VOSWO Media - Idaacadda Codka Haweenka Somaliland

  • Home
  • VOSWO Media - Idaacadda Codka Haweenka Somaliland

VOSWO Media - Idaacadda Codka Haweenka Somaliland VOSWO - Voice of Somaliland Women

13/09/2026

Falanqayn Ku Saabsan Guud Ahaan Ahmiyada ay leedahay Nabadu , Waxaa Qayb Ka Ahaa Xubno Ka Kala Socday Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada.

Som Sakristia : Voswo Media.

13/09/2026

Gudoomiyaha Golaha Guurtidda JSL mudane Muuse X Cabdi Ducaale ayaa tacsi iyo baaq nabadeed u diray beelaha walalaha ah ee ku diriraya Badhan

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox abaabulan oo lagu eedeeyay inay habeenkii u dhi...
12/09/2026

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox abaabulan oo lagu eedeeyay inay habeenkii u dhici jireen guryaha dadweynaha.

Hawlgal qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Qaybta Galbeedka Hargeysa, ayaa lagu soo qabtay eedaysanayaasha, kuwaas oo sida Boolisku sheegay si degdeg ah loogu horgeyn doono hay’adaha garsoorka.

Taliska Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin ciidammada, si loo xoojiyo amniga iyo ka hortagga falalka dembiyada.

Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay saadaasha roobabka ...
10/09/2026

Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay saadaasha roobabka xilliga Deyrta, oo ku beegan bilaha October November iyo December, iyadoo sheegtay in gobollo iyo degmooyin ka tirsan Somaliland ay heli karaan roob ka badan xaddiga caadiga ah.

Siday Wasaaradda Beeruhu shaacisay roob ka badan xaddiga caadiga ah ayaa laga filayaa deegaannada ay ka mid yihiin Saylac, Lughaya, Baki, Berbera, Sheekh, Ceel Afweyn, Oodweyne, Burco, Caynabo, Xudun, Buuhoodle iyo qeybo ka mid ah Laascaanood.

Dhinaca kale, degmooyinka Laasqoray iyo Taleex, iyo qeybo ka mid ah bariga Xudun iyo bariga Laascaanood, ayaa la filayaa inay helaan roob ku dhow xaddiga caadiga ah.

Waaxda saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeruhu waxay xustay in roob ka hooseeya xaddiga caadiga ah laga wado inay helaan Boorame, Gabiley, Hargeysa iyo qeybo ka mid ah Ceerigaabo.

Wasaaraddu waxa ay bulshada kula talisay inay ka faa’iidaystaan roobabka la filayo, gaar ahaan dhinacyada beeraha, xoolaha iyo keydinta biyaha.

Xoriyada hadalku maaha denbi ee waa xaq uu Qofku leeyahay.Ururka saxaafada haweenka ee (Wija) waxa uu  cambaaraynayaa  x...
10/09/2026

Xoriyada hadalku maaha denbi ee waa xaq uu Qofku leeyahay.
Ururka saxaafada haweenka ee (Wija) waxa uu cambaaraynayaa xadhiga lagula kacaayo Saxaafada .
Xidhigu xal maaha ee waxaa ka dhasha Xumaan iyo kala fogaansho xukuumada iyo Saxaafada,
taasoo iyana caqabad ku Noqonaysa Dimuqradiyada dalka , 48 wariye oo la xidhay in la diiwaan galiyo maaha Arin Sahlan.
Waxaanu ka Codsanaynaa Xukuumada in Hoos ha loo eego arimaha meel dheerna halaga fikiro wariyaashana xoriyadoodii losoo celiyo.

Ururka saxaafada haweenka (Wija)

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo WFP oo Ka Wada Hadlay Wareejinta Adeegyada NafaqadaWasaaradda Horumarinta Caafima...
09/09/2026

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo WFP oo Ka Wada Hadlay Wareejinta Adeegyada Nafaqada

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Hay’adda WFP ayaa yeeshay kulan ku saabsan sidii si dhamaystiran loogu wareejin lahaa Wasaaradda dhammaan adeegyada Nafaqada ee ay WFP hadda ka taageerto.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka iyo isbeddelka ka muuqda awoodda Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada maamulka, isku-dubbaridka, khibradda farsamo iyo awoodda ay u leedahay inay si hufan u maamusho una fuliso adeegyada Nafaqada ee heer xarun caafimaad iyo degmo.

