Somaliland News

Somaliland News ✔Waa noo farxad inaad kamid noqoto saaxibada mareegtan Somaliland news

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda   oo war-saxaafadeed soo saaray."Laanta Dembi-baadhista iyo guud ahaan Ciidamada Boolisk...
13/06/2026

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda oo war-saxaafadeed soo saaray.

"Laanta Dembi-baadhista iyo guud ahaan Ciidamada Booliska JSL , way ka madaxbannaan yihiin, siyaasadda iyo xifaaltanka bulsho. Waajibaadkooda dastuuriga ah iyo shaqada uu sharcigu siiyeyna waa sugidda amniga qaranka, dhowrista nidaamka iyo kala dambaynta guud, ilaalinta muwaadinka naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa darajo kasta oo uu leeyahay, iyo in sharciga ay ku fuliyaan cid kasta oo khatar ku keenaysa arrimahaas.

Laanta Dembi baadhisata ee Jamhuuriyadda Somaliland (CID) xaq bay u leedahay in ay u yeedho, waraysato, haddii loo baahdana Maxkamadaha ku shaqada leh u gudbiso, cid kasta oo ku eedaysan sharci-jebin, iyo falal ama hadallo khalkhal gelinaya amniga guud, iyada oo aanay jirin wax ku qasbaya in ay qarsoodi ka dhigto, ama ay habab dadban u marto. Mana jiri karo wasiir ama masuul kale oo si toos ah CID uga dalban kara in muwaadiniinta loogu yeedho baadhis, masuulka dacwad qabaana nidaam sharci oo uu maro ayuu dalku leeyahay.

Si kastaba ha ahaato e, waxaa maalmahan soo baxay, dadyow iyaga oo aanay laanta dembi-baadhistu u yeedhin ama xidhiidh dembi-baadhiseed la yeelan, baraha bulshada ku faafinaya been-abuur ay ku andacoonayaan in CID-du ay u yeedhay, sida muwaadinka magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Seed.
Waxaa iyaduna nasiibdarro ah, in shakhsiyaad gaar ahi ay caado ka dhigteen in ay ololayaal sumcad dil iyo dano shakhsiyadeed awgood u sii faafiyaan wararkaas yeedhmada beenta ah oo ay sii buunbuuniyeen, iyaga oo aan ka hubin hay’adaha amniga ee ay khusayso.

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu ka digayaa in arrimaha ammaanka aan la dhexgelin karin danaysiga iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee la kala jiidanayo, cid kasta oo arrintaas si qaldan ama hubsiimo la’aan ah u buunbuunisana, in hay’adaha ammaanku ay xaq u leeyihiin inay ka dalbadaan caddayn sugan oo haddii ay ku guul-darraystaan ay ku mutaysanayaan tallaabo sharciga waafaqsan. "

 : Maamulaha Dugsiyada Caalami Siyaasi Cabdiraxmaan Seed, oo afka Furtay."Caawa waxa isoo wacay lanbarka talyaha Ciidama...
13/06/2026

: Maamulaha Dugsiyada Caalami Siyaasi Cabdiraxmaan Seed, oo afka Furtay.

"Caawa waxa isoo wacay lanbarka talyaha Ciidamada danbi-badhista (CID) Faysal Xiis, isagoo igu war galiyay inaan imaado xarunta. inyar kadib ayuu hadana I dhahay inaan kusoo wacay cid uma sheegi kartid.! Ana waxan dhahay waan sheegay, hadana wuxuu I dhahay sheeg xagaad joogta hadda.

Uugu danbayntii waxa la igu yidhi maxaad waydiinaysaa wasiirka Madaxtooyada.? Ana waxan idhi wasiirka hadaan xasuusiyo balan qaadkii deegankiisa ee aanu qabbanin, ma dambi baan galay.:

   “Ciidanka Booliiska   ee sida Militeriga u Tabobaran ee Loogu Talo Galay Argagixisada iyo kuwa Rabshadaha ka Hortagga...
13/06/2026

“Ciidanka Booliiska ee sida Militeriga u Tabobaran ee Loogu Talo Galay Argagixisada iyo kuwa Rabshadaha ka Hortagga Maaha inay isku Talis Noqdaan…” Guuleed Dafac

“Hab Fekerka Qaldan Bay Kow ka Tahay. Ma Waxa isku Mid ah Argagixisada iyo Mudaharaad Rabshad Wata? Marka Aad Labadaad isku Mid u Aragtid, La Yaab Maaha inaad Isticmaashid Xoog Xad Dhaaf ah.

