14/08/2025
WASHINTON, D.C. – Senatorka Mareykanka ee Ted Cruz oo ka soo baxay xisb**a Jamhuuriga, lagana soo doorto gobolka Texas, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Senetka u qaabilsan Afrika iyo Siyaasadda Caafimaadka Caalamiga ah, ayaa warqad uu u diray Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku booriyay in maamulka Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland inay noqoto dal madax-bannaan.
Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa soo xigatay warqadda uu Ted Cruz uu diray maanta Madaxweyne Trump, waxaannu ku sheegay in Somaliland tahay dal si istaraataji ah u noqday dhinacyada ammaanka iyo diblomaasiyadda.
Ted Cruz wuxuu sheegay inay Somaliland ay door weyn ka geysato horumarinta danaha amniga qaranka Maraykanka ee Geeska Afrika iyo meelo ka baxsanba.
Senator Ted Cruz oo ah siyaasi caan ahi wuxuu intaas ku daray in Somaliland oo ah dal istaraatiji ahi ay ku taallo xeebta gacanka cadmeed, ee u dhow marin baddeedka ugu mashquulka badan adduunka. Waxaannu ku dooday in Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay ciidammo awood leh oo tabobaran.
Ted Cruz wuxuu bayaamiyay in Somaliland ay door shariif ah ku leedahay amnaanka gobolka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada iyo budhcad baddeeda.wuxuuna tibaaxay inay Somaliland oggolaatay furitaanka xafiiska Taiwan ee Hargeysa.
Ted Cruz wuxuu sheegay in Somaliland ay wajahayso cadaadis sii kordhaya oo uu carabaabay inuu uga imanayo dhinacyada iska soo horjeeda, taasi oo lagula dirarayo doorkeeda ahmiyadda leh ee iskaashiga Maraykanka iyo xulafadiisa.
Xildhibaan Ted Cruz wuxuu ka hadlay dagaalka Shiinuhu ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland.
"Xisb**a Shuuciga Shiinaha (CCP) ayaa u adeegsanaya cadaadis dhaqaale iyo mid diblomaasiyaddeed, si ay uga aar-gutaan taageerada Somaliland ee Taiwan iyo in ay wiiqaan xidhiidhkaas,"Ayuu yidhi Ted Cruz.
Ted Cruz wuxuu xusay inkasta oo ay khatarahaasi jiraan, haddana ay Somaliland u heellan tahay taabogelinta xidhiidh dhow oo ay la yeellato Maraykanka.
"Somaliland waxa ay si firfircoon ugu foogan tahay xoojinta iskaashi millateri, dedaallada ka hortagga argagixisada iyo iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo ay la yeellato Maraykanka.
Waxa uu sheegay si ay Somaliland wax uga qabato danahaas si waxtar u leh Maraykanka inay u baahan tahay in loo aqoonsado dal madaxbannaan.
Ted Cruz wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump inuu ictiraafo Jamhuuriyadda Somaliland.