
20/05/2025
KAMID NOQOSHADA CIIDANKA MILLETRY-GA CIDKASTA WAA DANAYNAYSAA WAQTIGAN.
Shaqo kasta marka ehelkeeda loo xulo waxay samaysa so jiidasho. Kamid noqoshada ciidanka Milletry-gu waa sharaf markaad garanayso qiimihiisa, Sharcigiisa iyo wixi shaqadiisa kala gudboon oo kaliya ee aanad ahayn mid ku dhex milmaya mawjadaha siyaaseed ee is herdiyaya Dalka dhexdiisa.
Taliyaha ciidanka Milletryga Somaliland (Nimcaan yuusuf Cismaan) mudada kooban ee uu joogo waxa ciidanka ka muuqata Niyad samaan, Qurux iyo jacayl. Waxa muuqata in bulshaduu ku faraxsantahay Taliyaha da'ayarta ah ee ciidanka hogaankiisa haya. Waxaan tusaale cad ku ah Muqaalka habeenki dhawayd ee xuska 18may ee Qasriga Madaxtooyada sida ay shacabku ugu soo ururayeen iyagoo weynaynaya oo ku faraxdsan taliyaha Ciidanku helay.
Wuxu Kaga duwanyahay Taliyayaashi h**e ma ah mid Madaxweyne ag joogabee waxaa muuqata in uu inta badan ciidankiisa la qaadayano waqtiga oo shaqo uun ku jiro. Taliyaashi h**e inta badan Madaxweyne-ha uunba lagu arki jirey iyagoo garab taagan sidii oo ay yihiin (bodyguard).
Sidii loo magacaabay Taliyaha Cusub, ee ay usoo noqotay Niyad samaanti Ciidanka Qaranku waxa kor u kacday hamigiii dhalinyar badani ka lahayeen kamid noqoshada ciidanka Milletry-ga oo ah ciidanka Ugu sareeya Dalka. Waayo? Waxaa Rajo ku abuuray ninka dhalinyarada ah ee Madaxweynuhu shaqada intaa leeg u igmaday waana tariikh iyo fursad weyn oo madaxweynuhuu, ku dabooley Gar-bacas-tii da'da ahayd ee 30-kii sano ee u dambeeyey ciidanka Taladiisa joogay.
Waa wareegtadii ugu fiicnayd ee uu magacaabay Madaxweyne-ha Qaranku. Mudane Madaxweyne dhalinyarada waqti sii loo helo dawladnimo aduunka la jaan-qaada.
GENERAL Nimcaan Yusuf Cisman
Qoraa: Mohamed Ibrahim