Booliiska sida Militeriga u Tabobaran ee Loogu Talo Galay Argagixisada iyo kuwa Rabshadaha ka Hortagga Maaha inay isku Talis Noqdaan. Waa Laba Hab Feker oo iska soo Horjeedda. Haddii Aydaan Mudaharaadka u Aqoon Argagixisada.

Isbedelka Loo Baahan Yahay waa Mid Fekerka ku Saabsan…”

13/06/2026

“Reer xurmadii baa laga qaadey…” Xildhibaan Maxamed Abiib oo si adag ula hadley Madaxweynaha Jamhuuriyadda Cirro.

  “Siyaasadda    maanta joogtaa malaha qodobadan.1Gobanimo2.Ceeb3.Sharaf4.Abaal.5.Run6.Balan7.Aakhiro iyo Alle ka cabsi....
13/06/2026

“Siyaasadda maanta joogtaa malaha qodobadan.
1Gobanimo
2.Ceeb
3.Sharaf
4.Abaal.
5.Run
6.Balan
7.Aakhiro iyo Alle ka cabsi.
8.Saaxiib.
Waxa ay leedahay
1.Dan iyo muraadsi
2.Saamayn.
3.Ku guurid.
4.Ixtiraam daro.
5.Balan daro.
6.Been
Ilaawed.
Inta kalena ku sii dara.”

Abwaan Yuusuf Shaacir

  “Waxa aan ogaaday inay jiraan dhawr qof oo looga yeedhay marar kala duwan saldhig Booliis (gaar ahaan CID) kadib hadal...
13/06/2026

“Waxa aan ogaaday inay jiraan dhawr qof oo looga yeedhay marar kala duwan saldhig Booliis (gaar ahaan CID) kadib hadal ay baraha bulshada ku qoreen, gaar ahaan hadallo khuseeya Wasiirka Madaxtooyada. Waa arin ah cago-juglayn.

Ciddii looga yeedho CID hadal ay jeediyeen ama qoreen darteed, fadlan marka laguu yeedho ila soo socodsii. Waxa aynu iska kaashanaynaa inaad heshid qareen iyo in shacabku ogaado cago-juglaynta. Awooodda shacabka ayaa leh.

Madaxwaynaha waxa la gudboon inuu xakameeyo wasiiradiisa oo aan awooddiisa cid kale adeegsan isaga oo soo taagan.”

Guleed Dafac

13/06/2026

“Kuwa jooga waxaanu u sheegaynaa in aanu haysano Ciidan Cudud leh “ Wasiir Barkhad Batuun oo jawaab deg deg ah siiyey Xasan Sheekh.

  Madaxtooyadda   Oo Shirkad Gaar Ah siisay Qandaraas Malaayiin Dollar Ah.... (Xogreebnews)-Warar soo baxay ayaa  caddee...
10/06/2026

Madaxtooyadda Oo Shirkad Gaar Ah siisay Qandaraas Malaayiin Dollar Ah....

