeda.

"Waxyaabaha ugu macquulsan ee ay noqon karto waa giraanta kala goynta heerka sare ee gantaalka Ariane sanadkii 2008," ayuu yiri agaasimaha furitaanka, Matt Archer.

Ariane waxa uu ahaa gantaalkii ugu weynaa ee Yurub, isaga oo in ka badan 230 dayaxgacmeed ka caawiyay in ay galaan wareega, ka hor inta aanu hawlgab noqon 2023-kii.

Waxa ay u muuqataa in giraanta kala soocida laga yaabo in uu dhulka ku wareegayay muddo 16 sano ah ka hor inta aanu si lama filaan ah uga soo muuqan Mukuku.

Tani maaha dhacdadii ugu horeysay ee qashinka hawada sare ka muuqda ee Bariga Afrika.

Maalmo ka hor, siddeeddii Jannaayo, waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo ku saabsan waxa loo malaynayo inay yihiin haraaga hawada sare oo si aad ah uga gubanaya hawada sare ee waqooyiga Kenya iyo koonfurta Itoobiya.

13/01/2025

Saameyn intee leeg ayuu ku yeeshay Soomalida dagan dalka Mareykanka dabka ka kacay magaalada Los Angeles.

11/01/2025

Maxay Somaliya ka faa'idi kartaa kursiga ay u sharraxantahay ee Midowga Afrika .

Ka dib toddobaadyo cadaadis sii kordhaya lagu saaray in uu xilka ka d**o, Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu iska cas...
07/01/2025

Ka dib toddobaadyo cadaadis sii kordhaya lagu saaray in uu xilka ka d**o, Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka Ra'iisul Wasaaraha Canada iyo hoggaanka Xisbiga Liberal-ka ee Canada.

Iscasilaaddan waxay soo afjareysaa bog dheer oo siyaasadeed. Trudeau wuxuu xafiiska joogay tan iyo 2015, markaas oo uu xisbiga Liberal-ka dib ugu soo celiyay talada kadib muddo dheer oo siyaasadda ka maqnaa.

Trudeau ayaa sheegay inuu sii ahaan doono hoggaamiyaha illaa laga soo doorto hoggaamiye cusub oo Liberal ah.

Si kastaba, su'aalo badan ayaa horyaalla xisbiga, oo ay ku jiraan cidda xilka la wareegi doonta iyo sida ay ula tacaali doonaan doorashada federaalka ee soo socota.

06/01/2025

Maxaad ma ogtahay xaaladda siyaasadeedka ee kuuriya koonfureed.

05/01/2025

Itoobiya oo toban dhulgariir ka dhaceen .

04/01/2025

Maxaad ka ogtahay wiilka Soomaaliga ah ee doonaya in uu safarka mooto ah ku tago cidhifka koonfureed ee Afrika .

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hal ka dheh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category