
05/04/2025
Alle ha unaxariisto Nuur Maxamed Gaaboow " Nuur Fareey " Taliyihii Guutada 14 October ayaa la dilay xilli la sheegay in uu la hadlayay Ciidamo Feyl ku jiray.
Nuur Fareey ayaa muddo ujoogay Shabeellada hoose dagaalka AS.
Dilkaan ayaa la wariyay in uu geystay mid ka mid ah Askartiisa lamana sheegin sababta arrintaas ka dambaysay.
Dadka qaar ayaa tilmaamaya in la qabtay Askariga falkaas ka dambeeyay halka dadka kalena ay sheegayaan in la toogtay Askarigaas.