RADIO HEALS

RADIO HEALS Radio Heals Waa Idaacad Madaxbanaan kana shaqeysa Baahinta Arimaha Bulshada
La Aas Aasay 20/06/2019. jowhar

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, Maxamed Ba...
18/05/2025

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka, Maxamed Baari Shire, ayaa kormeer ku tagay aagga laga dhisayo dekedda cusub ee dhoofka xoolaha iyo maxjarka casriga ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in dekaddan cusub, oo mustaqbalka laga hirgelinayo bariga dekedda weyn ee Boosaaso, ay noqon doonto xarun istiraatiiji ah oo xoolaha nool looga dhoofiyo Puntland, taas oo si weyn u kordhin doonta dakhliga gobolka, abuuri doonta fursado shaqo, islamarkaana xoojin doonta koboca dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, maxjarka cusub oo dhawaan xariga laga jari doono, oo ah xarun casri ah oo lagu baaro, daryeelo laguna naaxiyo xoolaha kahor dhoofkooda, ayaa door weyn ka qaadan doona hubinta tayada xoolaha loo dhoofinayo suuqyada caalamiga ah, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida beesha caalamka ee xoolaha Puntland.

XIGASHO PUNTLAND POST

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska dhexe ee Garoo...
18/05/2025

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska dhexe ee Garoowe mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobey oo u qaabilsan dhawrista Xuquuqda Aadanaha.

Warbixin uu soo saaray Xafiiska Difaacaha Xuquuuqda Aadanaha Puntland ayuu ku sheegay in mas’uuliyiinta Qaramada Midoobey uu hoggaaminayay u qaybsanaha Qaramada Midoobay ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Mr. Ben Saul.

“Kulankaas waxaa looga wada hadlay raadinta xaqiiqooyinka xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha, xadgudubyada xuquuqda aadanaha, la-dagaallanka argagixisada, saamaynta xasilooni darrada iyo barakaca bulshada goobaha dagaalkada” ayaa lagu warbixinta Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland.

Saraakiisha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha waxay ka warbixiyeen xaaladda guud ee xuquuqda aadanaha Puntland, doorka xafiisku ka qaatay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Puntland, qorshayaasha iyo waxyaabaha la gaaray, xiriirka wadashaqayneed ee hay’addaha dawladda Puntland, iyo talooyin ku aaddan xoojinta kor-joogtaynta iyo iskaashiga bahwadaagta xuquuqda aadanaha.

Beeraleyda Puntland ayaa wajahaya khasaare ba’an oo gaaraya 89% tacabkoodii qudaarta, gaar ahaan basasha oo ahayd dalagg...
18/05/2025

Beeraleyda Puntland ayaa wajahaya khasaare ba’an oo gaaraya 89% tacabkoodii qudaarta, gaar ahaan basasha oo ahayd dalagga ay si weyn ugu tiirsanaayeen kana heli jireen dakhliga ugu badan oo ay ku maareeyaan kharashaadka beertooda.

Qiimaha basasha ayaa hoos u dhacay si aan h**ey loo arag, iyadoo halkii kiilo oo basasha ah oo h**ey ugu kacaysay $0.7 ilaa $1.2 ay hadda gaartay $0.25 ilaa $0.35. Hoos u dhacaas degdegga ah ayaa si toos ah u saameeyay dakhliga beeraleyda, kuwaas oo wakhtigan la daalaa dhacaya in ay iska bixiyaan kharashaadka beertooda iyo daymaha lagu leeyahay.

Beeraleydu waxay sheegeen in sababta ugu weyn ee xaaladdan ay tahay basasha ka timaada Yemen oo si baahsan ugu soo qulqulaysa Puntland, gaar ahaan dekedda Bosaso oo ah meesha ugu dhaw ee ganacsatada Yemen isticmaalaan.

Arrintan ayaa timid kadib markii Yemen laga mamnuucay in ay basasha u dhoofiso suuqyadii waaweynaa ee ay ku tiirsanayd sida Sucuudiga, Oman iyo Imaaraadka Carabta, taasoo keentay in basashii Yemen loo leexiyo Soomaaliya.

