
25/07/2024
š· Waxaan h**e uga dhicin kubadda cagta ayaa maanta dhacay, ciyaartii Morocco & Argentina ee Olympic Gameska.
Ciyaartu markay dhamaatay ayaa waxa lagu daray 15 daqiiqo oo Added time, kaddib Argentina ayaa dhalisay Goalkii bareejaha daqiiqadii 105, kaddib taageerayaasha Morocco ayaa garoonka ku dhex dagaalamay, ciyaartana waxa la joojiyay 1 saac iyo badh,
Kaddib marka laga saaray taageerayaasha garoonka, ayaa ciyaartoyga la amray inay ku soo laabtaan garoonka oo bilaa tarabuun ah, si loo dhameeyo ciyaarta,
Balse waxa la yaab noqotay Goalkii Argentina ay dhalisay ayaa VAR la soo eegay, wuxuuna noqday Offside.
Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 2-1 Morocco ku badisay, xilli taageerayaasha, Ciyaartooyga, iyo cid kasta oo warkan maqashay amakaag iyo yaab la noqotay.