Rahma dhudi

Rahma dhudi Midigtaadu waxay xogsataa, maydha gaajada..
[Tima-cade AHN]

Hadaad i aragto anoo wuxuun sawiraya hayla yaabin ruuxda ayaan caweysin uga dhigaa waxyaabaha dabiiciga ee aan sawirayo ...
28/04/2026

Hadaad i aragto anoo wuxuun sawiraya hayla yaabin ruuxda ayaan caweysin uga dhigaa waxyaabaha dabiiciga ee aan sawirayo marka ay iga maqan yihiin waayo wax joogto ah maaha oo xilli ayay leeyihiin dhamaatood;
Dayaxa intaa uu joogo waan weheshadaa, sawirna waan kala hadhaa si aan ugu sii sugo soo laanashadiisa dambe(qurcudka inta lagu jiro). Sidoo kale bada, cadceed dhaca ama cadceed soo baxa, meelaha cagaaran, iyo waliba marka uu cirku t***n yahay ( marka ay cirka daruuro isku shareeraan ama uu rooban yahay), dhamaantood ruuxda ayaan ku sabaa -- marka ay libdhaan waxan kusii sugaa humaagyadii aan kala hadhey intuba iyagoo mobelkayga ku keydsan.

Carruurnimadu waa hibo farshaxameed!Maskaxda aadamuhu inta ay cusubtahay waxyaabo badan ayay alifaysaa, balse cid weeley...
25/04/2026

Carruurnimadu waa hibo farshaxameed!

Maskaxda aadamuhu inta ay cusubtahay waxyaabo badan ayay alifaysaa, balse cid weeleysa ubadka farshaxankooda iyo fikirkooda cajaa'ibka ayaan jirin oo cidina ma daneyso waa iska carruurnimo uunba la yidhaa!

Se anigu sawiro aan u bogeybaan maanta ku arkey ubadka Alle maskaxda haw farakeeyee.❤️

"Dadku guudka barashada Kuli wada gob weeyaan Balse gibilka hoosiyo Gunta midiba waa cayn"! Aadamaha muuqaalka guud way ...
23/04/2026

"Dadku guudka barashada
Kuli wada gob weeyaan
Balse gibilka hoosiyo
Gunta midiba waa cayn"!

Aadamaha muuqaalka guud way ka wada siman yihiin dhamaantood waxey kugu qaabilayaan waji qurux badan oo ku raali galinaya, balse intaa wixii ka hooseeya iyo ruuxduba waa jaad gooniya oo aan marnaba dusha laga daalacan karin, Alle ayaana qofwalba si xikmadeysan u abuurey waayahoodana kala duwey.

Inyaroo kaftana, ani ahaan waxa jira qoom aan fahmi waayay si kasta oo aan iskugu dayo inaan wuxuun ka fahmo haba yaraatee, waa qoomka ina rag la yidhaa, waxala waxaan ka fahmo iyo dhinac aan uraaco garan waayay amerka Illaahay--waxey diidaan iyo waxay doonanba garan maayo, wax ka baxa iyo wax galana garan maayo, xataa waan isku dayay in baadho mawduucyo ka hadlaya dabcigooda waxba iiga bixi waayay! Yaab lee waaye. Kkkk

”Dadka maanta talada hayaa, meel ay joogaan iyo magac ay huwan yihiinba, waxay ku taxan yihiin, oo aanay sinaba uga go’n...
16/04/2026

”Dadka maanta talada hayaa, meel ay joogaan iyo magac ay huwan yihiinba, waxay ku taxan yihiin, oo aanay sinaba uga go’nayn, maamulladii h**e ee lagu soo jabay. Badankoodu waa isla kuwii ilaa lixdankii inagu hor qayilayay. Xataa kuwooda aan sidaas ahayni iyaga ayey la dabci iyo dhaqan yihiin, mana leh garasho iyo doonis ay wax ku wanaajin karaan. Inta ay sidaas tahayna marnaba ma dhalan karo feker sarreeya oo kala saara qabyaaladda gaajaysan ee jaahiladda ah iyo dawladnimada marqansan ee qaaddiraysan, labadaas xaaladood oo si xun iyo si xil leh isugu murugsan. Umadda waxaa h**e u dhaqaajin karta maskax cusub oo ku hubaysan aqoon casri ah.” – Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”.

"Caashaqu wadaad maleWaalalowna kuma tagoWaan waana kala tageyWaxba hay dabiibinaWadka aan is aragnee"!Habeen san ehelko...
27/03/2026

"Caashaqu wadaad male
Waalalowna kuma tago
Waan waana kala tagey
Waxba hay dabiibina
Wadka aan is aragnee"!

Habeen san ehelkoow.❤️

22/03/2026

"Goblan aabbahay iyo wixii gabay hadey dayso
Sidii guullaheen yidhi hadey garato oo yeesho
Gayigeedu k**a xaalufeen k**ana guurteene
Aferteeda geesood markii gawrac laga beerey
Ee nabadii goof lagu ridee guudka laga saarey
Illaahay ganaaxiisu waa galabsigeeniiye
Inay samadu inay naga gaagaxdaa gar Alle weeyaane
Gugaan wayney soomaalidaay waa gefkii dhacaye."
Tima-cade Eebbe ha janneeyee.

Rabbigeen naxariisbadane, inagoo siwalba ugu gefnay hadaba taagdaradeena inaguma eegan oo wakaa inoo raxmadiisii durba inoo curiyay, Mahadoo dhan Allahayoow. ❤️

Jahliga iyo faqrigu waa laba cadow oo qofka qaba u nugleeya cadawyada kale oo dhan. Ma jiro halgan ka mudan in labadaa l...
14/03/2026

Jahliga iyo faqrigu waa laba cadow oo qofka qaba u nugleeya cadawyada kale oo dhan. Ma jiro halgan ka mudan in labadaa lala dagaallamo, mana jiro wanaag qof loo galo oo ka weyn in labadaa looga hiiliyo.

–Aanadii Negeeye Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed

"Dhalinyaro dagaalada uun haw noqonina xaabo'e, noqda kuwii dadka ku odhan lahaa joojiya" SHEEKH MUSTAFE (RC).Dhalinyaro...
01/03/2026

"Dhalinyaro dagaalada uun haw noqonina xaabo'e, noqda kuwii dadka ku odhan lahaa joojiya" SHEEKH MUSTAFE (RC).

Dhalinyaro ha noqonina goriga ay isku adeegsadaan sharwadaashu. dagaalka waxa abaabulaa waa; siyaasiyiin, odey dhaqameed, iyo kuwa qabiileysta ah, intaasi way abaabulaan uun dagaalka cida ku nafbaxdaana waa dhalinyaro! Odeyna kuma dhinto dagaalka, siyaasina kuma dhinto, ninka ladana kuma dhinto, nin aqlaani ahna kuma dhinto.

Adigu maxaad u dhimanaysaa? ma iswaysiisay waxan aad nafta u hureyso waxa dan kaaga ah? Misne ma ogtahay micnaha aad u dhimanayso?

Hadii aad dhimanayso; geeri micne leh dhimo!

Address

Hargaisa
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Rahma dhudi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share