Runway media

Runway media halkaan adiga ayaa leh quruxso follow nagu sharaf mahadsanid Runway media. (لا تقنطوا من رحمة اللله.

21/07/2026

Afhayeenka isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga, Jen. Turki Al-Maaliki ayaa isagoo ka jawaabaya go’aankii ay maanta soo saareen Xuutiyiinta oo sheegay inay xannibaad ku soo rogeen maraakiibta ku socota Sacuudiga , ayaa yiri;

"Waxaan difaaci doonaa maraakiibtayada ganacsi ee maraya Marinka Bab Al-Mandab, waxaana si adag oo xoog leh uga jawaabi doonaa meel kasta oo laga soo abaabulo khataraha nagu soo wajahan."

20/07/2026

Dowladda Federaalka iyo Mucaaridka ayaa maanta ku kala kacay wada-hadallo ay Beesha-caalamku dhexdhexaadisey oo ka qabsoomay xayndaabka garoonka Muqdisho; Beesha-caalamka ayaa la tibaaxayaa in ay hadda qorshaynayso in keento nooc doorasho oo dhexdhexaad ah oo isku-daraya noocyada doorasho ee DFS iyo mucaaridka GMS, NN & Golaha Midnimo-qaran.

Dowladda Federaalka iyo Mucaaridka ayaa maanta ku kala kacay wada-hadallo ay Beesha-caalamku dhexdhexaadisey oo ka qabso...
20/07/2026

Dowladda Federaalka iyo Mucaaridka ayaa maanta ku kala kacay wada-hadallo ay Beesha-caalamku dhexdhexaadisey oo ka qabsoomay xayndaabka garoonka Muqdisho; iyada oo DFS ku adkaysatay doorasho toos ah oo ku saleysan xisbiyo, halka Golaha Mustaqbalkana ay difaacdeen hanaankooda doorasho toos ah ee ku saleysan hab-beeleedka 4.5, golahan ayaa si adag uga horyimid; doorashooyinka DFS ka waddo Maamul-goboleedyada, taas oo mas'uuliyiinta federaalku diideen in laga hadlo.

Beesha-caalamka ayaa la tibaaxay in ay hadda qorshaynayso in keento nooc doorasho oo dhexdhexaad ah oo isku-daraya noocyada doorasho ee DFS iyo mucaaridka GMS, NN & Golaha Midnimo-qaran.

DFS & garabyada mucaaridka ayaa isku waafaqsan doorashada tooska ah, bale waxa laysku hayaa; Ma xisbi lagu geli mise hab-beeleed 4.5, ma hal guddi ayaa maamuli mise laba guddi — waxa lagu filayaa in Beesha-caalamku keenayso hannaan doorasho toos ah oo leh, hal guddi oo isku dhafan, kuna dhacda waqti kooban.

•Source

19/07/2026

C/Cabdiashakur Warsame; “Guul uu Xasan Sheekh gaaray majirto hadaan maanta Xalane fadhino, gacmahana K**a laabanayno hadii ay wadahadaladu fashilmaan".

18/07/2026

CCWarsame; "Farmaajo doodeena ayuu daciifinaa sidaa darteed ma rabno in uu nagusoo biiro qof doodeena daciifinaya oo la leeyahay adba shalay ayaad sidaan sameysay"

18/07/2026

"Fahiima Quuje waxay cadow ku tahay Waqooyi Bari"Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari

Xukuumadda Puntland iyo ganacsatada ayaa heshiis ka gaadhay ismari-waagii cashuureed ee xidhay dekedda & ganacsiyada Boo...
18/07/2026

Xukuumadda Puntland iyo ganacsatada ayaa heshiis ka gaadhay ismari-waagii cashuureed ee xidhay dekedda & ganacsiyada Boosaaso, iyada oo labada dhinac sheegeen in mid kasta sameeyey tanaasul.

Dowladda ayaa qiima-dhimis ku samaysay khidmadda dekedda ee shirkadda DP-world [Halkii MT oo ahaa $8 ayaa kolkan laga dhigey $5], waxa kale oo la xusey in dowladdu dhimayso cashuuraha alaabaha quutul-daruuriga.

Tallaabadan ayaa maantaba dib u furtay dekedda & suuqyada xarunta ganacsiga ee Boosaaso, waxa se lays weydiinayaa in ganacasatadu dhimayso qiimaha badeecadaha kacay iyo in kale.

Bulshada Rayidka oo soo dhoweysey is-afgaradka labada dhinac ayaa ku boorrisey in aan dadka lagu kicin maciishadda: "Punsaa waxay ugu baaqaysaa Dowladda iyo Ganacsatada inay mudnaan siiyaan taageerada bulshada nugul si loo yareeyo saameynta dhaqaale ee soo wajahay; Sidoo kale, PUNSAA waxay adkaynaysaa in qiimaha badeecaduhu noqdaan kuwo la awoodi karo, gaar ahaan xilligan adag ee ay soo noqnoqdeen abaaraha oo saamayn taban ku yeeshay reer miyiga." — Warsaxaafadeedka PUNSAA PL.

Madaxweyne Deni ayaa go'aanka hirgelinta khidmadda Dekedda difaacay todobaadkan, inkasta oo si weyn looga horyimid, haddana waxa ay ku idlaatay go'aankiisii.

•Xigasho

18/07/2026

Maamulka Woqooyibari ayaa dacwad ku oogaya Fahiima Quuje oo u goosatay Somaliland.

17/07/2026

10 dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Montenegro, ayaa oggaaday inay Israa’iiliyiin soo booqdeen magaaladooda Budva, isla markii ay oggaadeen waxay weerarreen Israa’iiliyiinta , kuwaasoo qaarkood miyir beelay, kuwa kalena waxaa jabay daanka iyo qaybo lafahooda ka mid ah. Intii uu weerarku socday, dhalinyaradu waxay ku dhawaaqayeen ereyada ah: Falastiin way xoroobi doontaa, sida ay werisay Al Jazeera.

17/07/2026

Mudug puntland: Waxa qisaas lagu fuliyey AUH Ibraahim Axmed oo lagu heley dilka AUH Taliyihii Jarriiban, Hal maalin k**a soo wareegan inuu cadaalad helo Taliyihii Jarriiban.

Address

Hargeysa
Hargeisa

Telephone

+252618372385

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Runway media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Runway media:

Shortcuts

Share

Category