15/02/2025
Wax yar oo runta u dhow oo gabadha showga dhiganaysay arrinteeda iiga baxay:
Shaqsiga reer Awdal ah ee calanka Somaliland sita, sida yartaa Habboon, wuxu u dhigmaa 1000 calankaa sita oo [beesha dhexe]¹ ah.
Shaqsiga reer Awdal ah ee calanka Laanta tuuraana, sida Nimcaan Hillaac, wuxu ka miisaan badanyahay 1000 calanka tuuray oo [beesha dhexe] ah.
34 sano oo ay Somaliland jirtayna, reer Awdal waxay xoog iyo xooloba lahaayeenna Laanta way ku kaabeen. Haddana nidaamkii Somaliland wuxu awoodda geliyey horumarinta deegaannada [beesha dhexe]. Dawladnimadana waxa 'si xad-dhaaf' ah loogu sad-buriyay isla [beesha dhexe].
Dekadaha, jidadka, Airport-yada, xarumaha dhaqaalaha badani ku baxo ee dawladda, iyo dhammaan kaabayaasha dhaqan-dhaqaalena waxa lagu wada koobay isla deegaannadaasi.
Inta xaal sidaa yahay Somaliland duulaysaa ma jirayso, xataa haddii la doono kun CNN waraysi ha la siiyo! Waayo baalashii ay ku duuli lahayd isla Somaliland baa qaarna riftay, wixii ku soo hadhayna ilaa hadda rifaysa.
Gun iyo gabo-gabo, qofka reer Awdal ah inta Somaliland qiimihiisa fahansan, oo xaqiisana aan ka gacan bidixaynayn la helayo, waxa la gudboon in aanu waxba dadkiisa uga dhex bixin Laanta darteed, uguna godoboobin wax aanu dheefba ku lahayn!
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
¹】Ma jecli ereyada noocaas ah isticmaalkooga. Laakiinse waa waaqic aan la noollahay oo aan laga warwareegi karin mararka qaar.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
F.G:
1) Marnaba anigu gar ma siinayo heesta lahayd "MA LIHI CADAW XAMAR KA DARAN". Waxa ay ahayd hees deelqaaf ah oo aan meesha marnaba qaban. Abwaanka sameeyey iyo cid kasta oo qaadayna waxa habboon inu raalli-gelin buuxda ka bixiyo.
2) Gabadha kelideed iska gashay safar yadoon maxram wadan ee heeso iyo jaas doonatayna inta aanan cirdigeega kalaba difaacin, yadaaba waano inooga baahan iyo duco.
▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎
Wabillaahi Towfiiq.