Warsan Media

Warsan Media Warsan Media Corporate waa Shirkad samaysa dhammaan wixii Media Service ah sida Video Shooting, Directing, Creating, Photography and Documenting Films,.... ETC

WAR SAXAAFADEEDShirkadaha isgaadhsiinta iyo Bangiyada ka hawlgala Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
05/10/2025

WAR SAXAAFADEED
Shirkadaha isgaadhsiinta iyo Bangiyada ka hawlgala Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Maxamed cali bile oo kamid ah warbaahinta gobolka cayn ayaa shaaciyay inuu kamid yahay Musharixiinta Golaha degeenka ee ...
04/10/2025

Maxamed cali bile oo kamid ah warbaahinta gobolka cayn ayaa shaaciyay inuu kamid yahay
Musharixiinta Golaha degeenka ee degmada buuhoodle

𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨, 𝐗𝐢𝐥-𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐬𝐢𝐝.Golaha SODESCO ayaa caawa qabtay xaflad weyn taas oo ku saabsan doorasho, xil-wareej...
03/10/2025

𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨, 𝐗𝐢𝐥-𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐬𝐢𝐝.

Golaha SODESCO ayaa caawa qabtay xaflad weyn taas oo ku saabsan doorasho, xil-wareejin iyo maamusid, xafladan ayaa ka dhacday magaaladda Laascaanood.

Waxaa la doortay gudoomiya cusub ee golaha kaas oo loo doortay 𝐃𝐫. 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐝𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐉𝐚𝐦𝐚 (𝐀𝐥𝐢 𝐌𝐢𝐢𝐠) iyo Xogyaha guud ee golaha 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐚𝐝 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐇. 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐡, sidoo kale waxaa la doortay xubnaha golaha wadatashiga (Shuurada) oo ka kooban 5 xubnood iyadoo gudoomiyaha shuuradanna loo doortay 𝐄𝐧𝐠 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐳𝐚𝐤 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐉𝐚𝐦𝐚 (𝐐𝐨𝐣𝐞). Waxaa xilka goobta ku wareejiyey gudoomiyihii h**e ee golaha 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐈𝐧𝐝𝐡𝐨, isaggoo ku wareejiyey madaxda la doortay.

Ka dib intaas, waxaa maamuusid iyo shahaado sharaf la gudoonsiiyey madaxweyne ku xigeenkii h**e ee maamulka SSC-khaatumo 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐢𝐥 (𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐞) taas oo ku mutaystay intii uu bulshadda u adeegayey, isaggoo ka mid ah xubnaha golaha SODESCO.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan akhyaarta sharafta leh ee kulanka soo xaadiray, ballanteennu waa isbeddel iyo dib u labo kaclayn.

Mahadsanidiin.

𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨, 𝐗𝐢𝐥-𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐬𝐢𝐝.Golaha SODESCO ayaa caawa qabtay xaflad weyn taas oo ku saabsan doorasho, xil-wareej...
03/10/2025

𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨, 𝐗𝐢𝐥-𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐬𝐢𝐝.

Golaha SODESCO ayaa caawa qabtay xaflad weyn taas oo ku saabsan doorasho, xil-wareejin iyo maamusid, xafladan ayaa ka dhacday magaaladda Laascaanood.

Waxaa la doortay gudoomiya cusub ee golaha kaas oo loo doortay 𝐃𝐫. 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐝𝐚𝐡𝐢𝐫 𝐉𝐚𝐦𝐚 (𝐀𝐥𝐢 𝐌𝐢𝐢𝐠) iyo Xogyaha guud ee golaha 𝐔𝐬𝐭𝐚𝐚𝐝 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐇. 𝐅𝐚𝐫𝐚𝐡, sidoo kale waxaa la doortay xubnaha golaha wadatashiga (Shuurada) oo ka kooban 5 xubnood iyadoo gudoomiyaha shuuradanna loo doortay 𝐄𝐧𝐠 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐳𝐚𝐤 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐉𝐚𝐦𝐚 (𝐐𝐨𝐣𝐞). Waxaa xilka goobta ku wareejiyey gudoomiyihii h**e ee golaha 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐈𝐧𝐝𝐡𝐨, isaggoo ku wareejiyey madaxda la doortay.

Ka dib intaas, waxaa maamuusid iyo shahaado sharaf la gudoonsiiyey madaxweyne ku xigeenkii h**e ee maamulka SSC-khaatumo 𝐃𝐫. 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐢𝐥 (𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐞) taas oo ku mutaystay intii uu bulshadda u adeegayey, isaggoo ka mid ah xubnaha golaha SODESCO.

