Odoros Channel

Odoros Channel Tebin Tayadeedu Sarayso

Soomaaliya iyo Dagaalka Bariga Dhexe: Fursad Istiraatiiji ah mise Khatar Qarsoon?Dagaallada ka aloosan Bariga Dhexe, gaa...
02/03/2026

Soomaaliya iyo Dagaalka Bariga Dhexe: Fursad Istiraatiiji ah mise Khatar Qarsoon?

Dagaallada ka aloosan Bariga Dhexe, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel oo ay ku lug leeyihiin quwado waaweyn sida Mareykanka iyo xulafadiisa, waxay si toos ah u saameeyeen nidaamka amniga, ganacsiga iyo dhaqaalaha caalamka.

Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, oo ku taalla meel istiraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ma aha meel ka baxsan saameynta colaadahaas.

Warbixintani waxay si cilmiyeysan u falanqaynaysaa su’aasha ah:

Soomaaliya ma ka faa’iidaysan kartaa dagaalka Bariga Dhexe, mise waxay wajahaysaa khasaare dhaqaale, amni iyo mid siyaasadeed?

1 Meelaha Istiraatiijiga ah ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, waxayna ku dhowdahay marin-biyoodka Bab al-Mandab oo ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan dunida.

In ka badan 75 boqolkiiba ganacsiga caalamka iyo shidaalka dunida ayaa mara aaggaas.

Marka xiisad ka dhacdo Bariga Dhexe:

Diyaaradaha rayidka iyo kuwa milatari waxay raadiyaan hawo ammaan ah.

Maraakiibta ganacsigu waxay ka fogaadaan meelaha halista ah.

Quwadaha waaweyn waxay raadiyaan saldhigyo ama saaxiibo istiraatiiji ah.

Sidaa darteed tani waxay Soomaaliya ka dhigaysaa dal muhiimad cusub yeelan kara.

2 Faa’iidooyinka Suurtagalka ah

Dakhliga Hawada (Overflight Revenue)
Haddii diyaaradaha caalamiga ahi u leexdaan hawada Soomaaliya:

Dowladda waxay kordhin kartaa dakhliga hawada.

Maamulka hawada Somalia ayaa hadii si fiican loo maareeyo soo jiidan kara kalsooni caalami ah.

Kororka Dhaqdhaqaaqa Dekedaha

Haddii maraakiibta ganacsigu doortaan marinno ka ammaan badan kuwa bariga dhexe target ku waa Somalia:

Dekedaha Soomaaliya waxay heli doonaan macaamiil cusub.

Adeegyada saadka, shidaalka iyo dayactirka ayaana kobci doona.

Qiimaha Shidaalka oo kaca.

Inkasta oo Soomaaliya weli si buuxda u soo saarin shidaal, qiimaha kor u kaca wuxuu kordhin karaa xiisaha maalgashiga mustaqbalka.

3. Khasaaraha iyo Khataraha

Sicir-barar iyo Culays Dhaqaale.

Soomaaliya waa dal shidaal soo dhoofsada. Marka qiimaha shidaalku kaco:

Qiimaha raashinka iyo gaadiidka ayaa kordhaya.

Danyarta ayaana ah kuwa ugu nugul saameynta.

Halista Milatari

Haddii quwadaha dagaalamaya ay dalbadaan:
Isticmaalka hawada ama biyaha Soomaaliya
Ama saldhigyo ku-meel-gaar ah
Soomaaliya waxay geli kartaa khatar Amni.

Waxaana imaanaysa
In loo arko dhinac dagaal
In laga jawaabo weerarro ama cadaadis diblomaasiyadeed

Soo Noqoshada Burcad-badeednimo
Marka ganacsiga badda kordho:

Waxaa suuragal ah in kooxo hubeysan ka faa’iideystaan firaaqada amni.

Taas oo dhaawici karta sumcadda Soomaaliya.

4. Saameynta Siyaasadeed iyo Diblomaasiyadeed
Dagaalka Bariga Dhexe wuxuu abuuraa kala safasho cusub. Soomaaliya haddii ay si cad dhinac u raacdo:

Waxay lumin kartaa taageero dalal kale.

Waxay wajihi kartaa cunaqabateyn ama cadaadis dhaqaale.

