Maal Media

Maal Media KALA SOCO DHACDOOYIN, WARAR LA HUBO IYO BARNAAMIJYO KU XIISO GELIYA

Raysal Wasaaraha dalka Ethopia ayaa maanta safar ku tegay dalka Jabuuti.Kulankan oo aan ujeedkiisa la faahfaahin ayaa ku...
11/01/2026

Raysal Wasaaraha dalka Ethopia ayaa maanta safar ku tegay dalka Jabuuti.

Kulankan oo aan ujeedkiisa la faahfaahin ayaa kusoo beegmaya xili ay dawlada Jabuuti heshiis dhanka dekedaha ah la saxiixatay Masar.

" Ma jirto Qaranimo ka horreysay tii Somaliland ee 26 - JUNE, Yaa dafiri kara waa Curadkiiye " Prof. Axmed Ismacil Samat...
10/01/2026

" Ma jirto Qaranimo ka horreysay tii Somaliland ee 26 - JUNE, Yaa dafiri kara waa Curadkiiye " Prof. Axmed Ismacil Samatar.

Dawlada Ethopia ayaa bilowday hirgelinta dhismaha garoonkii diyaaradeed ee ugu weynaa qaarada Africa, Garoonkan ayaa sid...
10/01/2026

Dawlada Ethopia ayaa bilowday hirgelinta dhismaha garoonkii diyaaradeed ee ugu weynaa qaarada Africa, Garoonkan ayaa sida la sheegay la dhamaystiri doonaa 2030-ka, Sidoo kale qiimaha lacageed ee garoonkani ku kacayo ayaa ah 12 Bilyan oo Dollar, Shaqaalaha garoonkan ka hawl geli doona marka la dhameeyo ayaa iyaguna ah 26 Kun oo shaqaale nooc walba ah, Waxa sidoo kale garoonkan adeegsan doona 270 diyaaradood halkii marba, Sidoo kale waxa la qorsheeyay in garoonkan ay sanadkiiba adeegsan doonaan 110 milyan oo Rakaab ah.

War maanta kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee soomaaliya ayay ku sheegtay inay aad uga xuntahay duqaynta soo gaadh...
10/01/2026

War maanta kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee soomaaliya ayay ku sheegtay inay aad uga xuntahay duqaynta soo gaadhay safaaradii dawlada Qatar ay ku lahayd Ukraine, Duqayntaas oo ka soo gaadhay gantaalo uu ruushku ku garaacay caasimada Kyiv ee dalka Ukraine

" Umada Soomaaliyeed waxa keliya ee ka dhexeeyaa waa Diinta, Kala Qabiil ayeynu nahay, Kala Dan ayeynu nahay, Kala Deega...
09/01/2026

" Umada Soomaaliyeed waxa keliya ee ka dhexeeyaa waa Diinta, Kala Qabiil ayeynu nahay, Kala Dan ayeynu nahay, Kala Deegaan ayeynu nahay " Xasan Sh. Maxamuud.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xili Dawlada Somaliland ay aqoonsi buuxa ka heshay dhigeeda Isra'iil, Halka dalal badan oo caalamka ahna la rajeynayo inay Somaliland aqoonsadaan.

Dawlada Somaliya iyo shacabkeeda ayaa maalmihii u danbeeyayba muujinayay nacayb, kacdoon iyo qiiro ay kaga soo horjeedaan aqoonsiga Dawlada Somaliland, Iyagoo ku andacoonaya inay isku dal, isku af, isku diin iyo isku dan yihiin.

Hadaba shacabka reer Somaliland Maxay ka fasiran karaan hadalkan?

09/01/2026

Waa wakhtigii Dawlada Somaliland ay ka qayb gelaysay aqoonsiga dawlada South Sudan.

Madaxweynihii 4-aad ee Dalka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ( AHUN )

Dawlada India ayaa war ay soo saartay caawa ku sheegtay in ay taageersantahay midnimada dhuleed ee soomaaliya.Sidoo kale...
09/01/2026

Dawlada India ayaa war ay soo saartay caawa ku sheegtay in ay taageersantahay midnimada dhuleed ee soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay dano muhiima kala dhexeeyaan dhigeeda soomaliya.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli warar badan oo isa soo tarayey maalmihii u danbeeyay ay sheegayeen in wadanka India uu diyaar u yahay aqoonsiga dalka Somaliland.

Hadaba adiga siday kuula muuqataa arrintani?

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share