Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle

  • Home
  • Somalia
  • Jowhar
  • Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle BOGGA RASMIGA EE WASAARADDA HOWLAHA GUUD, DIB-U-DHISKA IYO GURYEYNTA HIRSHABELLE

25/11/2025

Kormeerka Wasiirka Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise uu ku sameeyay dhismaha wadooyinka Magaalada Jowhar oo si habsami leh u socdaano.

WASIIRKA WASAARADDA HOWLAHA GUUD DIB-U-DHISKA IYO GURIYEYNTA OO MAANTA KULAN KU SAABSAB DAR-DARGELINTA DHISMAHA WADOOYIN...
24/11/2025

WASIIRKA WASAARADDA HOWLAHA GUUD DIB-U-DHISKA IYO GURIYEYNTA OO MAANTA KULAN KU SAABSAB DAR-DARGELINTA DHISMAHA WADOOYINKA MAGAALADA JOWHAR LAQAATAY INJINEERADA, MADAXDA SHIRKADDA DHISMAHA, MAAMULKA DEGMADA IYO ODIYAASHA DHAQANKA MAGAALADA.

Jowhar- 24 - November- 2025 - Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Injineerada, madaxda Shirkada dhismaha gacanta ku heyso wadooyinka Magaalada, Maamulka Degmada iyo odiyaasha dhaqanka magaalada wuxuuna kala hadlay dar-dargelinta dhismaha wadooyinka Magaalada Jowhar.

Ugu horeyn Wasiirka ayaa warbixino ka dhageeystay Injineerada shirkada dhismaha wadooyinka gacanta ku heysa ee Adeegsan Construction waxayna ka warbixiyeen qaabka dhismaha ay u wadaan.

Wasiirka ayaa kala hadlay Injineerada iyo madaxda shirkada in laga taxadaro goobaha biyo mareenada lana marsiiyo goobaha u asteysan.

Intaas kadib Wasiirka ayaa kormeer ku tagay goobaha ay ka socoto shaqada dhismaha wuxuna ku adkeeyay in shaqada lagu qabto waqtiga loogu talagalay.

DHAMAAD

13/11/2025

Hadal-jeedinta Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Mudane Maxamuud Xasan Bariisa ee madasha soo bandhigista Naqshadaha guryeynta casriga ah ee baraka-cayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle oo Magaalada Muqdisho uga qaybgalay K...
11/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle oo Magaalada Muqdisho uga qaybgalay Kulanka Soo bandhigidda Naqshadaha Guryeynta Casriga ah ee Barakaca-yaasha Soomaaliyeed ee danyarta ah.

Muqdisho: 11, November -2025: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dawladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa Muqdisho kaga qayb-galay kulan lagu soo bandhigayay naqshadaha ugu danbeeya ee xalalka hoyga waara ee gudaha Soomaaliya (Homegrown, Sustainable and Scalable Shelter Solutions - Final Design Solutions), oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta XFS.

Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay naqshado iyo qorshayaal dhismeed oo si gaar ah loogu talagalay qoyska
barakaca Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinaayo dhaqanka, adkeysiga dhismayaasha, iyo badqabka qoyska.

Ujeeddada barnaamijku waa in la dhiso 20,000 guri oo waara, kuwaas oo lagu dhisi doono qalab iyo agab laga soo saaray gudaha dalka, si loo dhiirrigeliyo isticmaalka waxsoosaarka gudaha iyo horumarinta xirfadaha dhismaha ee maxalliga ah.

Bandhiga naqshadaha ayaa ka koobnaa sagaal naqshadood, waxaana ugu dambeyntii la doortay saddex naqshadood oo ugu habboonaa, iyadoo la fiiruyay cimilada, dhaqanka, dhowrsanaanta qoyska, iyo qiimaha dhismaha.

Gabagabadii, injineeradii guuleystay ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin, halka khubarada caalamiga ah ee ka qeyb qaadatay naqshadeynta iyo horumarinta barnaamijkan lagu ammaanay kaalintooda muuqata ee tayeynta mashruucaan.


𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

05/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa maanta Kormeer iyo indha-indheyn ku sameeyay Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Beledweyne oo dib-u-dhis balaaran ka socda.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa ma...
05/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa maanta Kormeer iyo indha-indheyn ku sameeyay Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Beledweyne oo dib-u-dhis balaaran ka socda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Warbixino ka Dhageystey Injineerada Wada Howsha dhisamaha Wadooyinka sida PIU-da iyo shirkadaha howsha dhismaha gacanta ku haaya.