(Xogreebnews)-Warar soo baxay ayaa caddeeyey in mashruuc muhiim ah oo uu maalgelinayo World Bank,https://hornriskmanagement.com/. kaas oo la xidhiidha sahanka badqabka iyo amniga xadhigga internet-ka ee isku xidhaya dalalka Bariga Afrika, lagu wareejiyey shirkadda HRM (Horn Risk Management), iyadoo lagu eedaynayo Wasaaradda Madaxtooyada JSL inay door muuqda ku lahayd sidii qandaraaskaasi ugu dhici lahaa shirkaddaas.
Mashruucan oo lagu qiyaasay qiime u dhexeeya hal milyan illaa laba milyan oo dollar, ayaa la sheegay in si toos ah loogu xidhay shirkadda HRM, iyadoo aan loo marin hannaan tartan furan oo ay shirkadaha kale ku loolamaan. Shirkaddan oo xogteeda lagu daabacay mareegteeda internet-ka, ayaa lagu tilmaamaa inay xidhiidh dhow la leedahay xubno ka tirsan kooxda ugu awoodda badan ee talada gacanta ku haysa.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in qandaraaskan uu qayb ka yahay mashruuc ballaadhan oo World Bank doonayo inuu ku xoojiyo isku xidhka xadhkaha internet-ka ee dalalka Bariga Afrika. Mashruucan ayaa lagu sheegay inuu leeyahay ujeeddooyin la xidhiidha kobcinta kaabeyaasha isgaadhsiinta, amniga xogaha iyo horumarinta isku socodka adeegyada dijitaalka ah ee gobolka.
Dhinaca kale, falanqeeyayaal arrimahan la socda ayaa sheegaya in quwadaha reer galbeedku danaynayaan inay si dhow ula socdaan xogaha, amniga iyo dhaqdhaqaaqyada ka jira dalalka Afrika, xilli uu sii xoogaysanayo tartanka ku saabsan khayraadka dabiiciga ah iyo saamaynta juqraafiyeed ee qaaradda ee .
Mashruuca hadda la bixiyey ayaa ah wajiga koowaad ee hawlaha la xidhiidha qiimaynta amniga iyo badqabka xadhigga internet-ka. Wajiga labaad oo aan weli la bixin, ayaa lagu balaadhin doonaa kaabeyaasha xadhigga internet-ka ee hadda ka shaqeeya , kuwaas oo ay iska kaashadaan shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka hawlgala iyo .
Xadhigga internet-ka ee hadda isticmaasho ayaa ka yimaadda dalka isaga oo ku xidhan shabakadaha waaweyn ee mara badaha caalamka. Mashruuca cusub ayaa la filayaa inuu kordhiyo awoodda iyo tayada adeegyada internet-ka ee gobolka.
Sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha mashruucan, wejiyadii h**e ee qorshahan ee laga hirgeliyey Soomaaliya waxaa lagu wareejiyey shirkado kale oo ku guulaystay hannaan qandaraasyo kala duwan. Hase yeeshee, ayaa lagu eedaynayaa in shirkadda HRM loogu xushay sababo la xidhiidha saamayn siyaasadeed iyo dano gaar ah oo ay leeyihiin xubno ku dhow xarunta talada dalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in mashruucani muddo ku dhow laba sannadood uu hakad ku jiray, iyadoo caqabado badan oo dhinaca maamulka iyo go'aan qaadashada ahi dib u dhigeen hirgelintiisa. Qaar ka mid ah dadka arrimahaasi xogogaalka u ah ayaa aaminsan in qandaraaska HRM loo siiyey si looga gudbo caqabadahaasi loona dedejiyo fulinta mashruuca.
Dhaliilaha ugu badan ayaa ku wajahan habka loo maareeyo mashaariicda deeqaha ku salaysan ee laga hirgeliyo. Dadka dhaliilaya nidaamkan ayaa ku doodaya in marar badan mashaariicda horumarineed ay noqdaan kuwo ku xidhma danaha kooxaha siyaasadeed ee awoodda haya, taas oo keenta in shirkado gaar ahi si joogto ah uga faa'iidaystaan fursadaha maalgashi iyo qandaraasyada waaweyn.
Arrintan ayaa dib u soo noolaynaysa doodihii la xidhiidhay hufnaanta, isla xisaabtanka iyo cadaaladda qandaraasyada mashaariicda horumarineed ee lagu maalgeliyo dhaqaalaha caalamiga ah, iyadoo shacabka iyo daneeyayaasha horumarku isha ku hayaan sida ay hay'adaha maalgeliyeyaashu uga jawaabi doonaan eedaha la xidhiidha habka loo bixiyey qandaraaskan.

09/06/2026

: Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka oo La Ilmaynaaya Tacadi uu Sheega Naayo.

09/06/2026

Ehelka Maxaabista Ku Xidhan Magaalada oo Ka Dareen Hadlay Xaaladda ay ku Sugan Yihiin Maxaabiistii

Address

Hargeisa
Hargeysa
00000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share