Resources puntland post

DG Galmudug oo $30,000 ku abaalmarisay Xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee Koobka ku guulaystay.Madaxda Sare ee Dowlad-...
07/02/2024

DG Galmudug oo $30,000 ku abaalmarisay Xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee Koobka ku guulaystay.
Madaxda Sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa xaflad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxa ay ku abaalmariyeen Ciyaartoyda, Macalinka, kaaliyeyaashii la shaqeeyay & dhammaan xubnihii qaybta ka ahaa xulka metalayay Dowlad-Goboleedkaas ee ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2023 ee Muqdisho ka dhacay.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo dhinacyadiisa ay taagan yihiin ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu ku wareejiyay jeegga lacagta abaalmarinta xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee gacanta ku dhigay koobkii ay tartanka adag u galeen.
Axmed Qoor-Qoor ayaa ciyaartoyda, Macallinka iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa in Ciyaartoyda Metalaysa Dowlad-Goboleedka Galmudug waxa uu ku bogaadiyay kaalintii firfircooneed oo ay isu dhiirrageliyeen taasi oo ugu dambayn u fududeysay in ay koobka ay ka dejiyaan Magaalada Dhuusamareeb.
Xulka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadka 2023 waxa ay ciyaartii ugu dambaysay gool ku laad uga qaadayn dhiggooda Hir-Shabeelle waxaana ay sidaas kusoo galeen Dowlad-Goboleedyada ku guulaystay Koobaan.

RADIO HEALS

iyaga Oo ka Duulaya Xaalada Xanuun Ee Shuban biyoodka ka dilaacay Degmada Xawaadley Ee Gobolka Shabellahd Dhexe ayaa wax...
03/02/2024

iyaga Oo ka Duulaya Xaalada Xanuun Ee Shuban biyoodka ka dilaacay Degmada Xawaadley Ee Gobolka Shabellahd Dhexe ayaa waxay Gurmad ka kooban Filimbooyin iyo Keniin kala duwan oo lagula Tacaalo Xanuunka Shuban Biyoodka waxay Gaarsiyeen Bukaanada ku sugan degmada Xawaadley.

Urarka Dhalinyarada Ee (Madasha Hormarinta Beesha Waaqbiyo) ayaa Gurmadkani Dowada ah Gaarsiiyay Bukaanada la il-daran Xanuunka Shuban Biyoodka Ee Dhawaan ka Dilaacay Degmada Xawaadley.

Malaha Degmada Xawaadley Wax Xarun Caafimaad ah isla markaasina lagula Tacaalo Xanuunada sida shuban biyoodka.

WARQABADKA RADIO HEALS

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowlada Hir-shabelle Cabdullhi Maxmuud Gacal, oo ay Wehliyaan Xeer-i...
03/02/2024

Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dowlada Hir-shabelle Cabdullhi Maxmuud Gacal, oo ay Wehliyaan Xeer-ilaaliyaha guud ee Hir-Shabelle, Garyaqaan Garaad Axmed Cadow, iyo Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Garsoorka, Cabdifitax Cabduqadir Cadow ayaa gaaray Degmada Aadan Yabaal Ee Gobalka Shabellaha dhexe.
Waxaana Soo Dhoweyay Mas'uuliyiintaan Maamulka Degmada Aadan Yabaal hey'adaha Amniga' iyo Waliba Bulshada Qeybaheeda kala duwan.
Ujeedka Wafdigaan ayaa ahaa Daah-furka Maxkamadda Degmada Aadan Yabaal iyo Howlgalinta Garsoorka Degmadaas.
Soo dhoweynta kadib Mas'uuliyiintaan oo Gudaha Maxkamadda kula hadlay bulsha Weynta Degmada Aadan Yabaal ayaa uga mahadceliyey Soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay.
dhankooda Waxa ay balan qaadeen in ay Si Wanagsan ula shaqeyn doonan Bahda Garsoorka Cusub ee Degmada Aadan Yabaal.

WARQABADKA RADIO HEALS

Qoyska marxuumad Luul Cabdi Casiis (Luul Jazeera) ayaa sheegay ineysan aasi doonin meydka gabadhooda inta laga soo qaban...
03/02/2024

Qoyska marxuumad Luul Cabdi Casiis (Luul Jazeera) ayaa sheegay ineysan aasi doonin meydka gabadhooda inta laga soo qabanayo gacan ku dhiiglaha iyada oo Nool Gubay.
Marxuumad Luul Cabdi Casiis (Luul Jazeera) oo eheyd hooyo leh uur lix bilood ah waxaa dab qabad siiyay seygeeda oo lagu magacaabo Sayid Cali Macalin Daa’uud, kaasoo ilaa hada aan lasoo qaba.
Arrinta kale ee xanuunka leh ayaa ah in AHUN Luul ay sidoo kale korsaneysay Lix Caruur ah oo agooman ah.
Adeerada Luul oo warbaahinta kula hadlay gudaha Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho waxa ay dalbadeen in gacan ku dhiiglaha oo isla Muqdisho lagu qarinayo cadaalada La horkeeno, hadii taasi aysan Dhicinna la aasi doonin meydka.
Si kastaba, Siyaasiyiin waaweyn iyo bulshada qeybeheeda kale duwan ayaa ka carooday falkan, iyagoo taageero u muujiyay qoyska marxuumad Luul Cabdi Casiis (Luul Jazeera).

