Radio Xogmaal 88.5 MHZ

Radio Xogmaal 88.5 MHZ Radio Xogmaal Waxaad ka dhageysan kartaa Kismaayo Mowjada 88.5Mhtz

DUQA MUQDISHO GEN, MUUNGAAB OO MAGACAABIS SAMEEYEYGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan M...
10/08/2025

DUQA MUQDISHO GEN, MUUNGAAB OO MAGACAABIS SAMEEYEY

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u magacaabay Mudane Axmed Xasan Yalaxow, Wakiilka Duqa Magaalada ee Arrimaha Dhulka D/Hoose ee Xamar.

Waxaana xilkii laga qaaday Md. Xasan Cali Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Wakiilka Duqa Magaalada ee Arrimaha Dhulka D/Hoose ee Xamar Md. Axmed Xasan Yalaxow dardargelinta iyo horumarinta arrimaha dhulalka.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib kulankii maanta Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka yeesheen ayaa la isku raacay a...
10/08/2025

Dood iyo falanqeyn dheer kadib kulankii maanta Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka yeesheen ayaa la isku raacay afar cisho kadib la isku soo laabto.

Sida muuqatay kulamadii hire waa ka duwanaa kuwii h**e iyadoo wejiyada dhinacyada shirka fadhiyey reyn reynta laga dheehan karay calaamad su'aal gelisay shacabka maadaama saamileydani warbaahinta isku mariyaan hadalo kulul balse isku imaatinkooda muujiso jawi jawi kale.

Marka la eego shirka maanta ka dhacay Madaxtooyada Qaranka waxa laga diiwaan geliyey in la isku waafaqsan yahay doorasho dadban lagu laabanin taas badelkeedana wax lagu wada qanacsan yahay la aado.

13 Agoosto oo maalinta Arbacada ku beegan todobaadkaan ayaa la ballamay islamarkaana la filayo in war murtiyeed laga soo saaro kulankaan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Xasan Cali Kheyre,Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke,Maxamed Xuseen Rooble,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno kale ayaa mucaaradka ka socday,halka DFS ay shirka fadhiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,Wasiirka Dastuurka Xasan Macalin,Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo xubno kale.

WARSAXAAFADEED Muqdisho: 10/08/2025-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 su...
10/08/2025

WARSAXAAFADEED

Muqdisho: 10/08/2025-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Khawaarijta ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

10/08/2025

DAAWO MUUQAAL XOGTA SHIRKA KA SOCDA VILLA SOMALIA

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Elkhidir Daloum, Wakiilka Ha...
09/08/2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Elkhidir Daloum, Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta arrimaha Gargaarka ee Hay’addu ka wado Puntland iyo sii xoojinta xiriirka Istaraatijiyadeed ee Puntland iyo WFP.

08/08/2025

DHAGEYSO: Barnaamijka Nabad soor Qeybtii 60aad Oo Maalin walba oo Jimca ah Kabaxa Radio Xogmaal Mowjada 88.5 Barnaamijka waxaan Ku soo qaadanaa Qodob la xiriira Halis intee la eg ayey dhalinyarada kala kulmaan isticmaalka maandooriyaha & sida looga hortegi karo,Barnaamijka waxaan dhanka Farsamada Naga gacan siisay BBC Media Action.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saaratay xaaladda Gobalka Gedo
06/08/2025

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saaratay xaaladda Gobalka Gedo

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo ka falceliyey go'aanka DFS ee muwaadiniinta Soomaaliyeed qasabka looga dhigay hadii ...
06/08/2025

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo ka falceliyey go'aanka DFS ee muwaadiniinta Soomaaliyeed qasabka looga dhigay hadii Baasaboorka Soomaaliga rabaan in kaarka aqoonsiga qaranka lagu dalbado.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABIS SAMEEYEYMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxam...
06/08/2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABIS SAMEEYEY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Danjire Aweys waxa uu leeyahay khibrad qoto dheer oo ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka, isagoo h**e u soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

• Hogaaminta Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka (2012–2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.

•Hoggaaminta wadahadallada heer-sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

•Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga (2023–2025), isagoo door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha oo ku tixgeliyey Lataliye Aweys waayo-aragnimadiisa amni iyo hoggaamineed, ayaa ka rajeeyey in uu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Lataliyihii h**e ee Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay.

SHURUUD LAGU XIRAY QOFKA QAADANAYA BAASABOORKA SOOMAALIGA.Shirka Wada shaqeynta iyo Sare u Qaadista Sumcadda Baasaboorka...
06/08/2025

SHURUUD LAGU XIRAY QOFKA QAADANAYA BAASABOORKA SOOMAALIGA.

Shirka Wada shaqeynta iyo Sare u Qaadista Sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxa shir-guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaciil Fartaag, waxana qeyb ka ahaa Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, , Lataliyayaal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:
• Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka
• Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga
• Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed
• Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA
• Dhisidda hannaan joogto ah oo ay si wadajir ah u fuliyaan labada hay’adood

𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐦𝐨 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲:

• 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.

• 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐨 𝟏-𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐧𝐮𝐚𝐫𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟔, dhammaan dadka ku safraya dalka gudihiisa waxa looga baahanyahay in ay safarkooda u haystaan kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.

• 𝐌𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐝𝐚𝐚𝐬, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.

Tani waxay ka mid tahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu xoojinayo hannaanka maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.

Labada hay’adood waxay ku hawlan yihiin dhameystirka hannaan wada-shaqeyn buuxda, si codsiga baasaboorku u noqdo mid la isku halleyn karo, daahfuran, oo si degdeg ah u shaqeeya.

05/08/2025

Dhageyso Xubinta kalamaan oo xiiso gaar ah laheyd (5=08=2025)

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Qoyska iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasa...
05/08/2025

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka, Qoyska iyo Arrimaha Bani’aadannimada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga furay kulan hawleed socon doona muddo afar cisho ah.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegis iyo wadatashi ku saabsan laba hindise-sharciyeed oo kala ah:

•Hindise-sharciyeedka Dambiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada
•Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Carruurta.

Mudada uu socdo kulanka waxaa si gaar ah loogu lafa guri doonaa labada hindise-sharciyeed, maadaama ay yihiin sharciyo baahi weyn ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana mudnaan gaar ah u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Xogmaal 88.5 MHZ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Xogmaal 88.5 MHZ:

Share

Category