
12/06/2025
Si kasta oo aad wax u qorshaysato adigu, qorshe waa ka Illaahay oo keliya - Tani waa sheeko casharo laga baran karo.
Sawirkani waa Dr Pratik Joshi waxa uu ku noolaa London lixdii sano ee la soo dhaafay. Waxa uu muddo dheer ku hammiyi jiray inuu u mar uun nolosha dalka UK kula midoobo xaaskiisa & caruurtiisa oo Hindiya joogay wuxuuna qorshaynayay sidii uu u keeni lahaa Ingiriiska.
Joshi, dedaalkasta wuxu ku bixiyay in uu dhamaystiro shuruudaha dalka Ingiriiska si uu qoyskiisa Hindiya uga soo dhoofiyo. Dulqaad & halgan dheer kaddib-na riyadaasi way u rumowday.
Dhowaan ayaa UK dal ku galka [Visa-ha] siisay Joshi qoyskiisa [Xaaskiisi & 3 da caruur ah] ee joogay Hindiya.
2 maalin ka hor ayaa Joshi xaaskiisa Dr. Komi Vyas, oo iyaduna ahayd xirfadle caafimaad iska casishay shaqadeedii Hindiya. Boorsooyinka ayayna soo xidhxidheen iyada iyo caruurteedii si Mustaqbalka sugaya ay saygeeda ugala bilaabaan Ingiriiska.
Saaka 12-ka June, dhammaan shantooda [Hooyada, Aabaha iyo Saddexda caruur ah.] iyagoo faraxsan niyadoodana ay ka buuxaan rajjooyin iyo qorshayaal kala duwan ayay soo fuuleen diyaaradda Air India duulimaadka 171 ee kasoo baxayay Hindiya kuna wajahnaa Ingiriiska.
Daqiiqado gudahood kaddib markii ay soo duuleen inta aanay kaba bixin Hindiya ayaa diyaaraddii ay saarnaayeen burburtay riyooyinkoodiina waxay isu beddeleen dambas. Hilbahooda in la aqoonsado ayaaba adkaatay.
Tacabkii Dr Joshi uga safray UK iyo rajjaddii qoyskiisu kula midoobay ee ahayd inay Ingiriiska mustaqbal ka bilaaban waxay kusoo idlaatay geeri foolxun oo aan qoyskaas maanta dunidda qofna ka joogin.
Dhacdadan & kuwa lamid ka ah waxay si dhow u qeexayaan in qorshe kasta oo aad dejiso kan illaahay ku dejiyay kasoo h**eeyo.
"Illaahay khaatumada khayr ha inoogu khatimo."
©️ The Skin Doctor
Follow