Alaadiin azkar

Alaadiin azkar wararka calamka

Xaalada Dabka Buurta Daallo waa mid sii fidaya oo culus Alle awoodisa wayn ha inagaga damiyo.
30/06/2025

Xaalada Dabka Buurta Daallo waa mid sii fidaya oo culus Alle awoodisa wayn ha inagaga damiyo.

30/06/2025

Waxaa maanta magaalada Hargeysa, gaar ahaana Hotel Ambassador, kulan aqoon-isweydaarsiyi ugu furmay dhinacyada kala ah: Clingendael, Netherlands Institute for Multiparty Democracy (NIMD) iyo Guddida Nabadda Qaranka Somaliland.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa diiradda lagu saaraya xoojinta xirfadaha wadahadalka midho-dhalka ah, xalinta khilaafaadka, iyo dhismaha nabadda. Waxaa lagu wadaagayaa waayo-aragnimo, aqoon iyo farsamooyin casri ah oo dhanka dhexdhexaadinta iyo wada-xaajoodka ah.

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก  ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐‘๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซMadaxweynaha Jamhuuri...
30/06/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐‘๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kulan heer sare ah la qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, H.E. Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay horumarinta iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Qatar.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Qatar waxa kale oo ay ka wada hadleen Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad hoosta uga xariiqay in Somaliland ay tahay jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskeed isku maamulaysay, oo aan ka mid ahayn sooyaalkii lagu dhisayna qayb ka ahayn Maamulka Federaalka ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu carabka ku adkeeyay maqaamkeeda taariikheed, sharci iyo siyaasadeed ee Somaliland inay gebi ahaanba ka duwan tahay ta Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida ay Somaliland uga goโ€™an tahay ka-qaybgal nabadeed ee arrimaha gobalka iyo xal u helida mushkiladaha Geeska Africa

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in la macaanaynayo Biyaha Badda Soomaaliya iyo welib...
30/06/2025

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in la macaanaynayo Biyaha Badda Soomaaliya iyo weliba in guryo badda Soomaaliya ka dul dhisan doonto shanta sano ee soo socota oo dhinaca badda loo guuri doono.

Address

10
Hargeisa
4765534

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Alaadiin azkar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share