02/10/2025

Maxaad ka ogtahay qisada Qudbigii Seyidka Aabihii iyo shuftada xadday Qabriga.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay in ay nabad dhexdhigayaan Woqooyi-bari & Somaliland iyo isdhaafsiga maxaabiista:...
29/09/2025

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay in ay nabad dhexdhigayaan Woqooyi-bari & Somaliland iyo isdhaafsiga maxaabiista: “Dowladda Federaalka waxay geed-dheer & mid gaaban u koraysaa in ay nabad ku wada noolaadaan maamulka Woqooyi-bari iyo derisyadeeda, waxaan ku baaqaynaa nabad & furista isku socodka ganacsiga; dhaqankeenu maaha in aan maxaabiis kala haysanno, waa in la maamuuso maxaabiista oo loo guuriyo taas oo keenta danjirayaasha nabadda.”

25/09/2025

" Reer Waqooi bari waxaa u soo baxay Jiil cusub oo ku hubaysan cilmi iyo akhlaaq "
MW kuxigeenka Waqooyi bari somalia
Abdirashiid Yusuf jibriil .

25/09/2025

Jaamacadda Nugaal oo 21 Sano jirsatay ayaa maanta waxaa ka qalinjabinaya dufcadii 18aad , Arday tiradoodu gaadhayso 130 arday ayaa ka qalinjabiyay .

Madaxwayne Ku xigeenka Waqooyi bari Somalia .
25/09/2025

Madaxwayne Ku xigeenka Waqooyi bari Somalia .

Harqaanka barashada Farsamada Gacanta Ee Master Wuxu Qaadanaya Ardey Cusub Oo La Barayo Qaybaha Kala Duwan Ee Dawaarka S...
25/09/2025

Harqaanka barashada Farsamada Gacanta Ee Master Wuxu Qaadanaya Ardey Cusub Oo La Barayo Qaybaha Kala Duwan Ee Dawaarka Sida

Tolmada Dharka
Jarniinka Dharka
Cilad Bixinta Mashiinka

Harqaanka Wuxu Ku Yaala Royal Wuxu Dheega Ku Hayaa Warshaada Cakaara Oo Ka Danbeysa Dabaqa Xaaji Ciise Aw-Cali

Wixi Faahfaahina Kalaso Xidhiidh Lambarada Kala Duwane Hoos ku Xusan-

Telesom: 0634934412
Telesom: 0633897094
Golis: 0906619530

GOLAHA WAKIILLADA AYAA COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYAY CODSIGA MADAXWEYNAHA EE KU AADAN MUDDO KORDHINTA WAQTIGA DHISMAHA X...
25/09/2025

GOLAHA WAKIILLADA AYAA COD AQLABIYAD AH KU ANSIXIYAY CODSIGA MADAXWEYNAHA EE KU AADAN MUDDO KORDHINTA WAQTIGA DHISMAHA XUKUUMADDA DAWLADDA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo ay wehliyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame ayaa shir guddoomiyay kal-fadhiga 1-aad, fadhigiisa 11-aad ee Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ajendaha fadhiga maanta ayaa ahaa Codsiga Madaxweynaha ee ku aadan muddo kordhinta waqtiga dhismaha Xukuumadda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Kooramka fadhiga maanta waxa uu ahaa (60) Mudane.

Ugu horayn, Gudoonka Golaha Wakiillada ayaa Xubnaha Golaha Wakiillada u akhriyay warqadda codsiga Madaxweynaha ee ku taariikhaysan 23/9/2025.

Intaa kadib, Xubnaha Golaha Wakiillada Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Codsiga Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari ee ku aadan muddo kordhinta waqtiga dhismaha Xukuumadda, codsiga madaxweynaha oo ahaa 21 maalmood oo muddo kordhin ah waxaa oggolaaday (56) Mudane, waxaa diiday (2) Mudane, halka uu ka aamusay (1) Mudane, guddoomiyaha golahuna ma codeyn.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha ayaa soo xidhay fadhigii maanta, waxa uuna uga mahad celiyay xildhibaannada golaha ajiibidda, ilaalinta waqtiga iyo sida wanaagsan oo ay u guteen wajibaadkii loo igmaday.

Ardayda sadexda kaalmoode ee sare galay .
25/09/2025

Ardayda sadexda kaalmoode ee sare galay .

Address

Gooladda
Laascaanood

Telephone

+252634535840

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warsan Media:

Share

Category