Hubaal Tv

Hubaal Tv Hubaal TV Kala Soco Wararka Iyo Barnaamijyo Xaqiiqada ku salaysan.

25/02/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo magacaabis sameeyey .

Labba Xidigle Mubarak Erani oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa Hargeysa lagu xidhay sida uu xaqiijiyay Mareeyihi h**e ee...
25/02/2026

Labba Xidigle Mubarak Erani oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa Hargeysa lagu xidhay sida uu xaqiijiyay Mareeyihi h**e ee wakaalada biyaha Hargeysa.

Daarood ayaa yidhi,

โ€œSaaka, waxa lagu xidhay Hargeysa laba Xidigle Mubaarik Eeraani oo ka mid ahaa Saraakiisha sida rasmiga ah ugu qornaa Wakaaladda Biyaha Hargeysa, muddadii aan halkaa maamulayay.

Ujeedddada u weyn ee lagu haystaana waa maxaad ina Daarood uga soo garab muuqatay muddadii aan xilka Qaranka Hayay.

Xukuumadda Waddani dalkan si nabdoon ayaa loogu wareejiyay laakiin hab maamulkeedu waxa uu ku soo ururary qof Xukuumadda h**e (Kulmiye) ee talada ku wareejisay lagu xidhiidhiyo in ay colaad aan qarsoonayn ay u muujiso, halka, ragii dambiyada waawayn ka galay Qarankana qaarkoodna lagu tiriyo in ay ka tirsanaayeen Sirdoonka Somalia (NISA) ay agteeda ka karaamaysanyihiin.

Jidka ay qaaday siysaasadda Xukuumaddani waa mid aan dhamaadkiisu wanaagsanayn.

Xadhig iyo cagajuglayn, haddii ay xal mooday Xukuumaddani, ku socda ayaan leeyahay.โ€œ

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐€๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐Ž๐๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ-๐๐ก๐š๐ช๐š๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐€๐ฐ๐๐š๐ฅMadaxweyn...
24/02/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐€๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐Ž๐๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ-๐๐ก๐š๐ช๐š๐ฆ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐€๐ฐ๐๐š๐ฅ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Afur ah la qaatay Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Kulanka waxa lagu gorfeeyey xoojinta amniga, xasilloonida, isu soo dhaweynta, is-afgaradka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha bulshada walaalaha ah ee ku wada dhaqan Gobollada Awdal iyo Selel.

Madaxweynuhu waxa uu Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal uga mahadnaqay doorkooda lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda, xallinta khilaafaadka iyo adkaynta midnimada bulshada. Madaxweynuhu waxa uu xusay in nabaddu ay tahay tiirka koowaad ee Dawladnimada iyo horumarka bulshada, isla markaana ay waajib Qaran tahay in la ilaaliyo wadajirka iyo walaalnimada shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu lafa-guray muhimadda ay leedahay is-fahamka iyo iskaashiga ka dhexeeya laamaha kala duwan ee Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka, si loo sugo amniga guud ee Gobollada Awdal iyo Selel, loogana hortago wax kasta oo wax u dhimaya xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah.

Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal siiyey warbixin guud oo ku saabsan hab-sami-u-socodka hawlaha Qaranka, horumarka laga sameeyey dhinacyada kala duwan ee Dawladnimada, iyo dedaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay marayso meel wacan.

Madaxweynuhu waxa uu adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay ku socoto jidkii horumarka iyo Dawladnimo adag, isla markaana ay lama huraan tahay in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabadda, difaaca Qarannimada gaar ahaan xilligan uu batay cadowga Somaliland, iyo xaqiijinta himilooyinka ay leedahay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal ayaa ahaa mid muujinaya isku duubni, midnimo iyo wadajir Qaran oo saldhig u ah mustaqbal waara oo ay u wada dhan yihiin shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

24/02/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan Afur ah la yeeshay Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal

Kulan muhiima oo dhexmaray: Suldaan-ka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxman i...
24/02/2026

Kulan muhiima oo dhexmaray: Suldaan-ka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxman iyo Siyaasi Maxamed Darod, ayaa waxa lagaga wada hadlay:
1. Xadhigga sii kordhaya ee dhalinyarada iyo hablaha.
2. Waxa la isla soo hadal qaaday shirwaynaha beelwaynta subeer awal ee Suldaanku ku baaqay.
3. Xaaladda guud iyo Adkeynta jiritaanka Somaliland.

24/02/2026

โ€œCiidamada Amaanku waxay gacanta ku dhigeen Shabakad loo Adeegsanaayo Khakhal Galinta Amingaโ€ฆโ€Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdalle Sandheere

24/02/2026

"Khilaafka naga dhaxeya xukumada ayay C.I.D-du iigu yeedhay, Israel Aqoonsigedu sadaqo maaha." Mareeye h**e Daarod.

DEG DEG: Xisbiga Kaah Ayaa War-saxaafadeed Kasoo saaray Xadhiga Saxafi Axmed saki Ibraahin
23/02/2026

DEG DEG: Xisbiga Kaah Ayaa War-saxaafadeed Kasoo saaray Xadhiga Saxafi Axmed saki Ibraahin

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—”๐——๐——๐—”๐—ก๐—œ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ฎ๐—ต ๐—น๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—ž๐˜‚๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ...
23/02/2026

๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—”๐——๐——๐—”๐—ก๐—œ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—ฎ๐—ป ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป ๐—ฎ๐—ต ๐—น๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—ž๐˜‚๐˜…๐—ถ๐—ด๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ต๐—ผ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ฆ๐—Ÿ.

23/02/2026

Wasiir Kuxigeenkii h**e ee Wasaaradda Waxbarashada JSL Mudane Cabdixakiin Siciid Bustaale oo kusoo biiray Xisbiga WADDANI.

23/02/2026

"Cirroy Masaskad dhaqatay waanu iska qabanayna, Subeer Awal-na wuu tashanaya, " Suldaan Xasan oo si adag ula hadlay Madaxweyne Cirro.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa caawa soo kormeeray Suuqyada Caasimada Hargeysa, iyadoo...
11/05/2023

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa caawa soo kormeeray Suuqyada Caasimada Hargeysa, iyadoo ay si wayn shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu diyaar garoobayaan maalinta Qaranka ee Xuska 18 ka May.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ay wehelinayaan Maayorka Caasimada Hargeysa iyo xubno ka mid ah Xukuumadda ayaa Suuqyada Caasimada kula kulmay shacabka qiiraysan oo ay ku wayntahay Qarannimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo si wayn ugu Diyaar garoobayey Xuska 18 ka May.

Xigasho: Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Address

Togdheer Street
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hubaal Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hubaal Tv:

Share

Category