Alkun Media

Alkun Media Alkun Media | Digital Media
🎬 Documentary • Interviews • Analysis
🔎 Xog, xaqiiqo & warbixin qoto dheer
🎙 Sheekooyinka iyo codadka bulshada

Saaxiibayaal, halkaas ayaan u guurnay! ❤️Page-kan cilad ayaa ku timid, sidaas darteed waxaan u guurnay page-ka cusub.👉 N...
19/08/2026

Saaxiibayaal, halkaas ayaan u guurnay! ❤️

Page-kan cilad ayaa ku timid, sidaas darteed waxaan u guurnay page-ka cusub.

👉 Nala socda page-ka cusub, kuna soo biira si aadan uga maqnaan wararka, xogaha iyo muuqaalada aan idiin soo gudbin doono.

Mahadsanidiin taageeradiinna. 🙏

Mawliid Pro

SANAAG: TALIYE IYO CIIDAMO KA GOOSTAY SOMALILAND

Sanaag – Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Cali Axmed Ismaaciil (Ashkato), oo ka tirsanaa ciidamada Maamulka Somaliland, uu isaga iyo ciidamo uu hoggaaminayay ka goostay Somaliland, kuna biiray dhinaca Dowladda Waqooyi Bari.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliye Ashkato iyo ciidamadiisa ay gaadheen Taliska 12-aad ee Ciidanka Waqooyi Bari, oo ku yaalla magaalada Fiqifuliye ee gobolka Sanaag. Fiqifuliye waxay ku taallaa gobolka Sanaag.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo dheeraad ah oo laga helay sababta uu taliye Ashkato uga goostay ciidamada Somaliland iyo tirada ciidamada la socotay.

17/08/2026

UN iyo waqooti bari maxay ka dhigan tahay Booqashada George conway?

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray xaaladda amni iyo dagaalka maanta ka socda magaalada Ba...
17/08/2026

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray xaaladda amni iyo dagaalka maanta ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerar ay ku tilmaameen mid ay maleeshiyaad Khawaarij ah kusoo qaadeen magaalada, xilli magaalada iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay ka socdeen diyaar-garowyo dhinaca amniga ah.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay muddooyinkii dambe qorsheynayeen inay qalqal geliyaan amniga iyo xasilloonida Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka ay si buuxda uga feejignaayeen isku dayga weerarka, isla markaana ay maleeshiyaadka gaarsiiyeen jab xooggan oo sababay khasaaro naf iyo maal ah.

16/08/2026

Qaybtii labaad Kulanka Madaxda qaramada midoobay iyo Hay'adaha Waqooyi bari..

16/08/2026

Kulanka madaxda qaramada midoobay iyo Hay'adaha waqooyi bari..

Fariimaha ay xambaarsan tahay booqashada Deputy SRSG Mr. George Conway uu ku tegay Dowladda Waqooyi Bari:1. Danayn iyo f...
16/08/2026

Fariimaha ay xambaarsan tahay booqashada Deputy SRSG Mr. George Conway uu ku tegay Dowladda Waqooyi Bari:

1. Danayn iyo faham toos ah (Sign of Interest):Booqashadan waxay muujinaysaa danayn gaar ah iyo rabitaanka UN-ka inuu si toos ah u fahmo xaaladda deegaanka, baahiyaha bulshadda iyo xaalada bani’aadamnimo.

2. Bilowga iskaashi toos ah oo u dhexeeya UN-ka iyo maamulka Waqooyi Bari: Waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka iyo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha UN-ka iyo Dowladda Waqooyi Bari, gaar ahaan dhinacyada humanitarian assistance.

3. Kordhinta muuqaalka Waqooyi Bari ee hay’adaha caalamiga ah: Booqashada mas’uul heerkan ah waxay sare u qaadaysaa visibility-ga Waqooyi Bari, waxayna fursad u abuuri kartaa in hay’adaha caalamiga ah ay si dhow u eegaan baahiyaha, fursadaha iyo mashaariicda ay ku heli karaan deegaankan.

4. Fursad dhinaca qaybinta mashaariicda: George Conway wuxuu sidoo kale leeyahay doorka Humanitarian Coordinator, waxaa jira sanduuq la dhaho Somalia Humanitarian Fund (SHF)kaas oo ah hannaan muhiim ah oo lagu maalgeliyo ka jawaabta baahiyaha bani’aadamnimo. Sidaas darteed, xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho UN-ka wuxuu Waqooyi Bari u abuuri karaa fursado wanaagsan oo ku saabsan helitaanka iyo kordhinta mashaariicda humanitarian-ka, maadaama uu sanduuqaas madax u yahay.

5. Muhiimad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed (Diplomatic Significance): Maadaama deegaanku muddo h**e ahaa disputed area, booqashada mas’uul sare oo UN ah waxay leedahay muhiimad diblomaasiyadeed. Waxay muujinaysaa in UN-ku si toos ah ula falgalayo xaqiiqada cusub ee ka jirta deegaanka iyagoo la tacaamulaya maamulka Waqooyi Bari.

W/Q: Mohamed Indho

LAASCAANOOD: Shir muhiim ah oo looga hadlayo iskaashiga Waqooyi Bari iyo hay’adaha caalamiga ah.Magaalada Laascaanood wa...
16/08/2026

LAASCAANOOD: Shir muhiim ah oo looga hadlayo iskaashiga Waqooyi Bari iyo hay’adaha caalamiga ah.

Magaalada Laascaanood waxaa ka furmay shir heer sare ah oo ay ka qaybgalayaan madax ka socda Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Waqooyi Bari.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta, isku-dubbaridka barnaamijyada bani’aadannimada iyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaannada Waqooyi Bari.
Masuuliyiinta maamulka ayaa madaxda Qaramada Midoobay u gudbiyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha caalamiga ahi si toos ah ula macaamilaan maamulka, si loo mideeyo qorshayaasha loona hubiyo in taageeradu gaarto bulshada u baahan.
Alkun Media | Warar & Xog Sugan

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa xafii...
16/08/2026

Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane George Conway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee la xiriira xaaladda guud iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Waqooyi Bari iyo Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo xiriirka dhinacyada kala duwan.

Alkun Media

16/08/2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

16/08/2026



Waxaa maanta ku soo wajahan Madax sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay UN oo uu hoggaaminayo George Conway Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Alkun Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share