17/09/2025
Warsaxaafadeed
Shaacinta Xafiiska Latalinta Haweenka ee Golaha Wakiilada JSL
Hargeysa, 17ka September 2025 – Waxaa maanta magaalada Hargeysa, Damal Hotel, lagu shaaciyey Xafiiska Latalinta Arrimaha Haweenka ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland.
Xafiiskan cusub waxa uu yahay hindise uu horseeday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray, si loo xaqiijiyo in talada iyo codka haweenka Somaliland si dhab ah uga muuqdaan go’aannada Golaha Wakiilada.
Lataliyaha Guud ee Xafiiska, Marwo Salma Cabdiraxmaan Sheikh, ayaa sheegtay in xafiisku uu diiradda saari doono:
• Abuurista iyo taageeridda Guddiga Haweenka ee Golaha Wakiilada (Women’s Parliamentary Caucus).
• Dhiirrigelinta sinnaanta iyo xuquuqda haweenka.
• Saameynta sharci dejinta ee khuseeya arrimaha haweenka.
• Xoojinta iskaashiga Golaha iyo daneeyayaasha xuquuqda haweenka.
Sidoo kale, qorshaha xafiiska ee sanadka 2027 waxa uu ku salaysan yahay:
1. Kor u qaadista ka qaybgalka haweenka ee hoggaanka siyaasadda.
2. Xoojinta isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta hay’adaha sharci dejinta.
3. Ansixinta sharciyada ilaalinaya xuquuqda haweenka ee dastuuriga ah.
4. Mideynta dadaallada dhammaan saamileyda iyo daneeyayaasha xuquuqda haweenka.
Munaasabadda lagu shaaciyey xafiiskan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday Dawladda, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida, safaaradaha, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey tallaabadan muhiimka ah isla markaana ballanqaaday in ay si buuxda ula shaqeeyaan Xafiiska Latalinta Haweenka.
DHAMMAAD