Madasha Madaxweynaha Maanta

  • Home
  • Madasha Madaxweynaha Maanta

Madasha Madaxweynaha Maanta Halkan Waxaan Mahadnaq, Hambalyo & Bogaadin Ugu Dirayaa Dhamaan Shacabkii Codkooda Siiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxaanan Leeyahay Mahadsanidin.

Madaxweyne Biixi ayaa xilalkan magacaabay.1. In Maxamed Cilmi Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-x...
25/06/2023

Madaxweyne Biixi ayaa xilalkan magacaabay.

1. In Maxamed Cilmi Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In aan Guddomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Xasan Daahir Xaddi Abraar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Bashiir Sheekh Cumar Good laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Safiirka Dalalka Maraykanka iyo Kanada u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Tababar Usoo Xidhay Cutubyo Kamid Ah Ciidamada QarankaBerbera-18-06-2023-(Warba...
18/06/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Tababar Usoo Xidhay Cutubyo Kamid Ah Ciidamada Qaranka

Berbera-18-06-2023-(Warbaahinta Madaxtooyada JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay dufcado kamid ah ciidamada Qaranka oo muddo lagu carbinayey kulliyaddo kala duwan maantase loogu soo xidhay Kulliyadda Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne ee duleedka Waqooyi Bari ee Caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda tababarka loogu soo xidhayey ciidamadan oo ay madaxweynaha kala qayb-geleen wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada Qaranka iyo Booliska, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada qaranka kusoo biiray ee tababarka qaadatay, waxana lagula dardaarmay inay tacabkii qaranku geliyey bulshadooda ugu adeegaan.

Ugu horrayn, taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamada saaka tababarka loo xidhay iyo goobihii kala duwanaa ee ay carbiska kusoo qaateen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in qaranku tacab badan geliyey ciidamadan, loogana baahan yahay inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada maamulka Puntland kusoo qaadeen gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana aanu qaranku ka dulqaadanayn daandaansigaa dalka lagu wado.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba, waxana uu tilmaamay inay kusoo biireen ciidamo Sharaf leh oo xuquuqaha Aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ciidamada, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey tababarka u dhammaaday, waxana uu caddeeyey inay ciidanku yihiin astaan nabadeed dhaxanta iyo goobaha naf waaga u taagan sidii muwaadiniintu ugu seexan lahaayeen nabad, waxana uu yidhi,“Waxan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka ee habeen iyo maalinba u heegan inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan. Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoog weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah baynu hambalyeynaynaa.”

Madaxweynaha oo da’yarta ciidanka kusoo biirtay u sharraxaya qiimaha ciidanimadu leedahhay, ayaa waxa uu intaas ku daray,“Waxad ku abtirsanaysaa ciidanka qaranka oo ilaa intii dalkani jirey difaaciisa iyo gobonnimadiisa usoo dhimanayey oo ilaalinayey, waxad ku abtisanaysaan geesiyaashii SNM.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si kooban uga hadlay shaqaaqada ka aloosan deegaanno kamid ah gobolka Sool, waxana uu xusay inuu khilaafku yahay mid dhexyaalla gudaha bulshada reer Somaliland, isaga oo waxgaradka iyo indheergaradkana ugu baaqay in wada-hadal iyo walaaltinimo lagu dhammeeyo arrinta taagan, waxana uu yidhi,“Khilaafka reer Sool iyo Somaliland waa mid Somaliland iyo Sool ka dhexeeya, dal kastana dadka joogaa wax bay kala tirsadaan, reer Sool-na waxan leeyahay diyaar baannu u nahay inaynu walaaltinimo iyo nabad ku xallinno, khasaarena intii dhacday inoogu filane inaynu nabad ku xallinaa baan idiinku baaqayaa, wixii waxgarad ah ee nabad doonaya, qofka aan nabad doonayn ee khasaaraha kusii socdana waxan u leenahay talo ciidan oo adag oo dadka badbaadisa.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Afhayeenka M JSL

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Madaxweynaha Maanta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Madasha Madaxweynaha Maanta:

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share