Goaanka Dhexdhexaadnimada ayaana ah halka ugu istiraatiiji san ee furaha badbaadada siyaasadeed ee mustaqbalka dalka.

5. Mustaqbalka Soomaaliya Haddii Dagaalku Dheeraado
Haddii dagaalku sii socdo muddo dheer:

Soomaaliya waxay noqon kartaa marin ganacsi oo muhiim ah.

Dakhliga dowladda wuu kordhi karaa hadii si wacan loo maareeyo.

Meesha ay kaga jirto siyaasadda gobolka way xoogeysan kartaa.

Balse waxaa kale oo suurtagal ah inay dhacaan
Sicir-barar baahsan.

Amni darro badeed iyo hawada oo noqota mid cid kasta u furan maadaama aan awood kaantarool jirin.

Iyo Soomaaliya oo noqota goob loollan quwado shisheeye.

Soo Koobid uruursan,

Soomaaliya si toos ah ugama faa’iidaysanayso dagaalka Bariga Dhexe, balse waxay ku jirtaa meelo istiraatiiji ah oo laga yaabo inay helaan fursad ama khatar, waxayna ku xirnaan doontaa sida loo maareeyo.

Dagaalku wuxuu Soomaaliya u noqon karaa:

Fursad Dahabiya, haddii la xoojiyo amniga, la ilaaliyo dhexdhexaadnimada, lagana fogaado khilaafka gudaha sida in maamulada qaarkood ugacan dhiibtaan dhinacyada, lana hagaajiyo maamulka dakhliga hawada iyo dekedaha.

Khasaaraha imaan kara, hadii dagaalku daba dheeraado waxaa ka mida sicir-barar, amni darro iyo loollanka quwadaha shisheeye oo la filan karo in ay ka awoodda bataan dowladnimada Somalia.

Sidaas darteed, mustaqbalka Soomaaliya ma go’aaminayo dagaalku, balse wuxuu ku xirnaan doonaa awoodda hoggaamineed, midnimada gudaha iyo xeeladda diblomaasiyadeed ee ay qaadato Dowladda Somalia.

Eng Mohamoud Salleban Eidle

Xamar & Koonfurta Somalia meesha laga qarxin jirey waxay ahayd Goojacade oo fadhiisin u ahayd Argagaxisadii Goonigoosata...
13/01/2026

Xamar & Koonfurta Somalia meesha laga qarxin jirey waxay ahayd Goojacade oo fadhiisin u ahayd Argagaxisadii Goonigoosatada ahayd, 25 kii August 2023 Maalinkii Goojacade laga qabsaday Somaliland baa ugu danbeesay qarax iyo masiibo koonfur iyo xamar ka dhacda.

Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxbay fahmeen, Waana sababta Dowladda Federaalka Somalia diirada ugu hayso kooxda falaagada ah ee gooni goosatada Waqooyi Galbeed.

13/01/2026

oo caawa la ciir ciiraysa wafti kala duwan oo soo gaadhay iyo amniga guud ee caasimada oo aad loo adkeeyey.

13/01/2026

Kalmadii sida khaldan ay u fasireen si xun wax u sheegu hadana waan ku celinayaa Wasiir Ahmed Macalin Fiqi.

13/01/2026

Madaxwaynaha Jamuurida Federaalka Soomaaliya oo luuqad adag kula hadlay daba dhilifka Emaaraadka.

13/01/2026

Ciidanka Puntland ee PSF oo Laascaanood gaadhay xili shalay uu Laascaanood kasoo dagay Asad Cusmaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo sidoo kale ay ka amarqaatan ciidankan maanta tagay Laascaanood ee PSF.

13/01/2026

Wasiiro Heer federaal ah oo soo gaadhay casimadda dawladda Waqooyi bari ee laascaanood .

12/01/2026

Halgamaa xildhibaan sheekh aadan wali.

12/01/2026

Halgamaa Cabaas Madani oo ah qaban qaabiyaha guud ee soo dhawaynta madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa ka warbiciyey shaqada baaxada leh ee ay wadaan.

12/01/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska DFS Sareeye Guud Asad Cismaan Diyaano.

Address

Lasanod
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Odoros Channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share