04/03/2026
Dowlada Iiraan ayaa gantaal ballistic ah ku ridey dalka Turkiga sida ay sheegeen Saraakiisha Turkigu, iyagoo sheegay iney gantaalkaasi burburiyeen isagoo maraya hawada dalalka Ciraaq iyo Suuriya ka hor inta aanu gaadhin bartilmaameedkiisa.
Turkiga ayaa ka mid ahaa dalalka aanay Iiraan weli duqeyn ee u dhow dalkaasi, iyadoo gantaalkani uu noqonayo kii ugu horeeyay ee ay Iiraan u ganto dhinaca Turkiga.