WARQABADKA RADIO HEALS

Inta la og yahay Labo Qof ayaa dhintay mid kalena waa lagu waayey kadib markii markab ay la socdeen tahriibayaal uu ku q...
31/01/2024

Inta la og yahay Labo Qof ayaa dhintay mid kalena waa lagu waayey kadib markii markab ay la socdeen tahriibayaal uu ku qalibmay Badda Giriiga.
Booliska ayaa sheegay in 57 qof sidoo kale lagu bad baadiyey howlgal ay sameeyeen bad maaxiyiin si deg deg ah usameeyey gurmad.
Safarka Muhaajiriintaasi kasoo baxay Turkiga kuna wajahnaa Giriiga ayaa waxa la sheegay 29-kii ilaa 30-kii Janaayo 2024-ka ay markabka la socdeen balse xilli habeen ah iyagoo maraya halka loo yaqaano aagga Mandamo uu shilka ku dhacay.
Ma jirto faah faahino badan oo la bixiyey balse booliska Giriiga waxay sheegeen in 57 qof ee tahriibayaasha la bad baadiyey la saaray Doon kuwaasi oo la geeyey xerada Qaxootiga Jaziirada Le**os sida ay ku warantay Wakaalada Wararak AMNA.
Sanad kasta boqolaal kun qof oo nolol raadis u ah Qaarada Yurub ayaa marin waxay ka dhigtaan badweynta Udhaxeysa Giriiga ilaa Turkiga qaarkood ayaana halistaas ay ubareereen naftooda ku waayey.

Warqabadka RADIO HEALS

Dabaal deg weyn ayaa laga dareemayaa magaalooyin ku yaalla Dalka Koonfur Africa kadib ciyaartii xalay ay usoo gudbeen wa...
31/01/2024

Dabaal deg weyn ayaa laga dareemayaa magaalooyin ku yaalla Dalka Koonfur Africa kadib ciyaartii xalay ay usoo gudbeen wareega sideed dhamaadka Koobka Qaramada Qaarada Africa AFCON 2024-ka ee ka socda Dalka Ivory cost.
Xulka Kubada Cagta Bafana bafana ayaa 2-0 kaga adkaaday Dalka Morocco oo ka mid ahaa kuwa loo saadaalinayey koobka balse ay iskaga hareen Xalay kadib guuldarada dhabarka loo saaray.
Kumanaa Taageerayaall ah ayaa ku damaashaadayey Xalay markii guushaasi la gaaray ilaa maanta Gobollada 9-ka Ee Dalka South Africa,sanadkaana Xulka Bafana bafana waxay awood ahaan umuuqdaan kuwo dab yar aan shidi doono.
Koobka AFCON waxa sanadkaan laga reebay xulal waa weyn oo ay ka mid yihiin Senegal oo koobka difaacan rabtay balse habeen h**e gool ku laad looga cirib tiray,Masar,Algeria,Cameroon & Ghana.
Sanadkaan Koobka waxa Soomaaliya xiiso uleh in garsoore Cumar C/qaadir Cartan oo 31 jir ah qeyb ka yahay Albiitarayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha,kaasi oo kasoo muuqday dhowr kulan oo waa weyn inta tartanka uu socdo.

Warqabadka RADIO HEALS

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Hirshabelle Mudane Xildhibaan Mohamed Faarax oo Ay Wahlinayaan Wasiir ku...
31/01/2024

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Hirshabelle Mudane Xildhibaan Mohamed Faarax oo Ay Wahlinayaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle.
Ayaa kormeer ku sameeyay dhamaan Xafiisyada iskaashatooyinka Beeraleeyda ay ku leeyihiin Magaalada Jowhar Kuwaas oo horay loosiiyay agab Xafiiseed Si 'ay ugu shaqeyaan Beeraaleeyda Jowhar iyo Nawaaxigeeda.
Masuuliyiintani ayaa kulamo kala duwan la qaatay Shan xubnood oo ay Soo Xushteen Iskaashatada Beeraaleeyda. Waxayna kawada hadleen arimo dhowr ah oo ay ku hormarinayaan Wax soo saarka Beeraha.

Warqabadka RADIO HEALS

22/04/2023

SHIRKADDA ISGAARSIINTA SOMTEL OO TAABA GELLISAY BARNAAMIJKA DAMAASHAADKA CIIDA EE RADIO HEALS...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasrig...
11/04/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres oo booqasho taariikhi ah ku yimi dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ayaa ka arrinsaday aayaha iskaashiga labada dhinac, qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay tahay in gargaarka iyo waxqabadka Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya ay xoogga saaraan, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

“Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go’an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka. Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres booqashadan uu ku yimid dalkeenna, waxa uuna ka rajeeyey in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago gaaridda hiigsigooda ku aaddan Soomaaliya horumarsan, xasilloon, door wanaagsanna ka qaadata Gobolka.

Dhankiisa, Xogahaye António Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.

Address


Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RADIO HEALS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to RADIO HEALS:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share