Muddooyinkii h**e, WFP waxay Wasaaradda ka taageeri jirtay adeegyada Nafaqada ee qaybo ka mid ah degmooyinka dalka, halka degmooyin iyo xarumo kale ay adeegyada Nafaqada ka fulin jireen hay’ado kale. Qaabkan awgiis, masuuliyadda fulinta adeegyada Nafaqadu waxay u kala qaybsanayd Wasaaradda, WFP iyo hay’adaha kale ee taageera barnaamijka.

Iyadoo la tixgelinayo horumarka ay Wasaaraddu samaysay iyo awoodda ay hadda u leedahay inay si toos ah u maamusho xarumaha caafimaadka, shaqaalaha, adeegyada iyo hawlaha fulinta, Wasaaraddu waxay WFP u soo bandhigtay inay diyaar u tahay inay si buuxda ula wareegto dhammaan adeegyada Nafaqada ee ay WFP hadda taageerto.

Ujeeddadu waxay tahay in la xoojiyo lahaanshaha iyo hoggaaminta Wasaaradda, lana mideeyo maamulka iyo fulinta adeegyada Nafaqada, iyadoo la ilaalinayo joogtaynta iyo tayada adeegyada loo fidiyo bulshada.

Kulanka waxaa dhinaca Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada iyo Madaxa Nafaqada iyo Ilaalinta Cuntada ee heer qaran. Dhinaca WFP waxaa ka qayb galay Madaxa Nafaqada, Madaxa Adeegyada Arrimaha Bulshada iyo Ilaalinta, Madaxa Xidhiidhka Hay’adaha iyo Dowladda, iyo sii-hayaha Madaxa Mashaariicaha Guud.

Labada dhinac ayaa si faahfaahsan uga wada hadlay xaaladda hadda jirta, awoodda Wasaaradda, habka loo maamulayo adeegyada, baahida loo qabo xoojinta lahaanshaha qaranka iyo sida loo xaqiijin karo in wareejintu noqoto mid qorshaysan oo aan wax saameyn ah ku yeelan joogtaynta adeegyada Nafaqada.

Gabagabadii, dhammaan xubnihii kulanka ka qayb galay waxay isla qaateen in si dhamaystiran loogu wareejiyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka dhammaan adeegyada Nafaqada iyo

Waxaa sidoo kale la isla qaatay in geeddi-socodka wareejintu noqdo mid nidaamsan oo qorshaysan, isla markaana labada dhinac si dhow uga wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo joogtaynta adeegyada iyo in bulshada ka faa’iidaysata adeegyada Nafaqada aysan wax saameyn ah kala kulmin wareejinta.

Munaasibadda Dood Cilmiyeedka ku Saabsan Heerka Afka Hooyo Marayo.
09/09/2026

Munaasibadda Dood Cilmiyeedka ku Saabsan Heerka Afka Hooyo Marayo.

Baahinta  Fursadaha Waxbarsho ee farsamada gacanta .
08/09/2026

Baahinta Fursadaha Waxbarsho ee farsamada gacanta .

06/09/2026

“Waa markii ugu horraysay ee aynu yeelanno siyaasad iyo nidaam lagu fulinayo dabagalka iyo qiimaynta mashaariicda iyo hab-raacyada lagu xaqiijinayo hirgelintooda”

Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi
Wasiirka qorshaynta JSL

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa qaabilay hoggaanka cusub ee dhaw...
06/09/2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa qaabilay hoggaanka cusub ee dhawaan ay doorteen guddiga sare ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Kulanka, oo uu ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddu, Mudane Muuse Askar, ayaa lagaga hadlay xoojinta wada-shaqaynta Wasaaradda iyo SOLJA, horumarinta mihnadda saxaafadda iyo dardargelinta Xeerka Saxaafadda.

Wasiirka ayaa hambalyeeyey hoggaanka cusub, waxaanu ku boorriyey bahda warbaahinta inay door muuqda ka qaadato ilaalinta qaranimada, wadajirka bulshada iyo danaha guud ee Somaliland.

Address

Road No. 1

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when VOSWO Media - Idaacadda Codka Haweenka Somaliland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to VOSWO Media - Idaacadda Codka Haweenka Somaliland:

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share