Garsi Production

  • Home
  • Garsi Production

Garsi Production Garsi Production waxa aad kaheli doontaan barneemishyo kala duwan oo aad idin xiisi galin doono fadl

Garsi Production: This is the official page of G.P
Halkani waa bogga rasmiga ah ee Garsi Production

Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdullahi Cabdiqaadir Aaden Qaanuni ay...
20/10/2025

Agaasimaha guud ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland mudane Cabdullahi Cabdiqaadir Aaden Qaanuni ayaa xafiiska wasaardda ku qaabilay dhalinyaro uu hoggaaminaayay gudoomiyaha dhalinyarada Jubbaland mudane Farhan Haji.

Gudoomiye Farhan ayaa maalmahan waday kulamo lagu xoojinaayay xiriirka Golaha dhalinyarada Jubbaland iyo hay,addaha dowladda si loo mideeyo dadaallada ku aadan horumarinta adeegyada bulshada loo haayo, maadaama dhalinyarada ay yihiin udub_dhaxaadka bulshada.

Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliye...
21/09/2025

Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, isla markaana ah taariikhyahan caan ah oo wax ka dhiga Jaamacadda Safana ee dalka Mareykanka.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Dowladda Jubaland ayaa dhawaan marti gallindoonta Bandhigga 𝗕𝘂𝘂𝗴𝗴𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗯𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗤𝗼𝘆𝘀 oo uu...
10/09/2025

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Dowladda Jubaland ayaa dhawaan marti gallindoonta Bandhigga 𝗕𝘂𝘂𝗴𝗴𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗯𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗤𝗼𝘆𝘀 oo uu qoray Ayuub Maxamed Ismaaciil (Ayuub Fakad).

𝗙𝗮𝗮𝗵𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗕𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮:
📖 Buugga: Badbaado Qoys
👤 Qoraa: Ayuub Fakad
📍 Goobta: Hotel Madiino, Kismaayo
📅 Taariikhda: 11 Sebtembar 2025
🕔 Waqtiga: 3:00 Galabnimo

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa maanta ...
03/09/2025

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray magaalada Kismaayo Qorshaha Horumarinta Dowladda Jubaland ee 2025–2029.

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxa...
01/09/2025

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa xalay xarunta Madaxtooyada kulan sagootin ah ugu sameeyay wafdi ka socday Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo maalmahan hawlo shaqo ugu sugnaa magaalada Kismaayo.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Jubbaland, Xildhibaano, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, iyo Agaasimayaal Guud, kuwaas oo dhamaatood qayb ka ahaa sagoontinta Waftiga martida ahaa.

Madasha Tusmo oo gudoomiye cusub yeelatay caawa sida lagu shaaciyay pageka rasmiga ah ee madasha, xilkan ayaa waxaa horr...
14/08/2025

Madasha Tusmo oo gudoomiye cusub yeelatay caawa sida lagu shaaciyay pageka rasmiga ah ee madasha, xilkan ayaa waxaa horray u haayay Cabdishakuur Cabdikheyr.

08/08/2025

Hoggaamiye la mahdiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jubbaland mudane Abdi mohamed abdirahman.

02/08/2025

Wasiir Eelay, oo ah musharrax madaxweyne ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, iyadoo imaatinkiisa si weyn looga hadal hayo magaalada. Laftagareen ayaa magaalada iskaga tagay shalay,
Maadama uu awood u yeelan waayay in uu ka hor-istaago baydhobo ayna keentay in uu isaga si farsamaysan uga baxo magaalada maadama uusan jeclayn imaatinka wasiirka.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland  ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furtay tababar...
26/07/2025

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furtay tababarka tababarayaasha ee habka qorista siyaasadda iyo shuruucda, kaasi oo loogu talagalay in lagu tababaro 100 qof oo ka kala socda dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, sida laanta fulinta, laanta sharci-dejinta, laanta garsoorka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si gaar ah bahda sharciyaqaanada.

Tababarkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Abdiwali Hussein Jama, waxaana furitaanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Avv Abdalla Qanuni, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.

tababbarkan ayaa looga talagalay in kor loo qaado xirfadda qorista siyaasadaha iyo shuruucda ee heer dowladeed, ayaa tababarkan loo qabtay in la helo tababarayaal aqoon durugsan u leh habraaca qorista, qiimeynta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo shuruucda.

Ardaaga ayaa caawa magaalada Kismaayo ku qabanaysa kulan lagu maamuusayo 65 sano guuradii xorriyadda Gobollada Waqooyi, ...
26/06/2025

Ardaaga ayaa caawa magaalada Kismaayo ku qabanaysa kulan lagu maamuusayo 65 sano guuradii xorriyadda Gobollada Waqooyi, 26-ka Juun 1960.

Ardaaga ayaa ka mid ah hay,addaha u taagan in ay kor u qaadaan wacyiga bulshada iyagoo kaalintooda si fiican u muuqata.

14/06/2025

Gudoomiyaha Dowladda hoose Ee degmada kismaayo.

11/06/2025

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Jubbaland mudane Abdi mohamed abdirahman ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay qaar ka mid ah xildhibanada labada aqal ee dowlada Federaalka ee soomalia.

Address


Telephone

+252612595847

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garsi Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share