Maxamuud Xasan Bariise Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ayaa kula dardaaramey Injineerada inay ka Fogaadaan dhismo liita kuna dhiirageliyay inay iska xoojiyaan tayada Wadooyinka Dhismahooda.

DHAMAAD

04/11/2025

Hadal-jeedinta Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariisa ee dhismaha Wadada Laamiga ah ee Dowladda Hirshabelle ka dhistay Xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne.

03/11/2025

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa Magaalada Baladweyne maanta kaga qeyb galay wareejinta mashaariic dhismooyin dhaxal-gal ah oo Dowladda Hirshabeelle ka hirgelisay Magaalada Beledweyne.

Dhismooyinka ayaa ka kooban dhismaha xarumaha Caafimaadka Xaawo Taako, Siigaalow, iyo wadada far-libaax, oo dhamaantood si-casri ah loo dhisay.

Wasiirka Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle oo ka qeyb galay shirka dib-u-eegista Mashruuca N...
29/10/2025

Wasiirka Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle oo ka qeyb galay shirka dib-u-eegista Mashruuca NAGAAD.

Nairobi| 29, october -2025 - Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa Magaalada Nairobi kaga qeyb galay shirka dib-u-eegista waxqabadka Mashruuca Nagaad, oo ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee lagu horumarinaayo Magaalooyinka, Beledweyne, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Garawe, iyo Dhuusa-mareeb.

Intii uu shirka socday, waxaa lagu soo bandhigay guulo muuqda iyo waxqabadyo la taaban karo, kuwaas oo ay si weyn u bogaadiyeen dhammaan ka-qaybgalayaasha shirka.

Shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay hab-sami u socodka dhismaha wadooyinka Magaalada Beledweyne, Mayar-ka Magaalada Beledweyne Nadar Tabah Maalin ayaa shirka qeyb ka aheeyd waxayna sigaar ah ugu warbixisay sida ay u socoto shaqada dhismaha wadooyinka Magaalada Beledweyne iyo guulaha lagaaray.

Dhamaad

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudl...
19/10/2025

Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa shirka ka soo jeediyay warbixn ku saabsan shaqooyinka Wasaradda.

Ugu horeeyn Wasiirka ayaa ka warbxiyay dhismayaasha wadooyinka Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweeyne.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay mashaariicda dhismaha ee guud ahaan Hirshabeelle ka socda iyo kuwa qorsheeysan.

Dhamaad

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa He...
18/10/2025

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hey’adda UNSOS u qaabilsan Hirshabeelle.

Jowhar-18- October -2025: Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa kulan muhiim ah oo lagaga hadlay Arrimaha horumarinta Dib-udhiska laqaatay madaxa Hay'adda UNSOS uqaabilsan Hirshabeelle Ms. Adja Sakho kulanka ayaa ahaa mid xooga lagusaaray sidii wada shaqeeyn buuxda iyo is kaashi dhab ah u dhex mari lahaa Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle iyo Hay’adda UNSOS.

Gaba-gabadii kulanka ayaa ku soo dhamadaay is afgarag waxaana lagu balamay wadashaqeeyn dhab ah.

Wasiirka ayaa kaga mahadceliyay madaxda Hay’adda UNSOS u qaabilsan Hirshabeelle Ms. Adja Sakho sida ay ugu muujisay garab istaaga weyn Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle.

Dhamaad

DAAH-FURKA QORSHAHA HORUMARINTA 2-aad EE DOWLADDA HIRSHABEELLE, STATE DEVELOPMENT PLAN ( SDP ) Jowhar, 15-Oktoobar-2025:...
15/10/2025

DAAH-FURKA QORSHAHA HORUMARINTA 2-aad EE DOWLADDA HIRSHABEELLE, STATE DEVELOPMENT PLAN ( SDP )

Jowhar, 15-Oktoobar-2025: Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-udhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Maxamuud Xasan Bariise ayaa maanta ka qeyb galay kulanka daah-furka State Development plan ( SDP ) oo maanta si rasmi ah u daah-furay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle, Maamulka Gobalka Shabeellada Dhexe, Duqa Caasimada Jowhar iyo qeybaha kala duwan Ee bulshada Rayidka.

Qorshahaan oo ah qorshaha 5-ta sano ee soo socoto lagu shaqeyn doono 2025-2030 ayaa isugu jira Amniga, Caafimaadka, Deegaanka, Beeraha iyo Howlaha Guud.

DHAMMAAD

Address

Jowhar

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share