01/09/2026
Owrkacsiga beenta ku dhisan hala joojiyo.
Indhacade waa muwaadin Soomaaliyeed, Baydhabo wuu imaan karaa, wuu ku noolaan karaa, intuu doono ayuu joogi karaa. Qof Soomaaliyeed looma diidi karo magaalo Soomaaliyeed.
Haddii Indhacade Baydhabo tagay, su’aasha ah “Muxuu Baydhabo u yimid?” lafteedu waa qalad. Baydhabo ma aha meel qof gaar ah leeyahay, mana aha deegaan laga mamnuuci karo muwaadin Soomaaliyeed.
Waxaa intaas dheer, toddobadii sano ee lasoo dhaafay, qandaraasyadii ugu badnaa ee Koonfur Galbeed waxaa helay dad ka soo jeeda beelo kala duwan, oo ay ku jiraan Mariixaan. Qaar ka mid ah qandaraasyadaas waxay dhaafeen hal milyan oo dollar. Xitaa xildhibaano iyo xilal dowladeed ayaa loo magacaabay, mana la oran Kuwaasi ma aha dad Koonfur Galbeed ah.” Sababtu waxay ahayd inay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.
Markii shaqooyinka iyo fursadaha Koonfur Galbeed loo qeybinayay dad aan deegaanka u dhalan, mala oran waxba. dadkii Bakaaraheena gubey, dad dilay, meydadna isku xiray oo xabaalo wadareed ka sameeyay, maalin keliya ma aynaan dhihin: “Dadkii waxaas sameeyay waa hebel oo sidaas darteed looma oggola inay halkan yimaadaan oo shaqo laga siiyo.
Soomaali isma dhaanto way is dishay, way is laysay, laakiin maanta waa laisku dhex nool yahay, waana in laga gudbaa colaadihii iyo xusuustii dhiigga ee h**e.
Waa Owrkaacsi in qof Soomaaliyeedna in lagu yiraahdo “Baydhabo muxuu u yimid?”
Waa laga soo gudbey maalmihii madoobaa ee xaafadaha qabiilada ukala xirnaayeen, Dowladnimadu waxay ku dhisan tahay muwaadinimo, sinaan iyo in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu dalka gudihiisa ku noolaado, ku shaqeysto, kuna safro.
Gen. Indhocade meel kasta oo dhulka Soomaaliyeed ka mid ah ayuu tagi kara bilaa sharuud.