23/09/2026
Shirka Qaramada Midoobay Iyo Masoud Pezeshkian
Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian oo hadal ka jeediyey shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo maalintii labaad ka socda xarunta QM ee New York ayaa si adag u eedeyey Maraykanka Iyo Israa’iil
Wuxuu sheegay in in dalkiisu “uu dhibbane u noqday argagixisannimo”, isaga oo ka jawaabaya hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Iiraaniyiinta Shacabka ku tilmaamay “argagixiso.”
Pezeshkiana, ayaa Maraykanka ku eedeeyay inuu bartilmaameedsaday hoggaamiyahoodii Ugu sareeyey Hogaanka Sarre,saynisyahanno Cilmi-baaris, iyo sidoo kale jaamacado, xarumaha caafimaadka, iskuullo Arday dhiganayeeen , isbitaallo Dad Ay Jiifeen, iyo kaabayaal muhiim ah. Wuxuu kalle Sheegay In La Dilay Caruur Kor U dhaafeysa 100 qof Oo Aan WaxpaH Galabsan
Mar uu ka hadlayey Nukliyeerka ayuu madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, sheegay in dalkiisu aanu doonayn inuu helo hubka nukliyeerka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay leedahay “xaq dabiici ah” oo ay ku yeelan karto tignoolajiyadda nukliyeerka Nabada
Isagoo sii hadlay ayuu sidoo kalle Soo hadal qaaday dalalka deriska lah Iraan, wuxuuna tilmamay in dalkiisu doonayo iskaashi lagu xaqiijinayo amniga gobolka,Iyo Khaliijka Isagoo Carabka Ku Adkeeyey In La Sameeyo Hanaan Wacan Oo Lagu Dhameyn Karro Khilaafka Carabta Iyo Irana
Abdirashiid Gees Fallow and Share 💯 🙏