
02/05/2025
Hurdo iyo sahraay jiifka
marka h**e sariir raadi
Sali iyo furaash dayday
Saddexdaba hadaad waydo
Lama seexan kari waayo
Hadda saantu qodax maaha
Suugaantu gogal weeyi
Nin ku qadey sahraay tiisa
Haduu seed liqiliqideeda
Ku saruurad goyn waayo
Subag iyo baruur doono
Siduu jecel yahaa beena
Dhadhan iyo sibraar kayda
Sidig caanaheeda leh
Badar iyo sareen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiiba ah
Nin sameystay baa faan leh
Waxaad haysataa saas ah
ka sokow intaan sheegay
Hada soortu dacar maaha
Dharku saadhi qudha maaha
Saylooni garan maaha
Iyo sabaran daangiiran
Mana aha surwaal biida
Haddan saarku kuu diidin
Saddex qaydku ceeb maaha.
Waa inyaro ka mida maansada sirta nolasha ee uu tiiriyey AUN Abwaam Maxamed ibraahmim Warsame Hadraawi