06/06/2023
Gudida 33 daa ee cawa hadlay siwacan ayey u hadleen, waxaa dhaliilaya dad aragti gaaban iyo dad dana gaaraa wata.
Pls akhri qoraalkan hadii aad tahay qofkaan sheegayo fadlan kabax intanan ku ogaan oo dadkaaga ladareennoqo hadiikale ogow waa lagu ogaandonaa hadaad baryo nagu dhaxdhuumtee,
■Beryahan waxa baraha bulshada ka socda qorshayaal abaabulan oo khatar badan, kuwaas oo ujeedkoogu yahay kicin iyo xaalad abuur la rabo in lagu waxyeeleeyo halganka reer ssc .
Kooxahan abaabulan ayaa wakhti badan ku bixiya in ay wax kusoo qoraan baraha bulshada sida Facebook iyo wixii lamidaa iyaga oo raba in ay qalalaase iyo kacdoono shacab ka bilaabaan halganka dhaxdiisa.
Arrinta cajiibka ah ayaa ah in dadkan in badan oo ka mid ahi ay kasoo jeedaan beesha isaaq ee dagan burco iyo hargaysa iyaga oo hawada kumaraya ciwaano iyo magacyo ay isu ee kaysiinayaan dadka reer ssc inay yihiin tusaale= qalaska, darwiish, halgamaa sool, iyo wixii lamidaa,
Halka qaar kale Ay yihiin dad u dhashay deegaanka reer ssc oo is qarinaya dushasarana iska dhigaya dad daacad u ah halganka ssc hoostana ka ah horgalayaal ushaqeeya snm xanbaarsana fikrada xunee urgufyada idoorka, waxayna ku dhax dhumanayaan dadka dhaxdooda.
■Hadaba Markii aan in badan qiimeeyey aragtida dadkan waxa iisoo baxay in dadkani laba kooxood u qaybsamaan.
1: Kooxda koobaad waa cadawga gudaha ssc waxayna aaminsanyihiin aragtida duugoowday ee urgufyada Soomaaliland. Waxa ay isu gaysteen xisaab ah hadii Aad afkaarta cunsurigaa ee snm faafto in ay dib usoo nooleenayso soo noqoshada Somaliland, Sida ay iyagu aaminsanyihiin waa in burburka dhulbahante iyo kala furfurka dadka reer SSC ay tahay guusha iyo soo laabashada urgufyada SNM, iyo nolosha mustaqbalkooda.
■ Kooxdani kalmadaha ay caanka ku yihiin waxa ka mid ah, Halganka daacad lagama Aha?
Awoodenii ma intaasay ahayd?
Dhulbahante dagaal uma jeedo ?
Anakaa naloo jeedaa ?
Inaku awood mahayno oo waxba ma weerarno miyaa ?
Ciidankayaga waa lagaga baxay malintii dhawayd dagaalka ?
Ciidankayaga looma soo gurman ?
Oo Ree Hebel waxba k**adhimane?
Reer Hebel malintii dhawayd madagalm?
Taliye hebel dagaalku daacad k**a aha ?
Kooxdani waxay daganhihiin Reer hebel iyo reer hebel waana ujeedo ay wataan urgufyada snm waana calooshoda ushaqaystayaal diciifaa.
MB
si kasta oo lagu soo celinayo Reer hebel iyo hebel waa sidaas ogaada inaysn halganka waxba kabadalayn....
2. Kooxda labaad waxay leeyihiin aragti siyaasi ah oo dhumuc leh ama micno weyn sameenaysa. Aragtida ay aaminsanyihiin waa mid ay ku doonayaan sidii uu halgankeenu ku fashilmilahaa kadibna ay uga faa iidaysanlahaayeen Waa dadka kasoo jeeda , burco, iyo Hargeisa
Kooxdani waa mid jecel burburka, dhimashada, isku dirka, kala qaybinta iyo wax kasta oo keeni kara burbur nidaamka halganka qadiyada reer ssc.
Hadaba labadan kooxood ee xagjirka iyo qaswadayaasha ahi waxa ay adeegsadaan xeelado cajiib ah si ay hammigooda iyo aragtidooda u gaadhaan. Balse labadan kooxood hal ujeedo ayey ka midaysanyihiin oo ah kala dirka, kala irdaynta, kala qaybinta, ukala sheekaynta iyo isu bahalo gelinta dadka reer ssc .
Labadan kooxood waxa ay aad u isticmaalaan degeladda baraha bulshada sida Facebook iyo iwm. Waxayna adeegsadaan laba xeeladood oo khatar badan balse wax ku ool ah
( effective tactics).
Hadaba, ha laga feejignaado kooxahan xagjirka ah ee usoo tafaxaytay kala qaybinta, u kala abtirinta, iyo u kala sheekaynta dadka reer SSC. Waana in laga feejignaado oo la ogaado in ayna ka dhex faa’iidaysan Halganka reer ssc, iyaga oo iska dhigaya kuwa raba hagaajinta Bulshada reer ssc balse raba cagsiga oo ah burburinta SSC.
Q. Ustaad Burhan Turaabi