
09/07/2025
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qaraabada dadkii shalay ku geeriyooday xeebta Magaalada Berbera.
Sidoo kale taliye hurre waxa uu sheegay
Doon kuwa kalluumaysiga ah oo 29-kii June ka baxday Berbera oo ay la socdeen 4 qof oo kalluumaysato ah ayaa lagu waayey xeebaha bariga Somaliland.
Sidaana waxa sheegay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed H**e Haariye oo maanta la hadlay warbaahinta dawladda, isagoo intaasi ku daray in kalluumaysatadu ay soo hadleen 7 bishan July, balse wixii intaas ka dambeeyey aan wax war ah laga helin, isagoo xusay inuu socdo gurmad lagu baadi-goobayo kalluumaysatadaas badda lagu waayey.